Madaxweynaha
Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale cambaareeyay xirriirka
Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhaawaqday ee Somaliland iyo Israa’iil.
Khudbad uu
xalay ka jeediyay munaasabadda todobaadka xoriyadda, ayu uku sheegay in
Israa'iil aysan wax door ah ku lahayn Soomaaliya iyo gobolka,
“Soo
dhoweynta Israa’iil waa ceeb, waa cibaada xumo, naga daaya nama qabato”, ayuu
yiri.
"Raggaas
(Israa'iil) waa dad xun. Ma aha dad wanaagsan. Qarniyo badan ayaan ka
fogaanaynay, haa nagu soo daynina,nimankaas dalkeena meel kuma laha, Soomaaliya
ayaa nala yiraa, aduunyaduna way na taqaanaa," ayuu yiri Madaxweynaha.
“Ilaahay
idinkiis, Israa’iil ku guuleysan meyso inay geyigeena degto oo ay dhib la
timaado, hormarna ma keento”, ayuu sii raaciyay.
Waa mid
kamid ah hadallada adag ee uu yiraahdo madaxweyne Xasan tan iyo markii ay
bilowday inay aqoonsato Somaliland.
Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale arrintan si adag uga hadlay maalmihii u dambeeyay.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus.
"Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno," ayuu yiri.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda goonni isu-taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu hadallo u soo gudbiyay, taas oo uu doonayo inuu ka jawaabo.
"Odaygu wuxuu sheegay in aanan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada Somaliland hadalkii aan ka jeediyayna waa kan: "Ictiraaf waynu u baahnayn, lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u ek tahay maahmaahdii ahayd "Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta koowaad ee dalkeenna JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeenna khilaaf uga iman", ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Facebook-ga.