Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Itoobiya doorasho ayey qabaneysaa, balse qofkasta ma codeenayo

    Itoobiya doorasho ayey qabaneysaa, balse qofkasta ma codeenayo

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dalka Itoobiya waxaa saacado kooban ka dhiman yihiin doorashada guud ee qaranka, taas oo noqoneysa tii todobaad, waxaana la dooran doonaa hogaamiyihii maamuli lahaa dalkaas 5ta sano ee soo socata.

    Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyo ayaa weli ka socda oo u dhexeeya dowladda iyo kooxo hubeysan meelo badan ayaa ka hor istaagay dad badan inay codeeyaan.

    Gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, kaas oo isku dayaya inuu ka soo kabttp dagaallo ba’an oo soo afjaray sannadkii 2022, ayaa gabi ahaanba kasoo qeyb-galeyn.

    Doorashooyinka sanadkan waa kuwii toddobaad tan iyo markii uu dhacay nidaamkii milatariga.

    Waa doorashadii toddobaad tan iyo markii la riday nidaamkii militariga sanadkii 1991 - kacdoon sababay in Eritrea ay go'do laba sano ka dib - waxayna dooarshadu dhacaysaa iyadoo xiriirka Itoobiya iyo deriskeeda waqooyi uu mar kale khatar ku jiro.

  2. Muhiimad noocee ah ayey leedahay qalcadda Beaufort ee dalka Lubnaan?

    Muhiimad noocee ah ayey leedahay qalcadda Beaufort ee dalka Lubnaan?

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qalcaddu waa mid ka mid ah qalcadaha taariikhiga ah ee ugu caansan koonfurta Lubnaan waana midda ugu dhow ee lala xiriiriyo taariikhda khilaafaadka iyo dagaallada ee gobolku soo maray qarniyo badan. Waxay ku taal buur dhagax ah oo dheer oo ku taal magaalada Arnoun ee Gobolka Nabatieh, iyadoo hoos u fiirinaysa wabiga Litani iyo bannaanka koonfurta Lubnaan, taasoo siisay muhiimad istiraatiiji ah iyo mid milatari taasoo ka dhigtay bartilmaameed joogto ah oo loogu talagalay awoodaha is haya laga bilaabo qarniyadii dhexe ilaa xilligii casriga ahaa.

    Qalacadda ayaa ayaa maalmihii u dambeeyay lagu arkayay isbedelo ciidan iyo amni taasoo dib ugu soo celisay goobta taariikhiga ah dhacdooyinka koonfurta Lubnaan, iyadoo ay sii kordhayaan dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Hezbollah.

    Dowladda hoose ee Arnoun ayaa cambaareysay duqeymaha Israa'iil ay ka geysatay qalcadda maalmihii la soo dhaafay, iyadoo la tixgelinayo in bartilmaameedkeedu uu yahay weerar lagu qaaday goob taariikhi ah oo qadiimi ah iyo mid dhaxal ah oo kusoo jirtay "ilaalin la xoojiyay" tan iyo 2024 iyadoo la raacayo Protocol II ee Heshiiska Hague ee Ilaalinta Hantida Dhaqanka haddii ay dhacaan isku dhac hubaysan.

  3. Akhri Sheekooyin faafaahsan

  4. Maxaan ka naqaan Qalcadda Muhiimka ah ee Beaufort, ee ay ciidamada Israa'iil qabsadeen?

  5. Itoobiya oo galeysa doorasho uusan qof walba codeyn karin

  6. Ciidamadii shalay weeraray Baydhabo oo ka hadlay sababta ay weerarka u qaadeen

  7. Lubnaan: Israa'iil waxay duqaymo ku dishay shaqaale caafimaad

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in "13" ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo Israel ay ka geysatay meel u dhow isbitaal ku yaal magaalada koonfurta Lubnaan ee Tire.

