You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo dhaliilay NATO ,sheegeyna in aanu ka qayb geli laheyn shirkooda haddii Turkiga aan lagu qaban laheyn

Dalka Turkiga waxaa ka dhacaya shirka hoggaamiyaasha Nato, iyadoo maanta uu halkaasi gaaray madaxweyne Trump

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, War ka soo kordhay qaraxii ka dhacay meel u dhow hoyga madaxweynaha Faransiiska

    Hoyga rasmiga ah ee Madaxweynaha Faransiiska iyo xafiiska madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in qaraxyo laga soo sheegay bartamaha magaalada Dimishiq, balse Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu badqabo.

    Ilo amni ayaa BBC-da u sheegay in qaraxyada ay ka dhasheen laba walxood oo qarxa, halka warbaahinta Suuriya ay sheegtay in 18 qof, oo ay ku jiraan afar askari oo booliis ah, ay ku dhaawacmeen dhacdada.

    Madaxweyne Macron ayaa hadda ku sugan magaalada Dimishiq, halkaas oo uu wada-hadallo kula leeyahay Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Shara gudaha qasriga madaxtooyada.

    Marka uu soo gabagabeeyo booqashadiisa Suuriya, Madaxweyne Macron wuxuu u ambabixi doonaa Turkiga si uu uga qayb galo shir-madaxeedka NATO. Sida uu sheegay Qasriga Elysee, booqashadu waxay u socotaa sidii loo qorsheeyay, wax isbeddel ahna laguma samayn jadwalka.

    Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo holac ka kacaya gaari ku dhow hoteel ku yaalla Dimishiq, kaddib markii la soo sheegay qaraxyada.

    Dhanka kale, telefishinka dowladda Suuriya ayaa baahiyay in Madaxweyne Axmed al-Shara uu si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Madaxweyne Emmanuel Macron qasriga madaxtooyada.

    Sida ay xaqiijisay BBC Verify, qaraxyadu waxay ka dhaceen waddada dhinaceeda ee Shukri al-Quwatli qiyaastii 125 mitir u jirta Four Seasons Hotel ee Dimishiq, oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan caasimadda.

    Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay in Madaxweyne Macron uusan maqal wax qarax ah intii uu ku sii jeeday qasriga madaxtooyada.

  2. Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Pakistan

    Maamulka maxalliga ah ee gobolka Balochistan ee Pakistan ayaa sheegay, in sagaal askari oo booliis ah la dilay, halka dhowr kalena la la'yahay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla degmada Ziarat ee gobolkaas.

    Qaar ka mid ah dadkii la dilay waxay ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsanaa booliiska.

    Sida uu sheegay Cabdi Quddus Achakzai, oo ah Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Ziarat, saldhigga booliiska ee la beegsaday wuxuu mas'uul ka ahaa ilaalinta Biyo-xireenka Mashruuca Mangi.

    Si kastaba ha ahaatee, raysal wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif, ayaa ku tilmaamay weeraryahannada inay xiriir la leeyihiin waxa uu ugu yeeray “fitnada Khawaarijta.”

    Tan iyo Agoosto 2024, dowladda Pakistan ayaa faraysay dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay adeegsadaan erayga “fitnada Khawaarijta” marka ay tixraacayaan dhaqdhaqaaqa Taliban-ka Pakistan.

    Pakistan waxay u aqoonsan tahay kooxdan inay tahay urur argagixiso, waxayna mamnuucday dhammaan hawlaheeda.

    Afhayeen u hadlay dowladda gobolka Balochistan ayaa sidoo kale sheegay in “Islaamiyiin xagjir ah” ay ku lug lahaayeen weerarka.

    Gobolka Balochistan ee Pakistan ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay kacdoon ay wadaan kooxo hubeysan, kuwaas oo marar badan weerarro ku qaaday ciidamada ammaanka, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta shisheeye.

  3. War deg deg ah, Qarax laga maqlay meel u dhow hoteel uu Macron ka degenaa Dimishiq

    Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay, in qarax laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, xilli Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu booqasho ku joogay magaalada.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta uu qaraxu ka dhacay ama sababta keentay weli lama shaacin.

    Emmanuel Macron ayaa Isniintii tegay Dimishiq.

    Tani waa booqashadii ugu horreysay ee uu hoggaamiye dowladeed oo ka socda waddan ku yaalla Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay dowladda cusub.

    Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa bilaabay dadaal diblomaasiyadeed oo ballaaran oo uu kula xiriirayo dalal kala duwan, isla markaana dib loogu dhisayo Suuriya.

    Waqtigan xaadirka ah, xaqiijinta amniga ayaa loo arkaa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda Ahmed Sharia ee Suuriya.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya, SANA, ayaa safarkan ku tilmaantay “tallaabo muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dib loogu soo celinayo maqaamka caalamiga ah ee Suuriya.”

    Warbaahinta Faransiiska ayaa qoraya in walxaha qarxa ay Talaadada ku qarxeen meel u dhow hoteel uu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron la rabay inuu deggenaado, sida ay ilo amni ka soo xigteen.

  4. Sirta caafimmadka iyo cimri dherirka oo Mahatiir Maxamed uu ka sheekeeyay

    Ra'iisul wasaarahi hore ee dalka Malaysia, Mahatiir Maxamed oo dhashay 10-kii Luulyo ee sannadkii 1925-tii, da'diisuna ay kor u dhaaftay sano jir ayaa marar badan la weydiiyay sababta keentay in uu noqdo qof aysan uga muuqanin da'da uu jiro.

    Mahatiir oo horay ra'iisul wasaare uga soo noqday dalka Malaysia, markalena kusoo rogaal celiyay saaxadda siyaasadda ee dalkaas oo hadda waddanka hoggaaminayo ayaa sheegay in uu nasiib u yeeshay in aysna ku dhicin cuduro keeni kara cimri degdeg, caafimmaad wanaagsanna uu ku noolaado.

    Waxaa uu sanadkii 2019-kii ahaa hogaamiyaha ugu da'ada weyn ee dunida.

    Mahatiir waxaa uu sheegay in mar uu ku dhacay xanuun dhanka wadnaha ah, balse uu ka badbaaday, wixii intaa ka dambeeyayna uu wax ka badelay qaab nololeedkiisa.

    Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa oo aan turjunay maqaal uu ra'iisul wasaare Mahatiir Maxamed ku qoray wargeyska The NST ee ka soo baxa dalka Malaysia.

    Waxwalba waxay ka bilawdaan cuntada uu qofka cuno, loona baahan yahay in qofka uu waxyar ka cuno cunta walba inta ay ka macaan tahay.

    Qofka haddii aysan ku dhicin cudurada faraha ba'an ku haya dadka, waxaa uu nasiib u yeelan karaa in uu ku noolaado xaalad caafimaad leh, da'a walba oo uu yahayna uu u noolaado sida qof caadi ah.

    Waxyaaba badan oo ku jira gacanta dadka bani'aadamka haddii si wanaagsan loo maareeyo waxay keeni karaan in qofka uu ku noolado caafimaad wanaagsan, xitaa haddii uu noqdo qof da' ah, waxaana ka mid ah xakameynta qofka uu ku sameeyo noolashiisa iyo waxa marwalba oo ay jeclaato nafsadiisa.

    Waxyaabaha la xakameyn karo waxaa ka mid ah:

    Qaabka wax loo cuno

    Waxa ugu horeeya ee laga doonayo in uu sameeyo qofka rabo in uu caafimad ku noolaado waxaa ka mid ah hab cunniinka wanaagsan.

    Jirka bani'aadamka wuxuu u baahan yahay cunto badan, balse taas waxaa u baahan oo keliya qofka dhaliyarada ah xilliyada uu soo korayo oo jirkiisa uu u baahan yahay korriin.

  5. Axios: Ilaalada Kacaanka Iran ayaa gantaallo ku riday laba markab oo ganacsi ah oo marayay Gacanka Hormuz

    Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo weriyey, isagoo soo xiganaya laba sarkaal oo Maraykan ah, in Ilaalada Kacaanka Iiraan, ay ugu yaraan laba gantaal ku rideen maraakiib ganacsi oo marayay Gacanka Hormuz fiidnimadii Isniinta.

    Sida lagu sheegay warbixinta, laba markab oo ganacsi ayaa si weyn u burburay, balse wax khasaare nafeed ah kama dhalan weerarka.

    Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain (Maritime Trade Operations Organization) ayaa sheegtay in booyad shidaal ay dab qabsatay subaxnimadii hore ee Talaadada meel ka baxsan xeebaha Cumaan, kaddib markii ay ku dhaceen “walxo aan la garaneyn.”

    Hay’addu waxay sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdo badaha la xiriira oo ka dhacday meel siddeed mayl bari ka xigta Lima, Cumaan.

    Sida lagu sheegay warbixinta, booyad shidaal ayaa waxaa ku dhacay walax aan la garan, iyadoo u socotay dhanka koonfureed, taasoo sababtay inuu dab ka kaco.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay, in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin warbixinta Axios ama aysan go’aamin karin in booyadda lagu sheegay warbixinta Britain ay ahayd mid ka mid ah maraakiibta la bartilmaameedsaday.

    Sidoo kale akhriso

  6. Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday arrintan oo aanay dadku ogeyn. Hoos ka akhri

    Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.

    Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.

    Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .

    Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka iyo awoodda .

    Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay, miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas oo dhaaman shaahu xoojin karo.

    Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12 boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.

  7. War deg deg ah, Araqchi: Ilaa iyo inta hanjabaaduhu sii socdaan, wadaxaajoodyada kama dambaysta ah ma bilaaban doonaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa sheegay in "inta ay sii jiraan hanjabaadaha loo jeedinayo Iiraan, aysan bilaaban doonin wada-hadallada lagu gaarayo heshiis kama dambays ah."

    "Qodobka 13-aad ee Heshiiska Is-afgaradka (MOU) waa mid si buuxda u cad oo aan mugdi ku jirin: Inta ay sii socdaan hanjabaadaha ka dhanka ah Iiraan, ma bilaaban doonaan wada-hadallada lagu gaarayo heshiis kama dambays ah. Ixtiraama saxiixiina," ayuu qoraal ku yiri Talaadada maanta ah.

    Saacado ka hor, Donald Trump, hadalladiisii ugu dambeeyay, ayuu mar kale hanjabaad ugu jeediyay Iiraan, isagoo sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu "dhamaystiri doono hawsha."

    Hadda, hadalladiisii ugu dambeeyay, Cabbaas Caraqchi, isaga oo ka hadlayay aaska Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in “malaayiin Iiraaniyiin ah oo sharaf leh ay isugu yimaadeen midnimo iyo isku duubni” si ay “xushmad ugu muujiyaan” hoggaamiyihii hore ee Iiraan.

    Wuxuu intaas ku daray in “iyaga iyo sidoo kale ciidamadeenna geesiyaasha ah ee qalabka sida aysan ka baqayn wax hanjabaad ah.”

    Dhanka kale, kadib munaasabaddii rasmiga ahayd ee aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka dhacday Tehran, naxashka meydkiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa loo wareejiyey magaalada Qom, waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ku taalla bartamaha dalka, munaasabadda aaska Cali Khamenei.

    Sida la soo wariyey, Aayatullah Jawaadi Aamoli, ayaa hoggaamiyey salaadda janaasada ee lagu tukaday Masaajidka Jamkaran ee magaalada Qom, kaddibna waxaa bilaabatay munaasabadda aaska iyadoo ay ka qaybgalayeen kumannaan taageerayaal ah oo uu lahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Sidoo kale akhriso

  8. Maxaad ka taqaanaa 10 ka dal ee dadkoodu ugu cimri dheeryihiin?

    Lucile Randon waxay ahayd qofka ugu da'da weynaa aduunka (ee la diiwaan galiyo) markii ay dhimatay bishii Janaayo ee sannadkan iyadoo 118 sano jir ah.

    Waxaa loo yaqaannaa ‘Sister André’, haweenaydan Faransiiska ah waxay goob joog u ahayd labadii dagaal ee adduunka, fuulistii aadanaha ee dayaxa, iyo xilligan casriga ah ee teknoloojiyadda.

    Sheekadeeda ayaa ah mid cajiib ah, marka la eego in celceliska cimriga adduunka uu yahay 73.1 oo sano.

    Hase haatee malin walba oo inna dhaafta cimri dheerarka ayaa kor usii kacaya iyada oo da’da cimriga ee dadka la filayo in celcelis ahaan uu dhaafo 77 sano badhtamaha qarnigan aan ku jirno, sida ay saadalisay Qarama Midoobey.

