You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Markab badeeco qaada oo lagu weeraray meel u dhaw dekadda Xudeyda ee Yeman

Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow dekedda Yemen ee Hodeidah.

Tebin toos ah

  1. Taliyaha ciidamada Israel ayaa isagoo ku sugan koonfurta Lubnaan u digay Xisbullah

    Taliyaha ciidamada Israel ayaa booqday ciidammada ku sugan qalcadda taariikhiga ah ee Shaqif ee koonfurta Lubnaan, wuxuuna u digay Xisbullah isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tallaabo ka qaadaan haddii lagu xadgudbo heshiiska xabbad-joojinta.

    “Ciidanka Israel waxay sii wadi doonaan hawlgalladooda adag ee lagu ciribtirayo khataraha ka imanaya dhulka Lubnaan, waxayna diyaar u yihiin in ay si degdeg ah u bilaabaan weerarro haddii lagu xadgudbo heshiiska xabbad-joojinta” ayuu yiri Eyal Zamir.

    Ciidamada Israel ayaa qiyaastii bil ka hor la wareegay qalcadda taariikhiga ah ee Shaqif iyo deegaannada ku hareeraysan.

    Eyal Zamir ayaa sheegay in hawlgallada ciidamada Israel ee ka socda agagaarka qalcadda iyo qaybaha kale ee koonfurta Lubnaan ay sii socon doonaan “iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka heshiiska iyo habraacyada ku xusan.”

    Taliyaha ciidamada Israel ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Lubnaan ay waajib ku tahay in ay gobolka ka saaraan ciidamada iyo kaabeyaasha Xisbullah, sida uu dhigayo heshiis lala gaaray dowladda Lubnaan.

    Sidoo kale akhriso

  2. OPEC+ ayaa kordhineyso shidaalka ay soo saarto 188,000 fuusto maalintii

    Dalalka soo saara shidaalka ee ku bahoobay OPEC+ ayaa ku dhawaaqay in ay kordhinayaan wax-soo-saarkooda shidaalka 188,000 foosto maalintii.

    Go’aankan ayaa lagu gaaray shir internetka ay ku yeesheen oo ay ka qayb galeen toddobada waddan ee waaweyn ee OPEC+, kuwaas oo kala ah Sacuudiga, Ruushka, Ciraaq, Kuwait, Kazakhstan, Aljeeriya iyo Cummaan.

    Sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay OPEC+, kordhinta wax-soo-saarka shidaalka ayaa bilaaban doonta in la hirgeliyo bisha Agoosto ee sannadkan.

    Go’aankan ayaa yimid kaddib markii dhowr dal oo ka tirsan Khaliijka ay yareeyeen wax-soo-saarka shidaalka, taas oo ka timid xiritaankii marin-biyoodka Istiraatiijiga ah ee Hormuz intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka, Israel iyo Iiraan.

    Sii akhri

  3. Garoonka caalamiga ah ee Bandar Abbas ee dalka Iran oo markii ugu horeysay shaqo bilaabay kadib afar bilood

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Garoonka Diyaaradaha ee Bandar Abbas ayaa shaqo bilaabay afar bilood ka dib markii ay soo degtay duulimaadkii ugu horreeyay ee rakaabka ah ee ka timid Mashhad.

    Sida laga soo xigtay warbixinnadan, duulimaadyada u socda Tehran, Shiraz, Yazd, iyo Mashhad ayaa si "tartiib tartiib ah" loogu dari doonaa jadwalka hawlgalka Garoonka Diyaaradaha ee Bandar Abbas.

  4. Trump oo la sheegay in uu la yaabay in reer Iran ay ku ilmeeyeen aaska Khamenei

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu daawanayay aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana uu la yaabay markii uu arkay dad Iiraaniyiin ah oo ooyaya intii lagu jiray aaska.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta Axios, Trump wuxuu sheegay inuu dareemayo in dad badan oo Iiraaniyiin ah ay neceb yihiin Cali Khamenei.

    Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu xoogaa fekeray, waxaa laga soo xigtay isagoo leh: "Malaha ilmadaasi ma ahan mid dhab ah."

    Qayb kale oo ka mid ah wareysiga, Trump wuxuu ku celiyay sheegashadiisa ah in Iiraaniyiintu "ay baryayaan in heshiis la gaaro".

    Intaa waxaa dheer, wuxuu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la hakiyo wadahadallada muddo hal toddobaad ah ilaa laga dhammeeyo qabanqaabada aaska.

    Trump wuxuu intaas ku daray in muddadaas, labada dhinac midkoodna uusan rasaas ku ridi doonin kan kale.

    Wuxuu yiri: "Dhammaantood way joogaan. Hal xabbad ayaa dhammaantood ka saari karta, laakiin taas ma sameyn doonno, sababtoo ah markaas ma heli doonno cid aan la hadalno."

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale u sheegay Axios in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu codsaday inuu kula kulmo Aqalka Cad, iyo in kulanku uu dhici karo ka dib marka uu ka soo laabto shirka NATO toddobaadka soo socda.

    Isagoo ka hadlayay xiriirka uu la leeyahay Netanyahu, Trump wuxuu yiri: "Waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan. Wuu ogyahay cidda awoodda leh."

    Axios ayaa sheegtay in kulankani uu noqon doono kulankoodii ugu horreeyay tan iyo bishii Febraayo, markii Benjamin Netanyahu uu soo bandhigay qorshihiisa dagaal ee ka dhanka ah Iiraan.

    Tan iyo markaas, sida warbixinta ka soo xigatay dadka ku dhow Trump, waxa uu si isa soo taraysa uga niyad jabsanaa Netanyahu.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa laga soo xigtay isagoo leh: "La-taliyayaasha ugu dhow Trump badankood waxay aaminsan yihiin in Benjamin Netanyahu uu wax walba ka qaldanaa."

  5. Ganacsigii badda ee Qatar iyo Iran oo dib u bilowday kadib shan bilood oo uu hakad ku jiray

    Wasaaradda Gaadiidka ee Qatar ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilowday howlaha maraakiibta iyo gaadiidka badda ee ay la leedahay Iran.

    Wakiilka ganacsiga ee Iran ee Doha ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo sheegay in ganacsiga badda ee labada dal la soo celiyay "ka dib shan bilood."

    Wasaaradda Gaadiidka ee Qatar ayaa ku qortay bayaan ay ku daabacday barta bulshada X in xorriyaddan dhaqdhaqaaqa ay ku jirto "nooc kasta oo maraakiib ah" waxayna ku nuuxnuuxsatay in "qalabka badbaadada iyo amniga ee lagama maarmaanka ah la heli karo."

    Hadalkan ayaa yimid dhowr maalmood ka dib markii wasaaraddu ay weydiisatay milkiilayaasha iyo isticmaalayaasha dhammaan maraakiibta aan ganacsiga ahayn, oo ay ku jiraan doonyaha raaxada, doonyaha kalluumeysiga, kuwa taalagada leh, iyo maraakiib kale oo la mid ah, inay joojiyaan gaadiidka badda iyo dhaqdhaqaaqyadooda.

    Abs Abdulkhani, oo ah la-taliyaha ganacsiga ee Iran ee Qatar, ayaa u sheegay warbaahinta Iran in "iyadoo la raacayo dabagalka joogtada ah ee safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Doha iyo isku-dubaridka mas'uuliyiinta khuseeya ee dowladda Qatar," in gaadiidka badda ee badeecadaha u dhexeeya dekedaha Deir iyo Al Ruwais dib loo bilaabay.

  6. Markab badeeco qaada oo lagu weeraray meel u dhaw dekadda Xudeyda ee Yeman

    Hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow dekedda Yemen ee Hodeidah.

