Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Cabbaas Akbari oo ka mid ahaa dadkii lagu xiray mudaharaadyadii Iiraan oo la toogtay

    Wakaaladaha wararka rasmiga ah ee Iiraan ayaa subaxnimadii Isniinta shaacisay dilka Cabbaas Akbari, iyagoo ku tilmaamay “hoggaamiyihii hubeysnaa ee afgambigii Diseembar.”

    Wakaaladda wararka ee Mizan oo ah warbaahinta ku hadasha afka garsoorka Iiraan ayaa qortay: “Cabbaas Akbari Feyzabadi wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha hubeysan ee rabshadihii ka dhacay degmada Na’in ee gobolka Isfahan, wuxuuna door weyn ku lahaa weerarradii lagu qaaday xarunta maamulka degmada, xarumaha ammaanka, iyo sidoo kale xarumaha adeegyada.”

    Wakaaladdu waxay sheegtay in eedda ugu weyn ee Cabbaas Akbari loo haystay ay ahayd “rasaas uu ku furay saraakiil,” balse ma aysan faahfaahin cidda ku dhimatay ama ku dhaawacantay rasaastaas.

    Kadib mudaharaadyadii waaweynaa ee dalka ka dhacay bishii Janaayo ee sanadkii hore, kuwaas oo dowladdu xoog ku xakameesay waxaa ku daatay dhiig badan waxa ayna noqdayn bilowgii dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil, iyo Iiraan, tan waqtigaas waxaa Iiraan ka dhacay xukuno dil ah oo fara badan.

    Sii akhri:

  2. Gantaal cabsi badan abuurey oo Ruushku u isticmaalay Ukraine sadex mar kaliya

  3. Halkee ku dambeesay Himiladdii Maxamed Bin Salmaan ee toban sano ka hor ahayd?

    Maxamed Bin Salmaan
    Qoraalka sawirka, Maxamed Bin Salmaan

    Toban sano ka hor, Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay dib-u-qaabayn cusub oo dalkiisa lagu sameenayo, taas oo u muuqatay sheekooyinka dhallan rogga ah ee Maxamed la damacsan yahay Sacuudiga iyo mala- -awaal.

    Hiigsiga 2023 ayaa ahaa qorshe ballaaran oo ay kamid ahayeen dhismayaal waaweyn, kuwaas oo loo qorsheeyay inay horseedaan mucjisooyin teknoolojiyadeed oo cusub, kuwaas oo faa’iido u noqonaya boqortooyada Sacuudiga iyo dunidaba.

    Dhammaan fikradahaan ayaa lagu soo bandhigay xayeysiimo loo adeegsaday warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyada oo loo sameeyey hab xayeysiin casriyeysan ah, tallaabooyinkaas ayaa soo jiitay indhaha caalamka, waxaana laga bixiyey dhalaceyn, halka dadka qaar ay la yaab ku noqotay.

    Arrintan waxaa suuragelinayay sanduuqa maalgelinta qaranka ee Sacuudi Carabiya (PIF) oo hantidiisu ku dhowdahay hal tirilyan oo doolar (£744 bilyan), lacagtaas oo si weyn ugu tiirsan dakhliga shidaalka, balse loo adeegsanayay dhisidda saldhig mustaqbal aan ku xirnayn shidaal.

    Hadda oo afar sano oo keliya ka harsan yihiin 2030, waxaa muuqata, sida laga yaabo in dhacay dib-u-gurasho, Qayb ka mid ah sababta waxaa keenay cadaadisyo dhaqaale, maadaama hoos-u-dhac weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka ka hor dagaalka hadda ka socda Bariga Dhexe uu saameeyay xitaa hantida aadka u badan ee Sacuudi Carabiya.

  4. War deg deg ah, Masuuliyiin Maraykan ah oo sheegay in 95% wada-hadallada gabogabo yihiin-FOX NEWS

    Shaashad Tv

    Xigashada Sawirka, FOX NEWS

    Shabakadda wararka Maraykanka ee Fox News ayaa sheegtay in saraakiil dowladda ka tirsan ay ku dhawaaqeen in 95 boqolkiiba qodobbada heshiiska u dhexeeya Tehraan iyo Washington uu dhammeystirmay.