    Sida cimri dheerarka uu kor ugu kacayo si la mid ah waxaa hoos u dhacaya dhalashada caruurta, taas oo inaga dhigaysa bulsho gabow ah.

    Waxaa hadda qudheeda adduunka ku nool dadka 65 sano jirka ka sareeya oo ka badan kuwa shan sano jirka ka hooseeya, inkasta oo ay xaaladdu u kala duwan tahay waddamada.

    Halka dalka Monaco celeliska cimrigiisu uu yahay 87 sano, waddanka Jaad oo ah dal sabool ah oo ku yaal bartamaha Afrika ayuu celceliska cimriga dadkiisu si dirqi ah ku gaarayaa 53 sano.

    Monaco oo ah dalka dadkiisu ugu cimriga dheeryahay waxaa soo raaca Magaalada Shiinaha ee maamulka gaarka ah leh – Hong Kong iyo Macao, kaalinta afraadna waxaa ku jira Japan oo ah waddanka ugu cimriga dheer marka la eego dalalka quwadda leh ee caalamka.

    Inta soo hadhay liiska waxaa buuxiyey waddamada, Liechtenstein, Switzerland, Singapore, Talyaaniga, koonfurta Kuuriya iyo Spain, sida lagasoo xigtay warbixinta Qaramada Midoobey ee saadaasha da’da.

  9. Shiinaha oo sarkaal ku xukumay dil kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush dhan $325 milyan

    Maxkamad ku taalla bariga Shiinaha ayaa ku xukuntay dil sarkaal hore oo ka tirsanaa maamulka magaalada, kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush ka badan 2.2 bilyan yuan (qiyaastii $325 milyan ama £243 milyan) muddo 30 sano ah.

    Yang Youlin, oo xilal kala duwan ka soo qabtay magaalada Nanjing intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2023, ayaa sidoo kale lagu helay dambiyada musuqmaasuqa hantida dowladda, ku-takrifalka awoodda iyo lacag dhaqidda. Hantida uu si sharci-darro ah ku helay ayaa ka mid noqotay kiisaska ugu waaweyn ee noocan ah sannadihii u dambeeyay.

    Ninkan oo 69 jir ah ayaa xilalkiisii u adeegsaday inuu dad kale ka caawiyo helitaanka qandaraasyada dhismaha, wareejinta dhulalka iyo maalgelinta, isagoo beddelkeedana qaadan jiray lacag iyo hadiyado qaali ah, sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda.

    Yang waxaa la baaray isagoo qayb ka ah ololaha adag ee Madaxweyne Xi Jinping ee la dagaallanka musuqmaasuqa, kaas oo saameeyay saraakiisha ciidamada, madaxda bangiyada iyo hay'ado kale oo heer sare ah.

    Yang, oo inta badan shaqadiisa ku qaatay horumarinta dhaqaalaha iyo teknoolojiyadda magaalada Nanjing, ayaa maxkamad ku taalla magaalada Changzhou Isniintii sheegtay, in dambiyadiisu ahaayeen kuwo "aad u culus" isla markaana ay "khasaare aad u weyn u geysteen danaha dowladda iyo shacabka."

    Tan iyo markii uu talada qabtay, Madaxweyne Xi, wuxuu bilaabay ololeyaal isdaba joog ah oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

    Inkastoo xukunnada dilka ee dambiyada dhaqaale iyo musuqmaasuqa aysan badnayn, haddana mararka qaarkood waa la ridaa, gaar ahaan marka kiisasku ku lug leeyihiin lacago aad u badan oo ka badan 1 bilyan yuan.

    Hase yeeshee, inkastoo Yang isaguna uu si la mid ah ula shaqeeyay mas'uuliyiinta baaritaanka, maxkamadda Changzhou ayaa sheegtay in dambiyadiisu ahaayeen kuwo "aad u culus", isla markaana iskaashigiisu "uusan ku filnayn in lagu mutaysto ciqaab ka fudud."

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Yang wuxuu qirtay dambiyadii loo haystay, wuxuuna "muujiyay qoomamo" hadalkiisii ugu dambeeyay ee uu ka jeediyay maxkamadda.

  10. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

    Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.

    Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.

    Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?

    Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.

    Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.

    Machadka Cochrane Institute, oo qiimeeya xogta daaweyn kala duwan, ayaa dhowr maqaal ka qoray waxtarka paracetamol.