    Sida laga soo xigtay warbixinta hay'addan ciidamada badda ee Ingiriiska, markab xamuul ah oo 30 mayl badeed koonfur-galbeed ka xiga dekedda Hodeidah ayaa gudbiyay farriin isaga oo codsanaysa gargaar, isagoo sheegay in ay bartilmaameedsadeen weeraryahanno aan la garanayn.

    Ururku wuxuu sheegay in mas'uuliyiintu ay baarayaan dhacdada, isla markaana loo digay rakaabka doonta inay si taxaddar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

    Dhinaca kale, dowladda Yemen, oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in 14 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Xuutiyiinta oo ku yaal koonfurta dekedda Hodeidah.

  7. Qoys gabadhooda nolosh ku gubayay oo laga badbaadiyay

    Digniin: Warbixintan waxaa kujira xog laga yaabo inaad dhibsato.

    Booliiska Gujranwala, gobolka Punjab ee dalka Pakistan, ayaa xiray haweeney iyo saddex carruur ah oo ay dhashay iyagoo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay nolosha ku gubaan gabadheeda oo afar jir ah si ay uga bogsadaan cudur.

    Booliiska ayaa waxaa ku wargeliyay arrintaan qof degan aagga ka ag dhawaaa oo sheegay inay maqli karaan qaylada ilmo yar oo guri u dhow ka soo yeeraysa, isagoo ilmuhu leh, "Ha i gubin."

    Booliiska ayaa sheegay in ninku uu isku dayay inuu galo guriga laakiin uusan ku guuleysan balse arrinta uu ku wargeliyay booliiska roondada.

    Sarkaalka baaraya kiiska, Cali Akbar, ayaa BBC-da u sheegay in koox roondo ah ay tageen guriga, albaabka garaaceen, laakiin aysan jirin cid furtay, sidaas darteedna ay booliisku jabiyeen albaabka kadbina ay gudaha sidaas ugu galeen.

    Shaqaalaha amniga maxalliga ah ayaa sheegaya in markii ay galeen guriga ay arkeen gabadha yar oo gacmo iyo lugah xarig looga xiray. Afar qof, oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa gacmaha iyo lugaha hayay iyaga oo dab ku qabadsiiyay meel ka mid ah barxadda guriga ay degan yihiin.

  8. Trump: Netanyahu wuu ogyahay cidda madaxda u ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu booqan doono Aqalka Cad horraanta toddobaadka soo socda.

    Kani waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara labada hoggaamiye tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iiraan.

    Waxa kale oo uu ka hadlay xiriirka uu la leeyahay Netanyahu isaga oo yiri: "Wuu ogyahay cidda madaxda u ah."

    "Xiriir aad u wanaagsan ayaan leenahay," ayuu yiri Trump wareysi kooban oo uu siiyay Axios. "[Netanyahu] wuu ogyahay cidda u ah madaxda," ayuu yiri, isagoo isku tilmaamaya.

    Suurtagalnimada kulankan ayaa la soo sheegay iyadoo la soo sheegayo xiisad ka dhex taagan labada hoggaamiye ee ku saabsan dagaalka Iiraan iyo ficillada Israa'iil ee Lubnaan.

    Sarkaal Israa'iili ah ayaa sidoo kale u sheegay Axios in qabashada kulanka toddobaadka soo socda ay aad u dhakhso badan tahay, maadaama Mr. Trump loo qorsheeyay inuu u safro Turkiga si uu uga qayb galo shirka NATO laba maalmood gudahood.

    Sida laga soo xigtay sarkaalka, kulanku wuxuu dhici karaa toddobaadka ka dambeeya shirka NATO.

  9. Trump: waan burburinay awoodii milatari ee Iran

    Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaaday Iiraan munaasabadda sannad-guurada 250-aad ee madax-bannaanida Mareykanka.

    Khudbaddaas oo dib loo dhigay dhowr saacadood sababo la xiriira duufaan, ayuu Mr. Trump ku sheegay in Ameerika ay tahay "taajka" ilbaxnimada aadanaha iyo in hoggaankiisa uu gaarsiiyay dalka meel heerkii ugu sarreeyay oo aan waligiis lagaarin hortiis.