    Tani waxa ay imaaneysaa iyada oo Israa'iil ay sii waddo hawlgalkeeda milatari ee qotada dheer ee dhulka Lubnaan.

    Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Cadawga Israa’iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday agagaarka cisbitaalka Hiram ee magaalada Tire, waxaana ka dhashay dhaawaca 13 ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka iyo burbur xooggan oo soo gaadhay xarunta.

    Bayaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tillaabo lagu joojinayo "balaarinta iyo xoojinta weerarada Israel."

  8. Markii Einstein diiday inuu noqdo madaxweynaha Israa'iil

  9. Maaddo ku jirta cabitaan Soomaalidu isticmaasho oo la sheegay inay kansar sababto

    Cabitaannada caanka ah ee ay ku jirto aspartame waxaa ka mid ah cabitaanka shirkadda kooka koolla ee loo yaqaan Diet Coke, Coke Zero, Pepsi Max, iyo 7 Up Free, laakiin macaaneeyahan ayaa ku jira ilaa 6,000 oo cuntooyin kala duwan ah.

    Maaddadan waxaa la isticmaalayey tobannaan sano waxaana ansixiyay hay'adaha badbaadada cunnada, laakiin waxaa jiray muran badan oo ku xeernaa.

    IARC, oo ah garabka cilmi-baarista kansarka ee Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa dib u eegis ku sameyneysay ilaa 1,300 oo daraasadood, kuwaas oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya aspartame iyo kansarka.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay la hadashay ilo ku dhow hawlahan ay ururku wadaan, aspartame-na waxaa lagu suntay "Walxaha kansarka sababa" - laakiin waa maxay sumadani dhab ahaantii?

    BBC-du waxay fahamsan tahay in ogeysiisyada rasmiga ah ay samayn doonaan IARC iyo guddi khubaro gaar ah oo u xilsaaran maadooyinka cuntada - oo ay weheliso daabacaadda joornaalka caafimaadka ee Lancet Oncology 14ka bishan Luulyo 2023.

  10. Faransiiska oo ku baaqay shir deg deg ah oo Golaha Ammaanka ka yeesheen qabsashada Israa'iil ee qalcad taariikhi ah oo ku taalla Lubnaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sheegay in uu ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii ciidamada Israel ay qabsadeen Qasriga taariikhiga ah ee Beaufort ee dalka Lubnaan.

    Jean-Noël Barrot ayaa u sheegay BFM TV: "Waxaan codsaday kulan deg deg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, inkastoo aan aqoonsannahay xaqa ay Israa'iil u leedahay inay is-difaacdo, sida waddan kasta oo kale, ma jiraan wax sabab u noqon kara sii wadida howlgallada militari ee Israa'iil iyo horumarka dheeraadka ah ee ku wajahan dhulka Lubnaan."

    Waxa uu walaac ka muujiyay ballaarinta joogitaanka ciidamada Israa’iil ee dhulka Lubnaan, waxaana uu ku baaqay in arrintan ay baaraan golaha ammaanka.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqay in qalcadda taariikhiga ah ee istiraatiijiga ah ee Shaqif (Beaufort) ay qabsadeen ciidamadiisa.

    Waxa uu ku yiri qoraal uu soo dhigay kanaalka Telegram-ka: “Afartan iyo afar sannadood ka dib dagaalkii geesinimada lahaa ee Beaufort iyo maalintii la xusayay askartii lagu dilay dagaalkii koowaad ee Lubnaan (1982), ciidammadeennu waxay mar kale ku soo noqdeen qalcaddaas oo ay ka taageen calanka Israa’iil.

    Qasrigani waxa uu leeyahay aragti ballaadhan oo ku saabsan koonfurta Lubnaan waxaana loo arkaa mid aad muhiim u ah ciidan ahaan.

