Nigeria oo xaqiijisay in inta badan ciidamadii Mareykanka ay ka baxeen dalkeeda
Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in inta badan ciidamada Mareykanka ee horraantii sanadkan loo diray dalkaasi si ay gacan uga geystaan la dagaallanka kooxaha hubeysan ee xagjirka ah laga saaray.
Afhayeenka ciidamada Nigeria, Michael Onoja, ayaa Jimcihii u sheegay BBC in tallaabadan "aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha amniga."
Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan sii wadi doonnaa inaan wadaagno xogaha sirdoonka."
Hadalka Onoja ayaa waafaqsan hadal uu Khamiistii jeediyay taliyaha Ciidamada Cirka Mareykanka ee Afrika Janaraal Dagvin Anderson, oo sheegay in iskaashiga dhinaca sirdoonka uu sii socon doono.
Nigeria ayaa wajahaysa caqabado amni oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kooxo hubeysan oo sheegta inay yihiin jihaadiyiin, burcad hubeysan iyo kacdoonno ka billowday waqooyiga dalka, kuwaas oo ku fiday qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Nigeria.
Xiriirka amni ee u dhexeeya Nigeria iyo Mareykanka ayaa sii xoogaystay kaddib markii Washington ay ku eedeysay dowladda Nigeria inaysan ku filnayn dadaallada ay ku ilaalinayso kooxaha xag-jirka.
Mareykanka ayaa sidoo kale xilligaa sheegay in Masiixiyiinta dalkaasi ay la kulmayaan "rabshado u eg xasuuq," balse dowladda Nigeria ayaa arrintaas beenisay, iyadoo sheegtay in rabshaduhu yihiin kuwo adag oo saameeya dhammaan bulshooyinka dalka, iyadoo aan loo kala soocin diin ama qowmiyad.
Labada dal ayaa sheegay in tan iyo bishii December ee sanadkii hore ay ciidamada labada dhinac si wadajir ah u fuliyeen howlgallo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada kooxaha hubeysan, si loo xoojiyo amniga Nigeria.
Sidoo kale akhriso