    Maalintii Axadda, Fox News waxay barnaamijyadeeda kala duwan ee wararka iyo falanqaynta kaga hadashay wada-hadallada socda ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, iyadoo martidu ay sheegeen in labada dhinac ay isu soo dhowaadeen arrimaha la xiriira kordhinta xabbad-joojinta, furitaanka marin-biyoodka Hormuz, iyo qaadista go’doominta badda ee saaran Iiraan.

    Shabakaddan ayaa sidoo kale baahisay walaaca ay ka qabaan qaar ka mid ah dadka siyaasadda Maraykanka u dhuun daloola mowqifyada dowladda Iiraan, iyada oo soo bandhigtay hadalladii ugu dambeeyay ee Mohsen Rezaei, taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka.

    Hadalladiisii ugu dambeeyay, Mudane Rezaei wuxuu ku hanjabay in Iiraan ay ka bixi karto Heshiiska Ka-Hortagga sameynta hubka Nukrliyeerka haddii xaaladda hadda jirta ay sii socoto.

  5. War deg deg ah, Shil ka dhacay Malaysia oo dhimasho iyo dhaawac sababay

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    Patronas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida ay qortay Reuters saddex qof ayaa ku dhintay hal qofna waa ku dhaawacmay shil dhacay intii lagu jiray dayactirka doonta badbaadada ee markab kaydiya shidaalka oo ay maamusho shirkadda tamarta ee dowladda Malaysia laga leeyahay ee Petronas, sida ay shirkaddu sheegtay Axaddii.

    Petronas, oo magaceeda rasmiga ah yahay Petroliam Nasional Berhad, ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii ku sheegtay in shilku dhacay qiyaastii 12:50 duhurnimo (0450 GMT) markabka FSO Sepat oo yaala xeebaha gobolka Terengganu ee bariga Malaysia.

    Saddex shaqaale ah ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen markii isbitaalka la geeyay, halka shaqaalihii dhaawacmay loo qaaday daryeel caafimaad isla markaana weli xaaladdiisa lala socdo, ayay sheegtay Petronas.

    “Baadhitaanno lagu ogaanayo sababta shilka ayaa wali socda iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay khuseyso,” ayay shirkaddu tidhi.

    Petronas ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Wakaaladda wararka dowladda Malaysia ee Bernama ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay fuuleen doonta badbaadada ee ku xirneyd xarunta FSO si ay badda ugu degaan uguna sameeyaan shaqo dayactir ah. Si kastaba, xarigga ama qabsinka ku xirnaa doonta ayaa la rumeysan yahay inuu go’ay, taasoo sababtay in dhibbanayaashu ay badda ku dhacaan, sida ay Bernama kasoo xigatay booliska deegaanka.

  6. War deg deg ah, Qiimaha shidaalka oo hoos dhacay rejo jirta awgeed

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    shidaalka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters qiimaha shidaalka ayaa Isniintii gaaray heerkii ugu hooseeyay mudo labo toddobaad gudahood ah, iyadoo ay jirto rejo laga qabo in Maraykanka iyo Iran ay ku sii dhowaanayaan heshiis nabadeed, inkastoo ay wali isku khilaafsan yihiin arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin xanibaadaha marin-biyoodka Hormus oo sii isku socodka sahayda shidaalka ee Bariga Dhexe.

    Shidaalka Brent crude ayaa hoos u dhacay $4.71, ama 4.55%, wuxuuna gaaray $98.83 halkii foosto saacadu markay ahayd 2234 GMT, halka shidaalka Maraykanka ee West Texas Intermediate uu gaaray $92.03 halkii foosto, isagoo hoos u dhacay $4.57 ama 4.73%. Labada nooc ee shidaalka ayaa horey fadhigaas u gaaray heerkii ugu hooseeyay tan iyo 7-da May.

    Sabtidii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington iyo Iran ay “inta badan ka wada xaajoodeen” heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan heshiis nabadeed oo dib u furi doona marin-biyoodka Strait of Hormuz, kaasoo kahor colaadda laga mari jiray shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee dunida loo dhoofiyo.

    Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa wali isku khilaafsan dhowr arrimood oo adag, iyadoo Trump uu Axaddii sheegay inuu faray wakiilladiisa inaan lagu degdegin wax heshiis ah oo lala galo Iran.

    Falanqeeyaha shirkadda MST Marquee Saul Kavonic ayaa yidhi: “Inkasta oo ay wali jiraan khataro iyo shuruudo badan oo ku hareeraysan heshiiska nabadda ee gacanka, hadda waxaa muuqata iftiin dhamaadka mugdiga, taasoo keeni karta nafis ku meel gaadh ah oo ku yimaada qiimaha shidaalka.”

    Sidaas oo ay tahay, falanqeeyayaashu waxay filayaan inay qaadan doonto bilo badan in qulqulka shidaalka ee marin-biyoodkaasi uu si caadi ah kusoo laabto iyo in la dayactiro xarumaha shidaalka iyo gaaska ee waxyeelladu gaartay.

  7. War deg deg ah, Turkiga oo dhexda u taagan xiisad siyaasadeed oo gudaha ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xiisad siyaasadeed oo aad u culus ayaa ka taagan Turkiga kadib markii xarunta dhexe ee xisbiga CHP kadib muran la xiriira burinta buuxda ee sharciyada xisbiga. Booliska rabshadaha ka hortagga ayaa xoog ku jebiyay albaabka bardhigista gaadiidka, waxayna galeen xarunta dhexe saacadu markay ahayd 2:20 duhurnimo, iyagoo gudaha ku tuuray gaaska ilmada keena, taasoo keentay in dhismaha si degdeg ah loo faarujiyo.

    Özgür Özel ayaa kahor faragelinta booliska soo saaray muuqaal uu ku sheegay in dembigoodu yahay inay ka adkaadeen Xisbiga AK, isagoo ku adkaystay inay dagaallami doonaan ilaa dhammaadka, isla markaana aan la jebin karin halgankooda xitaa haddii jirkooda la qaato. Ekrem İmamoğlu ayaa baraha bulshada ku tilmaamay hawsha “afgambi,” lagu sameeyay xarunta isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin lagu difaacayo rabitaanka shacabka, madaxbannaanida qaranka iyo midnimada.

    Kadib markii boolisku galeen xarunta, saxafiyiinta waa la saaray, waxaana la arkay burbur weyn oo gudaha ah iyo dad badan oo gaaska ilmada saameeyay oo laga soo saaray dhismaha.

    Hoggaanka xisbiga iyo Özgür Özel ayaa sidoo kale ka baxay xarunta. Kahor intuusan bixin, Özel wuxuu jeexjeexay warqaddii ogeysiiska, isagoo sheegay in isdhiibid aysan ahayn waxa ay matalaan.

    Waxaa la qaaday halku-dhegyo muran dhaliyay. Özel wuxuu sheegay in xisbiga markii la aasaasay uusan lahayn xarun dhexe, islamarkaana ay sii wadi doonaan socodkooda siyaasadeed ee ku aaddan hanashada awoodda.

    Sababta faragelinta booliska ayaa lagu sheegay codsi uu diray qareenka Celal Çelik oo matalaya Kemal Kılıçdaroğlu, oo maxkamaddu dib ugu soo celisay hoggaanka xisbiga, kaasoo dalbaday in xarunta lagu wareejiyo. Codsigiisa wuxuu sheegay in xitaa xildhibaanada aan loo oggolaan inay galaan xarunta, sidaas darteedna loo baahan yahay in si rasmi ah loo wareejiyo.

    Maamulka gobolka Ankara ayaa sheegay in amaro la siiyay ciidamada ammaanka si ay u fuliyaan go’aanka maxkamadda. Booliska ayaa horay u xiray waddooyinka ku wareegsan xarunta, iyadoo la dhigay xannibaado, isla markaana laga joojiyay gelitaanka iyo bixitaanka.