  11. Xulka Koonfur Afrika oo caqabad kala kulmay fiisaha Mexico iyo dowladda oo si adag uga hadashay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka ciyaaraha Afrika ayaa dalbaday in sharaxaad laga bixiyo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xulka kubbadda cagta dalkaasi uu dib u dhac ku yimid safar ay ku tagi lahaayeen dalka Mexico ka hor koobka adduunka sababo la xidhiidha fiisaha.

    Warbaahinta SABC ayaa sheegtay in "qalad maamul" uu sababay in ciyaartoyda qaar aan la siin fiisooyin. Faahfaahin kale lagama bixin.

    Isaga oo ka jawaabaya, wasiirka ciyaaraha Gayton McKenzie ayaa sheegay in uu u sheegay xiriirka kubbadda cagta Koonfur Afrika (Safa) "Waxaan u baahanahay warbixin, waana in tallaabo laga qaadaa kuwa mas'uulka ka ah fowdadan".

    "Waxaa naloo ekaysiinayaa doqomo," ayuu ku daray hadalkiisa. Safa ayaan wali ka hadlin arrintaan dhankooda.

    Kooxdan oo lagu naaneeso Bafana Bafana ayaa lagu wadaa in ay Jimcaha ku kulmaan dalka Jamaica ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhici doonta dalka Mexico.

    Kadib waxa ay 11-ka June la ciyaari doonaan kulanka furitaanka koobka adduunka ee ay la ciyaarayaan Mexico, oo tartankan si wadajir ah ula marti galinaysa Maraykanka iyo Canada.

  12. Japan iyo Shiinaha oo edeymo kulul isku jeediyay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Japan ayaa diiday eedeymaha Shiinaha ee 'ciidamaynta cusub', waxayna walaac ka muujisay is ballaarinta militariga Shiinaha.

    Wasiirka gaashaandhigga Japan Shinjiro Koizumi ayaa diiday eedeynta Beijing ee ah in Japan ay u jiheysan tahay "Milatari cusub".

    Waxa uu taa beddelkeeda ku andacoodey in ballaarinta militariga Shiinaha iyo daah-furnaan la’aanta ay sabab u tahay walaaca beesha caalamka.

    Isagoo ka hadlayay maalintii ugu dambeysay ee shir-madaxeedka difaaca ee Singapore, Koizumi wuxuu sheegay in Shiinaha iyo "hubka weyn ee kaydka buux dhaafiyay" ay runtii walaac weyn ka muujiyeen beesha caalamka.

    Hadalkiisa ayaa loo arkaa jawaabta ugu adag ee Japan ay weli ka bixineyso dhaleeceynta joogtada ah ee Shiinaha, taasoo si isdaba joog ah u soo bandhigtay diidmo ku aaddan awoodda difaaca ee sii kordheysa ee Japan ee Ra'iisul Wasaare Sanai Takaichi.

    Xiriirka Japan iyo Shiinaha ayaa taariikh ahaan ahaa mid kacsan, sababta ugu weyn ayaana ah duulaankii Japan ku qaaday Shiinaha dagaalkii labaad ee adduunka.

    Maalin ka hor shirka Singapore, afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha Jiang Bin ayaa ka digay "isbeddelka khatarta ah ee dib-u-habaynta Japan waa mid soo dedejinaysa" wuxuuna ku booriyay beesha caalamka inay qaadaan "tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo militariga cusub ee Japan."

  13. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay qabsatay qalcadda taariikhiga ah ee koonfurta Lubnaan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in la qabsaday qalcadda taariikhiga ah ee istiraatiijiga ah ee Shaqif (Beaufort) ee koonfurta Lubnaan.

    Israa’iil Katz ayaa sidoo kale sheegtay in howlgallada dhulka ah ee ciidamada Israa’iil ay ka wadaan koonfurta Lubnaan ee ka dhanka ah Xisbullah ay sii ballaarinayaan.

