Shirkad bixisa sawirrada dayax-gacmeedka oo lagu magacaabo Planet Labs PBC ayaa dhowaan soo saartay in ka badan 250,000 oo sawirro heer sare ah, kuwaas oo markii ugu horreysay si cad u muujinaya baaxadda burburka ka dhashay qaar ka mid ah xarumaha militari iyo nukliyeerka Iran intii lagu jiray dagaalka.
Planet Labs, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka ka ah sawirrada dayax-gacmeedka, ayaa dib u soo celisay helitaanka sawirro ka kooban ku dhowaad 800 goobood oo ku yaalla Iran, kuwaas oo horey loo xaddiday 9-kii March kadib codsi ka yimid dowladda Mareykanka.
BBC Verify ayaa falanqeeysay sawirrada dayax-gacmeedka, kuwaas oo diiradda saaray laba goobood oo muhiim ah, Isfahan iyo Bushehr.
Sida ay sheegtay shirkadda sirdoonka militari ee Janes, sawirradu waxay muujinayaan in weerarradu ay beegsadeen xarumo kala duwan, oo ay ku jiraan kaydka rasaasta, kaabeyaasha gantaallada ballistic-ga, xarumaha nukliyeerka, goobaha difaaca hawada, iyo saldhigyada ciidamada badda.
Warbixinno hore oo la xaqiijiyay ayaa sidoo kale muujiyay in goobahan ay hore u beegsadeen Mareykanka iyo Israa’iil, hase yeeshee sawirrada cusub ee dayax-gacmeedka ayaa bixiya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo baaxadda burburka.
Burbur ballaaran oo ka dhacay agagaarka Bushehr
Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in dhowr goobood oo ku yaalla agagaarka magaalada xeebta ah ee Bushehr ay si weyn u burbureen ama gabi ahaanba u baaba’een tan iyo 9-kii March.
Sida ay sheegtay shirkadda Janes, xarumaha ay saameeyeen waxaa ka mid ah dhismayaal militari iyo dowladeed, sida hangarro diyaaradeed, bakhaarro hub, xarumo dayactir iyo dhismo maraakiib, iyo sidoo kale goobaha laga rido gantaallada.
Sawirradu waxay muujinayaan burbur cad oo ka muuqda goobahaas, iyadoo qaar ka mid ah aagagga lagu tilmaamay “goobo militari” oo ku yaalla khariidadaha internet-ka sida OpenStreetMap ay gebi ahaanba burbureen dhismayaashii ku yiilay.
Sida lagu sheegay warbixinta, goobaha ay waxyeelladu gaartay waxay ka tirsan yihiin labada dhinac ee dowladda Iran iyo sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).