    Emrullah Gümüş oo BBC Turkish ka tirsan ayaa sheegay in xisbiga uu isku diyaarinayay faragelinta booliska. Murat Emir oo CHP ka tirsan ayaa sheegay in ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, isla markaana loo sheegay in boolisku aanay xoog ku geli doonin xarunta, inkastoo taasi ay dhacday. Dhacdadan ayaa si weyn u sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  8. War deg deg ah, Labaatan iyo labo sanno: Arsenal oo soo afjartay gaajo darayd sideey u dabaal degtay?

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Tani waxay ahayd munaasabad uu Mikel Arteta si weyn ugu riyaaqo. Iyadoo milkiilaha kooxda Stan Kroenke uu ka daawanayay garoonka dhexdiisa booqasho naadir ah oo uu ku yimid si uu si toos ah u arko kooxdiisa, Arsenal ayaa u dabaaldegtay hanashada horyaalka markii ugu horreysay tan iyo 2004 kadib markii ay si raaxo leh uga adkaatay Crystal Palace, oo iyaduna maskaxda ku haysay final-ka tartanka Yurub.

    Max Dowman ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid lagusoo bilaabo kulan Premier League ah isagoo jira 16 sano iyo 144 maalmood, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay ciyaarta. Goolasha ay dhaliyeen Gabriel Jesus oo laga yaabo inay tani noqoto kulankiisii ugu dambeeyay ee uu u ciyaaro Arsenal iyo Noni Madueke ayaa soo gabagabeeyay xilli ciyaareed xusuus mudan u noqday Arteta iyo kooxdiisa.

    Halkan hoose ka daawo sawirrada siday ugu dabaaldegeen guushooda.

    koobka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    kabtanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Rice

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    taageerayaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  9. War deg deg ah, Arsenal oo hanatay horyaalka Ingiriiska isuna diyaarinaysa hanashada kan Yurub

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Arsenal ayaa si guul fudud ku billowday xukunkeeda horyaalka Premier League kadib markii ay ka adkaatay Crystal Palace, iyadoo jawi dabaaldeg ahi ka jiray garoonka Selhurst Park.

    Labada kooxoodba waxay soo saareen safaf ciyaareed oo tijaabo ah, maadaama Palace ay Arbacada dheelayso kulanka kama danbaysta koobka Conference League, halka Arsenal ay Sabtida ciyaarayso final-ka Champions League.

    Iyadoo aysan ciyaartani wax weyn u lahayn labada dhinac maadaama Arsenal toddobaadkan hore xaqiijisay hanashada horyaalka ciyaartu waxay lahayd dareen la mid ah kulan diyaar-garow xilli ciyaareed cusub ah, iyadoo aanay jirin xamaasad badan isla markaana la qorsheeyay hakadyo biyo-cabid ah sababo la xiriira kulaylka.

    Gabriel Jesus, oo horay u lumiyay laba fursadood oo fiican qaybtii hore, ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 42-aad kadib dhammeystir qurux badan. Kadibna Noni Madueke ayaa wax yar kadib qeybtii labaad billowgeedii laba jibbaaray goolasha isagoo ka faa’iideystay koorno caadi u noqotay Arsenal.

    Bedelka Palace ee Jean-Philippe Mateta ayaa u dhaliyay kooxdiisa gool yareyn ah kadib markii uu si xeelad leh ugu leexiyay kubbad uu soo karoosay Yeremy Pino iyadoo hal daqiiqo ay ka harsaneyd waqtiga caadiga ah.

    Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sameeyay sagaal isbeddel marka loo eego kooxdii la ciyaartay Burnley, wuxuuna safka hore kusoo daray Max Dowman, iyadoo khadka dhexe uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa abid ee bilaaba kulan Premier League ah isagoo jira 16 sano iyo 144 maalmood.

    Ciyaartan mar walba waxaa loo arkayay dabaaldeg u gaar ah Arsenal kadib markii ay soo afjareen sugitaankoodii 22 sano ee hanashada horyaalka Premier League.

    Kadib markii ay xaqiijiyeen koobkaas, tababare Mikel Arteta ayaa si weyn isbeddel ugu sameeyay kooxdiisa, maadaama diiraddiisa ugu weyn ay tahay final-ka Champions League ee toddobaadka dambe ay la ciyaarayaan Paris Saint-Germain.