    Waxa uu ku qoray kanaalka Telegram-kiisa: “Afartan iyo afar sannadood ka dib dagaalkii geesinimada lahaa ee Beaufort iyo maalintii la xusayay askartii lagu dilay dagaalkii koowaad ee Lubnaan (1982), ciidammadeennu waxay mar kale ku soo noqdeen qalcaddaas oo ay halkaas ka taageen calanka Israa’iil.

    Waxa uu intaasi ku daray: “Iyadoo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benyamin Netenyahu uu amar ku bixiyay, waxay ballaariyeen howlgallada ay ka wadaan Lubnaan, waxayna ka gudbeen webiga Litani, waxayna qabsadeen Beaufort, oo ah mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee istaraatiijiyadeed ee lagu difaacayo deegaannada gobolka Galiil iyo xaqiijinta ammaanka ciidamadeenna.

    Sawirro ay wakaaladda wararka ee AFP soo saartay subaxnimadii Axadda ayaa muujinaya calanka ciidammada Israa'iil oo ka babanaya qalcadda, balse waxaa la maqlayaa rasaas iyo qiiq aad u xooggan oo laga arkayay deegaannada ku xeeran.

    Qasrigani waxa uu leeyahay aragti ballaaran oo ku saabsan koonfurta Lubnaan waxaana loo arkaa mid aad muhiim u ah ciidan ahaan.

  14. Boqolaal qof ayaa lagu xiray dalka Faransiiska kadib dabaal degyadiiguusha PSG

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isku dhacyo u dhexeeya taageerayaasha kubada cagta iyo booliska guud ahaan dalka France ayaa sababay in in ka badan 400 oo qof in la xiro kadib guushii Paris Saint-Germain (PSG) ee finalka Champions League ay la ciyaareen Arsenal.

    Kumanaan saraakiil ah ayaa la geeyay si ay u xakameeyaan qalalaasaha hakiyay adeegyada basaska, tareenada ee caasimadda Paris.

    Rashta iyo olol ayaa la shiday, iyadoo dhowr askari oo booliis ah ay ku dhaawacmeen iska hor imaadyada.

    Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dad isugu soo baxay bartamaha magaalada.

    Rabshado la mid ah ayaa dhacay markii PSG ay ku guuleysatay isla koob la mid ah sanadkii hore, iyadoo dabaaldegga uu isku bedelay dhimasho.

    Markan, mas'uuliyiintuayay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen "nidaam aad u adag, oo aad u adag", sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Laurent Nuñez.

  15. Dhakhaatiirtu ma waxay ogaadeen nooc cusub oo sonkorow ah?

  16. Maraykanka oo saddex qof ku dilay weerar uu ku qaaday doon daroogo looga shakisnaa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay weerar lagu qaaday doon looga shakisan yahay in ay siday daroogo oo maraysay bariga Badweynta Baasifigga, taas oo qayb ka ah ololaha ballaaran ee Washington ee ka dhanka ah kooxaha ay ku sheegtay in ay xiriir la leeyihiin "ka ganacsiga daroogada iyo argagixisada."

    Weerarkan ayaa daba socda weeraro dhowr ah oo kuwan la mid ah oo todobaadyadii la soo dhaafay lala beegsaday doomo marayey waddooyinka waaweyn ee tahriibka ee isaga kala goosha Koonfurta Ameerika iyo Waqooyiga Ameerika.

    Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in weerarradu ay yihiin kuwo sii socda qaab ay ku dhinteen boqolaal qof tan iyo sannadkii hore, waxayna sii wadaan su'aalo la xiriira cadeymaha, isla xisaabtanka iyo sharciga caalamiga ah.

    Taas bedelkeeda, saraakiisha Maraykanku waxay ku doodayaan in weerarradani ay carqaladeeyaan kooxaha daroogada iyo inay gacan ka geystaan ​​ilaalinta amniga gobolka.

