Xagee lagu hayaa hantida la xayray ee Iran, maxayse muhiim u tahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Siideynta hantida Iran ee la xayiray ayaa loo arkaa mid ka mid ah arrimaha ugu muranka badan uguna cakiran ee xiriirka Iran iyo Mareykanka.
Tani waa qodob muhiim ah oo ka mid ah heshiiska is-afgaradka ah ee Iran ay dhawaan la saxiixatay Mareykanka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka labada dal.
Tehran waxa ay muddo dheer isku dayaysay in ay hesho hantida maaliyadeed ee lagu hayo dalal shisheeye, laakiin cunaqabataynta iyo xayiraadaha bangiyada awgeed, inta badan lacagtan ayaa ah mid aan la heli karin.
In kasta oo inta badan hantidan aan lagu hayn Maraykanka, Washington ayaa door muhiim ah ka ciyaarta go'aaminta in Iran ay heli karto hantidaas iyo in kale.
Khubaradu waxa ay sheegeen in haddii xitaa qayb ka mid ah lacagtan la sii daayo, ay wax weyn ka tari doonto dhaqaalaha Iran, oo ay si weyn u saamaysay cunaqabatayn sannado ah, go'doomin dhaqaale, sicir-bararka oo aad u sarreeya, qiimo dhaca lacagta, iyo sidoo kale dagaalkii ugu dambeeyay ee ay la galeen Maraykanka iyo Israa'iil.
Laakiin waxay ka digayaan in heshiis kasta uu noqon doono mid gaabis ah oo cakiran caqabado sharci, dhaqaale iyo siyaasadeed.
Maxay tahay hantidaan la xanibay?
Ma jiro tiro tiro rasmi ah oo lagu ogaanayo wadarta guud ee hantida Iran ee la xayiray, laakiin qiyaasuhu waxay u dhexeeyaan ku dhawaad $27 bilyan ilaa in ka badan $100 bilyan.
Lacagtan laguma hayo hal akoon oo la heli karo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taas beddelkeeda, waxa ku jira dakhliga saliidda, gaaska, iyo dakhliga dhoofinta, kaydka lacagaha qalaad ee bangiyada shisheeye, iyo hanti loo xayiray sababo la xiriira khilaafaad sharci, kuwaas oo qaarkood tobaneeyo sano jir ah.
Marka Iran ay saliid ku iibiso dibadda, lacagta ka soo baxda iibka guud ahaan waxaa lagu shubaa xisaabaadka bangiyada ee waddanka wax iibsanaya.
Laakiin cunaqabataynta ayaa inta badan ka hor istaagta Tehran in ay lacagtan ku celiso dalkeeda.
Mowjadihii ugu horreeyay ee hantiyeed ee la xayiray ayaa billowday 1979-kii ka dib xiisaddii afduubka ee safaaradda Mareykanka ee Tehran.
In kasta oo hantida qaar lagu sii daayay heshiiskii kama dambaysta ahaa, haddana sheegashooyinka iyo hantidii la xiirta qandaraasyadii milatari ee ka hor 1979 kacaankii Islaamiga ahaa weli lama xalin.
Mowjadda labaad iyo tan ugu ballaaran ee xayiraadda ayaa bilaabatay 2011 iyo 2012 iyada oo cunaqabatayn adag la saaray barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo ka saarista Iran qaybo ka mid ah nidaamka bangiyada caalamiga ah.
Xayiraadahan ayaa la sii adkeeyay markii Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA) ee 2018.
Dakhliga Iran ayaa ku xayiran dalal shisheeye ama la kulmay xayiraad.
Waxaa ka mid ahaa xayiraadaha meesha iyo sida loo isticmaali karo iyo meelaha aan laga isticmaali karin.
Sidoo kale waxaa la sheegay in qaarkood si rasmi ah loo qaboojiyay qaarna ay la kulmeen xayiraado adag oo dhanka isticmaalkooda ah.
Frederick Schneider, oo ah dhaqaaleyahan u qaabilsan arrimaha caalamiga ah ee Golaha Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan "laamo kala duwan" oo hantida la xayiray.
Tan waxaa ku jira lacag si rasmi ah loo xayiray, dakhliga aan dib loogu celin karin Iran, iyo lacagta weli qayb ka ah murannada sharci ee socda.
Xagee lagu hayaa lacagta?
Inta badan hantida maaliyadeed ee Iran ee la xayiray ayaa lagu haystaa meel ka baxsan Maraykanka.
Qayb muhiim ah oo ka mid ah hantida la xayiray ee Iran ayaa taal Shiinaha, oo ah kan ugu badan ee iibsada saliidda Iran.
Qiimaha hantidan ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa $20 bilyan ilaa $50 bilyan.
Kaydadka kale ee maaliyadeed ee waaweyn ayaa laga hayaa dalka Ciraaq, kuwaas oo ah lacagta ka soo baxda gaaska iyo korontada Iran ay dhoofiso, waxaana lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 10 ilaa 15 bilyan oo dollar.
Sida laga soo xigtay tirokoobyada Kongareeska Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed waxay hakisay ilaa 6 bilyan oo doolar dakhliga saliidda Iran, taas oo lagu xawilay xisaabaadka bangiyada Qatar 2023.
Laakiin Washington ayaa markii dambe si cad u sheegtay in Iran aysan heli doonin lacagtan mustaqbalka dhow, ficil ahaanna ay lacagtaasi ku sii sugnaan doonto Doha.
Kaydadka kale ee maaliyadeed waxay ku yaalaan India, Japan, iyo Luxembourg.
Hantida lagu hayo xukunka Mareykanka ayaa ah mid aad u yar, marka loo eego filashooyinka.
Xogta laga helayo Congress-ka Maraykanka ayaa sheegeysa in lacag dhan 2 bilyan oo dollar ay badankeeda la xiriirto go'aannada maxkamadaha iyo sheegashada magdhaw, sidoo kalena sii deynteedu ay tahay mid xasaasi ah.












