27 Duulimaad, 24 Ciyaarood: Saamaynta Kaarboonka ee Safarka Madaxweynaha FIFA ee Koobka Adduunka

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa ka qayb galay 24 ciyaarood labadii toddobaad ee ugu horreysey mudada uu socdo Koobka Adduunka ee xagaagan, isaga oo kumannaan mayl ku maray diyaarado.

Tartankan waxa lagu qabanayaa saddex waddan oo kala ah Maraykanka, Kanada iyo Meksiko, waxana martigelinaya 16 magaalo. Sidoo kale, tartanku wuxuu leeyahay ciyaaro ka badan kuwii hore, maadaama wareegga guruubyada la ballaariyay.

BBC Verify iyo BBC Sport ayaa dabagal ku sameeyey diyaarad gaar loo leeyahay oo lala xiriiriyo in ay adeegsadaan FIFA iyo Gianni Infantino.

Diyaaraddan ayaa samaysay 27 duulimaad muddadii uu tartanku socdey, iyadoo u kala gooshaysay magaalooyinka uu Madaxweynaha FIFA ka daawanayay ciyaaraha, sida ay muujinayaan sawirrada la baahiyay.

Qiyaasta saamaynta ay diyaaraddani ku yeelatay cimilada muddo laba toddobaad gudahood waxay la mid tahay celceliska qiiqa hawada lagu sii daayo ee ay soo saaraan 78 qof.

Madaxweynaha FIFA intee in le'eg ayuu safray?

Intii lagu jiray wareegga guruubyada, Infantino dhowr jeer ayuu hal maalin gudaheed uu daawaday laba ciyaarood, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyin boqollaal mayl isu jira. Maalmaha qaarkoodna wuxuu qaatay saddex duulimaad oo kala duwan.

Ka hor tartankan, Madaxweynaha FIFA waxaa lagu arkay isagoo adeegsanaya diyaarad gaar loo leeyahay oo ay leedahay, waxaana la sheegay in uu Koobkan Adduunka ku safrayo diyaarad nooca Gulfstream G650ER.

BBC waxay FIFA ka codsatay in ay xaqiijiso arrintan, balse wax jawaab ah kama aysan helin. Balse, BBC waxay adeegsatay xogta dabagalka diyaaradaha si ay u raadraacdo safarrada diyaaradda, waxayna goob kasta oo ay u duushay la jaanqaadday sawirrada la daabacay ee muujinaya Infantino oo islamaalmahaas ku sugan garoomada magaalooyinkaasi.

Duulimaadkii ugu dheeraa ee Infantino qaaday labadii toddobaad ee ugu horreeyay wuxuu gaarayey 2,800 mayl, una dhiganta 4,507 km), isagoo 13-kii Juun ka duulay Vancouver kuna tegay Miami, kaddib markii uu daawaday ciyaartii u dhexeysay Australia iyo Turkey.

Waxa kale oo uu sameeyay safarro gaagaaban. 22-kii Juun, diyaaraddu waxay ka duushay Philadelphia, iyadoo ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee Teterboro ee gobolka New Jersey, masaafo dhan 92 mayl (148 km).

Infantino ciyaar kama uusan daawan halkaas, balse subaxdii xigtay waxaa waraysi lagula yeeshay xarunta Fox News ee magaalada deriska la ah ee New York, ka hor inta uusan u duulin Boston iyo Toronto, halkaas oo uu isla maalintaas ku daawaday ciyaaro kale.

Safarkii ugu dheeraa ee Infantino hal maalin gudaheed sameeyay—iyadoo aan lagu darin duullimaadyadii habeenkii—wuxuu dhacay 15-kii Juun. Maalintaas wuxuu ka duulay Miami kuna tegay Seattle, isagoo ka gudbay ku dhowaad dhammaan dhulka Maraykanka, masaafo ka badan 2,700 mayl (4,000 km), si uu u daawado ciyaartii u dhexeysay Belgium iyo Masar.

Intaas kaddib, wuxuu u sii duulay dhanka koonfureed qiyaastii 960 mayl (1,545 km) ilaa Los Angeles, halkaas oo uu fiidnimadii kaga qayb galay ciyaartii Iiraan iyo New Zealand.

Maalin kale oo safarkiisu aad u dheeraa waxay ahayd 26-kii Juun. Diyaaraddu waxay ka kacday Miami, waxay si kooban u istaagtay Dallas, dabadeedna waxay u sii duushay Seattle, halkaas oo sawirro lagu arkay Infantino isagoo daawanaya ciyaartii Masar iyo Iiraan.

Qiyaastii shan saacadood kaddib markii ay Seattle timid, diyaaraddii ayaa mar kale ka duushay magaaladaas, iyadoo dib ugu noqotay Miami. Safarkan soo noqoshada wuxuu ahaa qiyaastii 2,700 mayl (4,345 km), waxayna halkaas ka degtay subaxdii xigtay.