  17. MSF oo ka digtay xanuun ka dilaacay dal ay Soomaali badani ka ganacsadaan

    Madaxa WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa booqday gobolka Ituri ee bariga Congo

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Faafitaanka degdegga ah ee xanuunka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa abuuray xaalad “si aad ah u walaac leh,” sida ay ka digtay hay’adda caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

    Isagoo ka hadlayay laba toddobaad kadib markii lagu dhawaaqay faafitaanka cudurka, ku-xigeenka agaasimaha MSF Dr Alan Gonzales ayaa sheegay in aan waligeed hore loo arag “xaalado sidaan u badan” oo cudurka ah in lagu diiwaangeliyo muddo sidaas u gaaban.

    Hadalladiisa ayaa yimid xilli madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu booqday gobolka Ituri ee bariga Congo oo ah meesha ugu daran ee uu cudurku saameeyay si uu u kormeero dadaallada xakamaynta fayraska.

    Hadda waxaa jira in ka badan 1,000 kiis oo Ebola ah oo la tuhunsan yahay gudaha DR Congo, iyo ugu yaraan 246 dhimasho. Dalka deriska ah ee Uganda ayaa soo sheegay sagaal kiis oo la xaqiijiyay iyo hal dhimasho.

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa ka mid dalalka ay ganacsiyada ku leeyihiin Soomaali badan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto

  18. War ka soo kordhay Trump oo ku saabsan qodobadii heshiiska Iiraan

    Donald Trump ayaa dalbaday in wax laga beddelo dhowr qodob

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Donald Trump uu dalbaday in wax laga beddelo dhowr qodob oo ka mid ah heshiis la soo jeediyay oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

    Sida uu sheegay wargeyska New York Times, isbeddelladan waxaa ka mid ah in shuruudaha heshiiska laga dhigo kuwo adag, waxaana qaabka dib loo eegay loo diray Iran si ay u qiimeyso.

    Sidoo kale, warbaahinta Axios ayaa sheegtay in Mr. Trump uu ku baaqay in la xoojiyo qodobbo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran iyo uranium-ka la hodmeeyay.

    Wargayska New York Times ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo xog-ogaal u ah arrinta, in madaxweynaha Mareykanka uu codsaday isbeddello lagu sameeyo nuqulka heshiiska ka dib markii uu dib u eegay. Ilaha ayaa sheegay in aan si buuxda loo caddeyn waxa ay isbeddelladaasi noqon doonaan, balse ay ujeeddadoodu tahay in la adkeeyo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska.

    Sida ay sheegayaan ilo Mareykan ah, isbeddelladan waxay kordhin karaan muddada wada-xaajoodyada u dhexeeya dhinacyada dhowr maalmood oo dheeraad ah, isla markaana waxay dib u dhigi karaan go’aanka kama dambaysta ah ee heshiiska.

    Donald Trump ayaa Jimcihii ka qeyb galay kulan ka dhacay qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad oo looga hadlayay heshiiska, balse ma uusan shaacin go’aankiisa kama dambaysta ah kadib markii kulanka uu dhammaaday.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto

  19. Falanqayn: Maxaa xalay helay Arsenal ka dib Finalkeedii labaad ee Horyaalka Yurub?

  20. Taliska dhexe ee Maraykanka oo sheegay inay beegsadeen markab ku sii jeeday Iiraan

    Ciidanka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay gantaal ku dhufteen qolka matoorka ee markab isku dayayay inuu jebiyo go’doominta badda ee Iran maalintii Jimcaha.

    Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gantaal nooca Hellfire ah uu ku dhacay qolka matoorka ee markab sita calanka Gambia, laguna magacaabo Lion Star, kaas oo ku safrayay biyaha caalamiga ah isagoo ku sii jeeday deked ku taalla Iran oo ku taal Gacanka Cumaan.

    CENTCOM ayaa sheegtay in ka hor weerarka, ciidamada Mareykanka ay markabka uga digeen “in ka badan 20 jeer” iyagoo u sheegay inuu jebinayay xannibaadda badda ee Mareykanku ku soo rogay Iran.