  10. War deg deg ah, Trump: yaan 'lagu degdegin' heshiis lala gaadho Iraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dhexdhexaadiyayaasha “in aan lagu degdegin heshiis” lala galo Iran, kadib markii warar soo baxay ay tilmaameen in heshiis la gu dhowyahay.

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, heshiiska laga wada hadlayo waxa ku jira kordhin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista marin-biyoodka Hormus, iyo wada-hadallo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

    Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Trump wuxuu sheegay in wada-hadalladu ay “si wax dhisaya” u socdaan, balse “labada dhinac waa inay waqti qaataan oo si sax ah wax u dhammeeyaan.”

    Trump ayaa Sabtidii sheegay in heshiiska “intiisa badan laga wada xaajooday,” taasoo dhalisay hadal hayn ah in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiiska.

    Laakiin wararka warbaahinta Iran ayaa sheegaya in wali ay jiraan “hal ama laba” qodob oo lagu muransan yahay heshiiska suurtagalka ah.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa sidoo kale muujiyay horumar laga sameeyay wada-hadalladii dhammaadkii toddobaadka, balse afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Esmail Baghaei ayaa sheegay in taasi aysan macnaheedu ahayn in heshiis laga gaaray arrimaha muhiimka ah.

  11. Mareykanku ma ku duuli doonaa?: Waa maxay masiirka Cuba ka dib dacwaddii Raúl Castro?

  12. Afhayeen golaha wakiilada oo sheegay in 60 maalmood ay qaadan doonto in la dhameeyo dhamaan faahfaahinada heshiiska

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mike Johnson ayaa ka hadlay suurtagalnimada heshiiska Iran ay la gashay Maraykanka isaga oo la hadlayay Fox News.

    Waxa uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in ay joojin doonto Iran in ay haysato hubka Nukliyeerka.

    "Waxaan la hadlay isaga [Madaxweyne Trump] goor dambe oo xalay ah. Wuxuu qaatay go'aan sidii uu ahaa tan iyo bilowgii," Johnson ayaa yiri.

    Masullka ugu sareeya xisbiga Jamhuuriga gudaha Aqalka Wakiilada ayaa sheegay in soo jeedinta hadda ay ka shaqeynayaan Mareykanka iyo Iran ay "u ogolaan doonto 60 maalmood si loo helo dhammaan faahfaahinta".

    Waxa uu sheegay in shuruudda koowaad ee Trump ay tahay in Iran aysan yeelan karin hubka Nukliyeerka. "Waan ilaalin doonaa nukliyeerka," ayuu raaciyay.

  13. Xoolaha la qalo Udxiyada: Waa maxay nooca iyo shuruudaha, sideese ugu wanaagsan ee loo dooran karaa

  14. Madaxweynaha Iran oo sheegay in dalkiisu uusan doonayn hubka nukleerka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu "diyaar u yahay inuu caalamka u xaqiijiyo" in aanu rabin hubka Nukliyeerka, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

    Wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah (IRNA) oo soo xiganeysa madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram wuxuu ku yiri: “Kahor shahiidnimada Aayatullah Khamenei, hoggaamiyihii geeriyooday ee Iran, waxaan ku dhawaaqnay – waxaana ku celineynaa hadda – inaan diyaar u nahay inaan u xaqiijinno adduunka inaanan raadinin hubka nukliyeerka.”

    Sida laga soo xigtay wakaaladda, madaxwaynuhu wuxuu intaa ku daray in Iran "aysan rabin xasillooni darrada gobolka" iyo in ay tahay "Maamulka Israa'iil ... kuwa doonaya inay khalkhal geliyaan gobolka".

    Laakiin waxa uu sheegay in wada xaajoodayaasha Iran aysan "ka tanaasuli doonin sharafta iyo karaamada dalka".

    Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu ka dhawaajiyay in laga yaabo in madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqo gelinka dambe ee maanta wada xaajoodyada.

