Jarmalka oo difaacay heerarka kharashaadka militariga isaga oo ka jawaabaya dhaleecaynta Trump
Hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay in dalkiisu uusan haysan wax sabab ah oo uu uga xishoodo heerka kharashaadka uu ku bixiyo difaaca, isagoo ka jawaabay dhaliilo uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, u jeediyay Jarmalka.
"Jarmalku wuxuu laba jibbaari doonaa miisaaniyadda difaaciisa afarta sano ee soo socota,tani waa dadaalkii ugu weynaa ee aan abid sameyno si aan u xoojino awooddeenna difaac. Arrintaas awgeed, ma jirto sabab aan qof hortiisa ugu dareenno tabar-darro." ayuu yiri Merz.
Merz ayaa sidoo kale sheegay in Jarmalka, oo ah dalka ugu weyn Midowga Yurub, uu leeyahay masuuliyad gaar ah oo ku aaddan sugidda amniga qaaradda Yurub, isagoo xusay inuu masuuliyaddaas u gudanayo "si xushmad iyo bina'aadannimo ku dhisan."
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo hoggaamiyeyaasha NATO ay isu diyaarinayaan shir madaxeed la filayo inuu qabsoomo toddobaadka soo socda, kaas oo dalalka Yurub ay rajeynayaan inay ku yareeyaan khilaafaadkii u dambeeyay ee kala dhexeeyay maamulka Mareykanka, isla markaana ay ku xoojiyaan iskaashiga dhinaca difaaca.
Donald Trump ayaa toddobaadkan dhaleeceeyay kharashaadka difaaca ee dalalka xubnaha ka ah NATO, isagoo sheegay inaysan caddaalad ahayn in Mareykanku sii wado inuu qaado culayska ugu weyn ee difaaca isbahaysiga, maadaama dalal badan aysan gaarsiisnayn heerarkii lagu heshiiyay ee kharashaadka difaaca.
Sidoo kale akhriso