  11. Munaasabadda aaska Khamanei oo ka bilaabatay Qum

    Kadib munaasabaddii rasmiga ahayd ee aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka dhacday Tehran, naxashka meydkiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa loo wareejiyey magaalada Qom, waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ku taalla bartamaha dalka, munaasabadda aaska Cali Khamenei.

    Sida la soo wariyey, Aayatullah Jawaadi Aamoli, ayaa hoggaamiyey salaadda janaasada ee lagu tukaday Masaajidka Jamkaran ee magaalada Qom, kaddibna waxaa bilaabatay munaasabadda aaska iyadoo ay ka qaybgalayeen kumannaan taageerayaal ah oo uu lahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Kadib marka ay munaasabaddan dhammaato, waxaa magaalada Najaf lagu qaban doonaa munaasabad la mid ah, kaddib marka maydadka loo gudbiyo dalka Ciraaq.

    Ugu dambaynna, munaasabadaha aaska ayaa Khamiista lagu qaban doonaa magaalada Mashhad.

    Sidoo kale akhriso

  12. Maxaa ceelka shidalka ee Soomaaliya laga qodayo ka dhigaya kan labaad ee ugu dheer dunida?

    Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose.

    Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay "waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga."

    Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri "Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa'iideysan karo shidaalka."

    Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda.

    Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood:

    1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay.

    2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah.

    Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir.

    Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency.

    Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

  13. Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya rabitaanka cuntada iyo Walbahaarka?

    Culayska walbahaarka ayaa burburin kara caafimaadkeena. Wuxuu sababi karaa madax xanuun, lalabo, hurdo la'aan, wuxuuna si weyn u carqaladeeyaa rabitaankeena cuntada. Marka aan dareeno walbahaar waxa dhici karta in aan u baahano shukulaato ama Pizza ama gabi ahaanba aynaan dareemin cunto.

    Balse, ma dhabbaa in welwelku ama walbahaarku awood u leeyihiin inay rabitaanka cuntada kiciyaan ama damiyaan, maxaase la samayn karaa si taasi looga hortago?

  14. Belgium oo ka reebtay Maraykanka inay u gudbaan wareega 8-da ee Koobka Adduunka

    Xulka qaranka Belgium ayaa ciyaar ku dhexmartay iyaga iyo Maraykanka wareega 16aad ay ku hanatay guusha inay u gudubto wareega 8-da koox ee Koobka Aduunka.

    Ciyaaryahanka De Ketelaere ayaa laba kamid ah Afarta gool ee Belgium dhaliyay daqiiqadihii 9aad iyo 33aad ee ciyaarta halka Vanaken uu keenay goolkii saddexaad ee ciyaarta, iyada oo Romelu Lukaku oo dhaliyay goolkii afrka daqiiqadii 93aad ee ciyaarta.

    Halka gool ee ay dhaliyeen xulka Maraykanka ayaa ciaayrayahanka M.Tillman uu keenay daqiiqadii 33aad ee ciyaarta.

    Spain iyo Belgium ayaa wada ciyaaraya ciyaarta xigta ee wareega 8aad, marka la gaaro 10-ka Luulyo oo ah saddex maalin ka dib.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  15. Siddeeda waxyaabood ee Iiraan ay kusoo kordhisay caalamka

    ''Boqortooyadii Persia 'Faaris' waa halka ay kasoo ka yimaadeen fikrado badan oo haatan aynu ku haysano caalamka Galbeedka,'' ayuu yiri Professor Jose Cutillas, kaasi oo daraaseeyay waxna ku bartay Iiraan.

    ''Fikir ahaanteena, waxaynu rumaysanahay in wax walba oo Yurub ku saabsan uu kasoo bilowdo dhulalkii Greek-ga, taasina waa isha fikrad kasta,'' ayuu yiri Professor luuqada Faarisiga 'Persia' iyo bare dhaqanka Iiraan ee jaamacada Alicante.

    Si kastaba ha ahaatee, xilligii jaahiliyadda ee Faaris (Persia), waxaa la ikhtiraacay fikrado kala duwan.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  16. Iibinta carruurta si loo noolaado: Aabbayaasha Afgaanistaan oo lagu qasbay go'aanno aan macquul ahayn

    Iyada oo waagu baryayo, boqolaal rag ah ayaa isugu yimaada barxad boor-leh oo ku taalla Chaghcharan, caasimadda gobolka Ghor ee Afghanistan.