  15. Afar dal oo Yurub ah oo oggol baasaboor Soomaaliga

    Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

    Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay'adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

    Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

    Talyaaniga

    Dadka heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa marka ay dalbadaan dal-ku-galka Talyaaniga waxaa baasaboorkooda si caadi ah loo saaraa fiisaha.

    Dalal badan oo kale ayaa qofka Soomaaliga ah aan baasaboorkiisa ku dhajinin fiisada, iyagoo warqadda caddeynta fiisaha si gaar ah u siiya. Dowladaha sidaas sameeya waxaa ka mid ah UK, inta badan dalalka Yurub, Canada, Australia iyo Mareykanka.

    Waxaa xusid mudan in Talyaaniga uu ka mid yahay gumeysteyaashii Soomaaliya, sidoo kalena yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Soomaaliya.Halkaan ka sii aqri

  16. Lix qodob oo ay tahay in aad sameyso si aad lacag u kaydsato adiga oo mushaar yar qaata

    Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.

    Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.

    Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.

    Qodobadaan ayaa kamid ah kuwa ay soo jeediyeen.

    1.Daynta isaga bax

    Talaabadaan ayaa lagu tilmaamay inay tahay midda ugu muhiimsan ee lagu taliyo dadka mushaarka soo gala uusan buurnayn, iyaga oo u sababeeyay in ay tahay sida god wayn oo dhuuqaya wax kasta oo ku soo gala, marnaba aan buuxsamayn.

    Maadaama godkaas wayn aadan ka dul bilaabi Karin dhisme aad dpooneyso inuu kor u dheeraado, ayay leeyihiin khuburado waxaa aanaagsan inaad gabi ahaanba aasto.

    Inta badan sababaha keeni in dadku daymoobaan ayaa ha kuwa laga maarmi karo, waxaana kamid ah in qofku rabo inuu waxyaabo qaali ah iibsado, iyo iibsashada waxyaabo aan muhiim u ahan nolosha qofka.

  17. Waa maxay caabuqyada galmada la isugu gudbiyo, sidee ayaadse naftaada uga ilaalin kartaa?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Caabuqa Galmada La isugu Gudbiyo (STI) waa caabuq qofka uu qofka kale ugu gudbiyo galmo.

    In ka badan hal milyan oo caabuqan STI ayaa maalin walba laga diwaan geliyaa guud ahaan dunida, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

    Caabuqyadan aalaaba ma muujiyaan calaamado wayna adag tahay in baarid lagu helo. Marka caabuqu uu qudhiisa qabsado cudurrada qaar uuna muujiyo calaamado gaar ah, markaas ayaa lagu qeexaa Cudurka Galmada La isugu Gudbiyo (STD).

    STIs caadi ahaan waxay faafaan inta ay galmadu socoto, balse mararka qaar waxaa sababa kara jirka labada qof oo is taabta.

    Caabuqyadan STIs qaarkood ayay hooyadu u gudbin kartaa ilmaha inta ay uurka leedahay, dhalmada, amaba naas-nuujinta.

  18. Nin ka badbaaday gantaallada Iiran oo BBC-da la hadlay balse wali la la'ayahay saaxiibkiis

  19. Iran oo sheegtay in aysan galin wax heshiis ah oo ku saabsan wareejinta nukleerkeeda

    .

    Xigashada Sawirka, .

    War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ay soo tabineyso heshiis la sheegay in uu dhex maray Mareykanka iyo Iran.

    Waxa ay sheegtay in Iran aysan samayn wax ballanqaad ah oo ku saabsan oo ku aadan in ay wareejiso walxaheeda nukliyeerka, inkastoo warar taa ka soo horjeeda ay baahiyeen warbaahinta reer galbeedka.

    Wakaalada wararka ee xiriirka laleh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa ku warameysa in wada xaajoodka arinta Nukliyeerka dib loo dhigay ilaa "kadib dhamaadka suurtagalka ah ee dagaalka".

    Waxa ay sheegtay in heshiiska hadda jira uu ku kooban yahay oo keliya arrinta joojinta dagaalka, oo aysan ku jirin wax tafaasiil ah oo la xiriira barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.