    "Milatariga Mareykanka waligiis ma noqon mid awood badan sida maanta uu u yahay."

    Munaasabadda, Donald Trump wuxuu sidoo kale uga hadlay mowduucyada dhaqameed oo ay ku jiraan ammaanta awoodda dhaqaale ee Mareykanka iyo xorriyadaha, cambaareynta "shuuciga," iyo tilmaamidda guulaha dowladdiisa iyo awoodda militariga Mareykanka.

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay Iiraan wuxuuna yiri: "Waxaan burburinay xoogga militariga Iiraan."

  10. War deg deg ah, Taliye saamayn badan oo aan bilo la arag oo ka qeyb galay salaadda janaasada ee Tehran

    Brigadier General Ahmad Vahidi ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada ee lagu tukaday Tehran.

    Brigadier General Ahmad Vahidi, oo si aad u yar u soo muuqan jiray bilihii la soo dhaafay, ayaa maanta ka qeyb galay salaadda janaasada ee Ali Khamenei oo lagu qabtay masaajidka Tehran.

    Fiidiyow ay daabacday wakaaladda wararka IRNA, Mr. Vahidi ayaa lagu arkay isagoo tukanaya, halka koofiyad uu xirnaa ay qayb ahaan wejigiisa qarinaysay.

    Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Ahmad Vahidi loo magacaabay taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka kadib markii Major General Mohammad Pakpour lagu dilay mowjaddii ugu horreysay ee weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ee dhacay 28 Febraayo. Si kastaba ha ahaatee, war rasmi ah weli lama soo saarin.

    Maalmihii la soo dhaafay, sawirro laga qaaday shirar la xiriira aaska hoggaamiyihii hore ee Iran ayaa la baahiyay. Mid ka mid ah sawirradaas, waxaa lagu arkay isagoo booqanaya isbitaalka ku-meelgaarka ah oo ku yaala Jaamacadda Culuumta Caafimaadka, oo laga sameeyay masaajidka Imam Khomeini ee Tehran.

  11. War deg deg ah, Wiilasha Ali Khamenei oo ka qeyb galay salaadda janaasada ee masaajidka Tehran

    Wiilasha Ayatollah Khamenei ee Meysam, Masoud, iyo Mustafa ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada ee aabbahood lagu tukaday ee ka dhacday masaajidka Tehran.

    Meysam, Massoud, iyo Mustafa Khamenei, oo ah saddexda wiil ee Ayatollah Ali Khamenei, ayaa safka hore ka joogay salaadda janaasada ee hoggaamiyihii hore ee dowladda oo lagu qabtay masaajidka Tehran.

    Tani waxay timid iyadoo walaalkooda kale, Mojtaba Khamenei, oo ah hoggaamiyaha hadda ee dowladda, uusan ka soo muuqan xafladda.

    Weerarkii lagu qaaday hoyga Hoggaamiyaha Sare, marka laga reebo Ali Khamenei, waxaa sidoo kale ku dhintay afar xubnood oo qoyskiisa ka mid ah: Bushra Hosseini Khamenei, Misbah al-Hoda Bagheri (seeddi), Zahra Haddad Adel, iyo Zahra Mohammadi Golpaygani (awoowe).

    Intii lagu jiray xafladda, sawirka Mohammad Javad Mohammadi Golpaygani, oo ah ninka Bashar Hosseini Khamenei iyo aabbaha Zahra Mohammadi Golpaygani, ayaa sidoo kale kasoo soo muuqday masaajidka Tehran.