    Waxay saf u galaan hareeraha waddada iyagoo rajaynaya in qof u yimaado oo uu shaqo kasta siiya. Shaqadaas ayaa go'aaminaysa in qoysaskoodu maalintaas ay wax cunaan iyo in kale.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  17. War deg deg ah, Shabakadda tamarta qaran ee Cuba oo burbur soo wajahay

    Shaqaalaha korontada ee Cuba ayaa sheegay shabakadii tamarta qaran ay burburtay. Waxaa socday baaritaan la xiriira waxa sababay.

    Shaqayn la’aanta shabakada ayaa ah tii ugu dambaysay ee koronto la’aan aad u daran oo ku dhuftay Cuba.

    Kaabayaasha sii gaboobaya iyo shidaal yaraan daba dheeraatay ayaa uga sii daray xaalada ay sababeen go’doominta Maraykanka ee helitaanka shidaalka ee Cuba.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  18. War deg deg ah, Spain oo ka reebtay xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo koobka Adduunka iyo Ingiriiska oo gudbay

    Ciyaar xiiso badan oo u dhaaxaysay Spain iyo Portugal ayaa dhammaadkii ciyaarta oo hal daqiiqo ay dhaaftay uu ciyaaryahanka Mikel Merino uu u dhaliyay goolkii guusha xulkiisa, taasi oo soo afjartay rajadii Ronaldo ee koobka Adduunka.

    Dhankooda xulka Ingiriiska ayaa ka adkaaday mid kamid ah martigaliyayaasha oo ah Mexico, kadib 3:2 ay ugu awood sheegteen xulkaasi Waqooyiga Ameerika.

    Labada xul ee Spain iyo Ingiriirska ayaa u gudbay wareega 8-da Koox, waxaana Ingiriisku uu wareegaasi ku wajihi doonaa xulka reer Norway, Halka Spain ay sugayso Maraykanka iyo Blgium cidda soo baxda.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  19. War deg deg ah, Ukraine oo ka digaysa yaraansho kahortaga-gantaalada kadib 23 qof oo lagu dilay weeraradii u dambeeyay

    Ciidamada cirka Ruushka ayaa sheegay ‘’yaraansho daran’’ oo gantaalada difaaca ay lamid tahay in aan la qaban mid kamid ah 23 gantaalada balastiga ee ay Ruushku la eegteen Kyiv, Axadii.

    Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarkii labaad ee ugu xooganaa ee Ruushkuu u muddo asbuuc ah uu ku qaado caasimada. Waxaana sida saraakiishu ay sheegeen 8 kale lagu dilay guud ahaan gobolka Kyiv.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay bahwadaagtiisa inay qaadaan talaabo ‘’go’aan adag’’ kulanka asbuucan ee shirka Nato si Kyiv ay u hesho difaacyada cirka.

    Kadib weerarada, waxa uu sheegay milatariga Ukraine ay si guul ah u qabanayeen gantaalada kuruuska iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, laakiinse aysan ku jirin gantaalada balastiga ah.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH

  20. War deg deg ah, HRW oo ka digtay shaqaalaysiinta ciidan ee dadka rayidka ee gobolka Tigray

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW ayaa cambaaraysay masuuliyiinta Waqooyiga Tigray ee Itoobiya in ay si khasab ah ugu qoranayaan milatari dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan carruur dhalinyar oo shan iyo toban jiro ah.

    Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in weeraro xilliga habeenkii lagu qaaday guryaha, xafiisyada iyo xataa goobaha macdin qodista, taasi oo dhalisay in dad badan ay ka qaxaan si ay uga badbaadaan shaqaalaysiin.

    Xisbiga ugu weyn ee Tigray ee TPLF ayaa iska diiday eedeymahaasi. Waxaana eeduhu ay imaanayaan xilli ay kacsan tahay xiisada labada dhinaca ee kooxdaasi iyo dowladda, iyada oo ay horay u jirtay heshiis soo afjaray dagaalkii dadka badan ay ku dhinteen ee qiyaastii gaarayay kala bar hal milyan oo qof.

    SII AKHRI WARAR DHEERAAD AH