Maalintii xigtay, Infantino wuxuu magaalada Miami ku daawaday ciyaartiisii 24-aad iyo tii ugu dambaysay ee wareegga guruubyada, taas oo dhexmartay Portugal iyo Colombia.

Falanqaynta BBC waxay muujinaysaa in muddadii u dhexeysay billowgii tartanka iyo 27-kii Juun, diyaaradda gaarka ah ay safartay ugu yaraan 31,144 mayl (50,122 km), islamarkaana ay hawada ku jirtay in ka badan 66 saacadood.

Immisa ayuu ayuu la leg yahay qiiqa kaarboonka ee hawada lagu siidaayey?

Safarka lagu maro diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa guud ahaan loo arkaa habka safarka ee ugu badan ee soo saara qiiqa kaarboonka. Diyaaradahani waxay hawada ku sii daayaan gaasas aad u bbadan, kaas oo kordhiya kulaylka dunida isla markaana dedejiya isbeddelka cimilada.

Diyaaradda Gulfstream G650ER, oo la rumeysan yahay in Infantino ku duulo, waxay celcelis ahaan gubtaa qiyaastii 1,817 litir oo shidaal ah saacaddii.

Iyadoo lagu salaynayo habka dowladda UK u xisaabiso qiiqa gaasaska cufan, waxaa lagu qiyaasay in safarradii diyaaraddan intii lagu jiray wareegga guruubyadu ay soo saareen qiyaastii 516 tan oo Caarboon Laba Ogsaydh (CO₂e) ah.

Tirada ugu dambaysa ee Kaarboon Laba Ogsaydh u dhiganta (CO₂e) kuma koobna oo keliya kaarboon laba ogsaydhka (CO₂) si toos ah hawada loogu sii daayo, balse waxa kale oo lagu daraa qiyaasta gaasaska kale ee wax ku biiriya isbeddelka cimilada iyo saamaynta aan tooska ahayn ee duulimaadyadu ku yeeshaan jawiga.

Si kastaba ha ahaatee, tirooyinkani waa qiyaaso oo keliya, maadaama aan si sax ah loo ogaan karin inta shidaal ee dhab ahaan la gubay. Waxa kale oo la og yahay in diyaaradaha ay shidaal badan isticmaalaan marka ay kacayaan iyo marka ay degayaan.

Sida ku cad xogta Midowga Yurub (EU), celceliska qiiqa gaasaska hawaada lagu sii daayo ee qof kasta sannadkii waa 6.56 tan oo CO₂e ah.

Sidaas darteed, waxaa la rumaysan yahay in safarradii uu Infantino sameeyay muddo wax yar ka badan laba toddobaad ay soo saareen qiiq u dhigma waxa ay qiyaastii 78 qof soo saari lahaayeen hal sano gudaheed.

Diyaaradda ayaa qaadi karta ilaa 19 qof, hase yeeshee lama oga inta qof ee saarnayd duulimaad kasta. Sidaas awgeed, suurtagal ma aha in si sax ah loo xisaabiyo qiiqa ku soo beegmaya rakaab kasta.

Jawaabta FIFA

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa u sheegay BBC Sport:

"Madaxweynaha FIFA wuxuu si joogto ah ula safraa masuuliyiinta ay khusayso arrimaha shaqada iyo tartamada, wuxuuna ku dadaalaa inuu booqdo ururrada xubnaha ka ah FIFA mar kasta oo ay suurtagal tahay.

Mararka qaarkood safarrada waxaa lagu abaabulaa diyaaradaha rakaabka ee ganacsiga, oo ay ku jiraan kuwa jaban, halka mararka qaarkoodna loo isticmaalo diyaarado gaar loo kireysto, iyadoo lagu salaynayo habka ugu waxtarka badan uguna kharash yar xaaladda jirta."

BBC waxay sidoo kale FIFA waydiisay in duulimaadyada loo aaday ciyaaraha Koobka Adduunka qaarkood lagu qabtay diyaarado rakaab oo caadi ah, inta qof ee caadi ahaan la socda diyaaradda Qatar Executive, iyo in FIFA ay magdhow ka bixiso (carbon offset) qiiqa kaarboonka ee safarradan. Ilaa hadda, FIFA wax jawaab ah kama bixin su'aalahaas.

Dhaleeceynta khubarada

Freddie Daley oo ka tirsan shabakadda u ololeysa tallaabooyinka cimilada ee dhinaca ciyaaraha ee Cool Down, ayaa sheegay in isticmaalka muuqda ee Gianni Infantino ee diyaaradda gaarka loo leeyahay intii uu socday Koobka Adduunku uu yahay "calaamad muujinaysa fashilka FIFA ee dhinacyada deegaanka iyo waaritaanka."

Daley, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Sussex, wuxuu yiri:

"In Infantino uu doorto inuu isticmaalo diyaarad gaar loo leeyahay waxay gebi ahaanba ka hor imanaysaa heerka hoggaamineed ee laga filayo madaxda ugu sarreysa FIFA marka ay timaaddo arrimaha deegaanka."

Warbixintan waxaa sidoo kale gacan ka geystay Mark Poynting.