  12. War deg deg ah, Waa kuma ninka hoggaamin doona salaadda janaasada Cali Khamenei ee la shaaciyay?

    Jafar Sobhani oo hoggaamin doona salaadda janaasada Cali Khamenei

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, mas'uuliyiinta qabanqaabinaya munaasabadda sagootinta ayaa ku dhawaaqay in Jafar Sobhani uu hoggaamin doono salaadda janaasada Cali Khamenei iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

    Sida lagu sheegay warbixinta, maanta salaadda janaasada waxaa la tukan doonaa saddex jeer. Marka hore waxaa loo tukan doonaa Cali Khamenei, kaddib Bushra Xuseyni Khamenei, Misbah-ul-Hada Bagheri iyo Zahra Haddad Adel, halka ugu dambayn loo tukan doono Zahra Mohammadi Golpaygani, oo ah gabadha uu awoowga u yahay Cali Khamenei.

    Hadaba waa kuma Jaafar Sobhani?

    Ayatollah Jaafar Sobhani waa mid ka mid ah culimada ugu waaweyn Golaha Mujtahidiinta ee xarunta diinta ee Qom, oo ka mid ah labada xarumood ee ugu muhiimsan barashada madhabta Shiicada.

    Waa aasaasaha iyo agaasimaha Machadka Imam Sadiq ee Iiraan, waxuuna hore uga tirsanaa Ururka Macallimiinta Xawzada Diinta ee Qom.

    Cilmibaaristiisa iyo qoraalladiisa ku saabsan dhammaan culuumta Islaamka ayaa si weyn loo yaqaanaa, waxaana si joogto ah uga doodaan aqoonyahannada iyo xeeldheereyaasha.

    Sobhani waa qoraa aad u wax-soo-saar badan, isagoo daabacay in ka badan 300 oo buug iyo cilmi-baaris aqooneed.

  13. War deg deg ah, New York oo uu iftiimay rashka dabaaldegga 4-ta Luulyo, iyo khudbad Donald Trump jeedin lahaa oo dib-u-dhacday

    Mareykanka ayaa u dabaaldegaya sanad-guuradii 250-aad ee ka soo wareegtay aasaaskiisa, iyadoo dalka oo dhan ay ka socdaan munaasabado ay ka mid yihiin riwaayado taxane ah, bandhigyo diyaaradaha cirka ah iyo buulalaydhyo waaweyn.

    Khudbadda Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la filayaa inay bilaabato wax yar ka dib, kaddib markii dib loo dhigay sababo la xidhiidha cimilada oo xumayd.

    Goobta xafladaha ee National Mall iyo Bandhigga Weyn ee Gobollada Mareykanka (Great American State Fair) ee magaalada Washington ayaa dib loo furay, kaddib markii dadkii laga daadgureeyay.

    Heerkulka oo kor u dhaafay 100°F (38°C), roobab da'aya iyo halista duufaanno onkod wata ayaa carqaladeeyay qaar ka mid ah dabaaldegyadii.

  14. War deg deg ah, Xagee lagu qaban doonaa salaada janaasada Cali Khamenei?

    Maanta, oo ah maalintii labaad ee munaasabadda aaska dhowrka maalmood socon doonta ee Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxaa lagu wadaa in salaadda janaasadiisa lagu tukado goobta salaadda ee magaalada Tehran.

    Mas'uuliyiintu weli ma shaacin qofka hoggaamin doona salaadda janaasada. Wiilkiisa oo beddelay isaga, Mojtaba Khamenei, ayaan lagu arag fagaaraha tan iyo markii loo magacaabay hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Wararka ayaa sheegaya in uu dhaawacmay maalintii ugu horreysay ee weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan.

    Telefishinka dowladda Iiraan ayaa, isagoo soo xiganaya Xasan Xasanzadeh, oo ah taliyaha Ilaalada Kacaanka ee Tehran isla markaana mas'uul ka ah qabanqaabada munaasabadda, sheegay in salaadda janaasada ee Mudane Khamenei la tukan doono saacadda 8:00 subaxnimo waqtiga Tehran.

    Maalinta Axadda ayaa fasax guud looga dhawaaqay dalka oo dhan. Sanduuqa meydka ee Mudane Khamenei ayaa lagu wadaa in fiidnimada Axadda laga qaado masaajidka Tehran si loogu diyaariyo aaska ka dhici doona caasimadda maalinta Isniinta.

    Maalintii Sabtida, dad aad u tiro badan oo taageersan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa isugu soo baxay Mosalla ee Tehran, halkaas oo uu ka billowday aas dadweyne. Mas'uuliyiintu waxay filayaan in in ka badan 10 milyan oo qof ay ka qayb galaan munaasabadda aaska ee ka dhici doonta Tehran.

  15. War deg deg ah, Iiraan: Waxaan qaadi doonnaa 'khidmad adeeg' maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz

    Safiirka Iiraan u fadhiya Shiinaha ayaa sheegay in Tehran ay ka qaadi doonto "khidmad adeeg" maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz, waana qorshe ay Mareykanku ka soo horjeesteen.

    Abdolreza Rahmani Fazli ayaa ka sheegay madasha "World Peace Forum" oo ka dhacday Beijing in Iiraan, iyadoo kaashanaysa Cumaan, ay ka shaqaynayso "habraacyo cusub" oo lagu maamulayo marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Wuxuu yidhi: "Maadaama aan nahay dal ay biyihiisa dhuleed uu Marinka Hormuz ku jiro, waxaan si dhab ah u qaadi doonnaa khidmad adeeg."

    Sida uu sheegay, habraacyadan cusub waxaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo amniga maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, la kormeero isu socodka maraakiibta, isla markaana wax looga qabto saameynta deegaanka ee ka dhalata tirada badan ee maraakiibta halkaas marta.

    Safiirka Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in dalalkii garab istaagay Iiraan intii lagu jiray "maalmihii adkaa" ay heli doonaan "mudnaan gaar ah."

    Sida ku cad heshiiskii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ee lagu soo afjarayay dagaalka, maraakiibta ganacsigu waxay mari karaan Marinka Hormuz iyagoo aan bixin wax khidmad ah muddo 60 maalmood ah. Hase yeeshee, weli ma cadda habraacyada la dhaqan gelin doono marka muddadaas ay dhammaato.

  16. Erdogan: Waa inaan loo oggolaan Israa'iil inay carqaladeyso heshiiska nabadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii sheegay in dadaallada lagu doonayo nabadda Bariga Dhexe aysan guulaysan karin haddii aysan helin taageerada iyo ka qaybgalka dalalka gobolka, isagoo sidoo kale sheegay inaan loo oggolaan Israa'iil inay carqaladeyso heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo wadajir ah oo ka dhacay magaalada Istanbul, kana qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif,

    "Xal kasta oo aan ku dhisnayn rabitaanka iyo ka qaybgalka dalalka gobolka ma noqon doono mid waara." ayuu yiri Erdogan.

    Turkiga ayaa marar badan ku eedeeyay Israa'iil inay isku dayeyso inay wiiqdo heshiiska u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kaas oo ay Pakistan door muhiim ah ka qaadatay fududeyntiisa.

    Sidoo kale, Ankara waxay si joogto ah u cambaareysay howlgallada militari ee Israa'iil ka waddo Gaza, Lubnaan, iyo Suuriya.

  17. Iran oo xirtay lix qof oo looga shakisan yahay inay kicinayeen shacabka

    Ilaalada Kacaanka ee Iiraan IRGC) ee gobolka Tehran ayaa ku dhawaaqay inay xireen lix qof oo ku sugnaa degmada Pardis.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay hay'addu, dadka la xiray waxaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin waxa ay ku tilmaamtay "kooxo ka soo horjeeda kacaanka" isla markaana ay ku lug lahaayeen hawlo lagu sheegay inay "kicinayeen dareenka bulshada."

    Hay'addu waxay sheegtay in xarigga dadkaasi uu ka dambeeyay dabagal muddo dheer socday oo ay saraakiisheeda sirdoonku ku hayeen baraha Telegram iyo Instagram, iyo xog ururin horseeday in la aqoonsado dadka la tuhunsan yahay.

    Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka laguma faahfaahin falalka gaarka ah ee lagu eedeeyay dadka la xiray, mana lagu sheegin tallaabooyinka sharci ee laga qaadi doono.

    Sidoo kale akhriso

  18. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo Madaxweynaha Turkiga oo adkeeyay muhiimadda wada-hadalka iyo diblomaasiyadda

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ay labada hoggaamiye ku adkeeyeen in wada-hadalka, diblomaasiyadda iyo is-ixtiraamku ay yihiin waddada kaliya ee waarta ee lagu xallin karo khilaafaadka laguna ilaalin karo nabadda iyo amniga caalamka.

    Qoraal uu ku baahiyay barta bulshada ee X, ayuu Shehbaz Sharif ku sheegay inay sharaf u ahayd inuu maanta kula kulmo “walaalkiis qaaliga ah,” Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, magaalada taariikhiga ah ee Istanbul.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Pakistan iyo Turkiga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga difaaca, tamarta, isku xirnaanta, tiknoolajiyadda, nabadda gobolka iyo xoojinta xiriirka shacabka labada dal.

    Waxa uu intaas ku daray in labada dal ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay gaaraan yoolka wadajirka ah ee ah in ganacsiga laba geesoodka ah la gaarsiiyo shan bilyan oo doollar, isla markaana la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Pakistan iyo Turkiga.

    Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale sheegay inuu horay uga qeyb galay Shirweynaha Ganacsiga Pakistan iyo Turkiga oo lagu qabtay Istanbul.

    Sidoo kale akhriso

  19. Ra'iisul Wasaaraha Poland: "Waxaan isu diyaarinaynaa xaalado kala duwan" iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo Ruushka

    Ra'iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa sheegay in dalkiisu uu "isu diyaarinayo xaalado kala duwan" iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo Ruushka.

    Waxa uu sheegay in bilaha soo socda ay noqon doonaan "kuwa ugu muhiimsan" iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Moscow ay suuragal tahay inay weerar ku qaaddo Poland.

    Warbixino soo xiganaya sirdoonka Mareykanka ayaa tilmaamaya in Ruushku laga yaabo inuu weeraro Poland si uu u tijaabiyo awoodda iyo midnimada isbahaysiga NATO.

    "Ma doonayo inaan cidna u hanjabo. Bilaha soo socda waa kuwo aad muhiim u ah, maadaama xaaladaha dagaalku ay isbeddelayaan," ayuu yiri Tusk.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in walaac xooggan uu ka jiro dalalka Baltiga, kuwaas oo ka cabsi qaba khatar amni oo ka iman karta Ruushka.

    Warbaahinta Poland ee Onet ayaa werisay in ilo ku dhow madaxtooyada ay sheegeen in Mareykanku uu Poland uga digay khataro kala duwan oo la xiriira weerar suurtagal ah.

    BBC-da ayaa sheegtay inay isku dayday inay jawaab ka hesho Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, hase yeeshee aan weli wax jawaab ah laga helin.

    Sidoo kale akhriso

  20. Dalka Iiraan waxaa Axadda looga dhawaaqay maalin fasax rasmi ah

    Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in Axadda, 4-ta July ay tahay fasax rasmi ah oo ka jira guud ahaan dalka.

    Sida ay sheegtay dowladda, go’aankan ayaa yimid kaddib codsiyo badan oo ka yimid gobollada kala duwan, si dadka loogu oggolaado inay ka qaybgalaan aaska iyo munaasabadaha baroordiiqda ee Cali Khamenei.

    Munaasabadda aaska dadweynaha ee Cali Khamenei, oo socon doonta illaa 9-ka July, ayaa maanta ka bilaabatay Tehran.

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Iran, Jafar Sobhani Tabrizi ayaa berri salaadda janaasada ku hogaamin doona masaajid ku yaalla Tehran.

    Sidoo kale akhriso