You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dilal ka dhacay Guriceel iyo cabsi ka dhalatay arrintaa

    Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, muddo toddobaad gudihiis ah waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay dhowr qof oo qaarkood loo dilay sida wararku sheegayaan aano qabiil.

    Allaha u naxariistee nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Hudey ayaa xalay fiidkii dabley hubeysan waxaa ay ku dileen magaalada, iyadoo maamulka Guriceel ay sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii falkaas ka dambeyay.

    Dilka ayaa magaalada ka abuuray xiisad iyo cabsi la xiriirta in ficillada ku saabsan beegsiga aanooyinka qabiil ay sii baahi karaan.

    Dad BBC-da la hadlay oo ku sugan Guriceel ayaa sheegay in ay dareemayaan cabsi ah ka dhalatay falalkaan ku soo kordhay magaalada ee la xiriira dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil.

  2. Ninkii ugu horreeyay adduunka oo il loo beero iyo sida ishu noqotay

    Dhaqaatiir ku nool magaalada New york ee dalka Mareykanka ayaa shegay inay markii ugu horreysay dunida oo dhan ay qaliin indhaha ah ku sameeyeen nin u dhashay dalkaas, inkastoo aan la hubin inuu araggiisa u soo laaban doono.

    Aaron James, oo ka badbaaday shil koronto, ayaa maray qaliin qaatay muddo 21 saacadood. Dhaqaatiirta qaliinka ayaa ku guuleystay inay isha u beeraan ninkaas, muddo sanado ah.

    "Ma oraneyno waxaan soo celineynaa aragga, balse shaki kuma jiro in wax yar un nooga harsantahay tallaabadaas", ayuu yiri Dr Rodriguez oo la hadlay wakaaladda wararka ee ABC

    Tani ayaa wadada u fureysa dad badan oo la dhibaateysan xanuun indhaha ah.

  3. Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xassan oo qalliin galay?

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa qalliin garabka ah ku maray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

    Xafiiska ayaa sheegay, in madaxweynaha uu haatan ka soo bogsanayo qalliinka ‘yar’ ee uu maray. Wax faahfaahin kama uusan bixin xannuunkiisa garabka.

    Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladaha Carabta, sida uu qoray wargeyska Sonna.

    Waxaa uu intaa kadib u safray magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu ugu qeyb galo shirweynaha waddamada Afrika iyo Sacuudiga.

    Tan iyo markii xilka loo doortay, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u safray dhowr waddan oo ay ku jiraan kuwa Khaliijka, si uu taageero ugu raadiyo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto ururka Al-shabaab.

  4. Waxaad qabi kartaa ‘xanuunkan’ haddii aad habeenkii usoo toostid suuliga

  5. Nin muslim ah oo diyaarad ka dhex yiri 'Alle ayaan jeclahay' iyo wixi lagu sameeyay

    Nin 29 sano jir ah oo u dhashay dalka Masar ayaa ku dhex xanuunsaday diyaarad uu saarnaa, kadib waxaa gurmad u fidiyay shaqaalaha caafimaadka diyaaraddaas.

    Waxay u keeneen dawo, intaa kadib, warqadda ogolaanshiyaha dawada ee la siiyay ayaa waxaa uu ku qoray ereyga ah "Waxaan jeclahay Alle".

    Tallaabada uu qaaday rakaabkaas ayaa dhalisay tuhun, waxayna hor seeday in duuliyaha diyaaradaas oo u socotay Paris codsado inuu ku dego garoonka Roma.

    Markii ay diyaaradda degtay, ninkaas ayaa gacanta lagu dhigay waxaana durbadiiba lagu bilaabay baaritaan.

    Baaritaanka kadib, waxaa lagu waayay wax dembi ah. Diyaaradda ayaa ugu dambeyntii u ambabaxday magaalada Qaahira balse waxaa ay ka tagtay oo ka baaqday rakaabkaas u dhashay dalka Masar.

    Dhacdadaas ayaa dhacday talaadadii la soo dhaafay.

  6. Magaalo dumarka la guursado sanado badan laga maqnaado

    Waxaa jirta magaalo ku taal galbeedka Afrika oo ragga dhaqan u noqotay inay ka tagaan oo shaqo radsadaan. Haweenka badanaaba waxaa laga maqnaadaa muddo sannado ah ama xataa tobannaan sano.

    Laakiin magaalada Beguedo ee dalka Burkina Faso keligeed sidaasi kama dhacdo. Waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Afrika oo arrintaas oo kale ay ka dhacdo, iyadoo raggu ay u dhoofaan waddammada deriska ah ama Yurub iyagoo rajeynaya inay ka helaan shaqooyin mushahar wanaagsan leh.

    Sidee bulsho u noolaan kartaa marka ragga iyo xaasaskoodu ay ku kala nool yihiin dhul kala fog kumannaan mayl?

    Alimata Bara mar walba way qoslaysaa, mar walba kaftamaysa. Maanta waxay ku qoslaysaa nasiib xumadeeda, inay noqotay xaas aan nin haysan. Toddoba sano kahor, iyadoo 17 jir ah, waxay guursatay nin Talyaani ah, oo ka shaqeeya dalka Talyaaniga.

  7. Fallaagada xuutiyiinya Yemen ma furin dagaal oo cusub ayay ku fureen Israa’iil?

    Hogaamiyaha magaalada Eliat ee Israa’iil, ayaa waxaa uu jimcaha maanta ah hakiyay dhamaan howlaha waxbarasho ee heerarka kala duwan leh, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku burburtay meel u dhow magaalo ay ku yaalaan xarumahaasi waxbarasho.

    Afhayeenka kooxda fallaagada Xuutiyiinta, Ansar, ayaa hore u shaaciyay, inay bartilmaameedsadeen magaalada ku taala Israa’iil ee Eilat, isla markaana ay halkaas ka fuliyeen weerarro gantaalo ah.

    Waxay xuutiyiintu ku adkeysteen inay sii wadi doonaan howlgalladaas ka dhanka ah Israa’iil, ilaa ay ka soo afjareyso dagaalka ay kula jirto ururka Xamaas iyo dadka reer Qasa.

    Wararka kale ee la xirriira xuutiyiinya Yemen halkan ka ahriso:

  8. Buundada ugu weyn Baardheere oo gebi ahaanba burburtay

    Waxaa burburtay guud ahaan buundada weyn ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii roobbab mahiigaana oo halkaas ka da’ay labadii todobaad ee u dambeeyay ay sababeen in biyuhu ka sara maraan buundada.

    Buundada go’aday ayaa muhiim u ahayd isu socodka degmoooyinka gobolka. Tiro dad ayaa sidoo kale ka qaxay guryahooda kadib markii biyaha roobka iyo fatahaadda webiga ay qaadeen xaafadaha qaar ee ka titsan gobolkaas.

    Haddaba saameynta ka dhalatay bundada go’aday ayaan ka wareysannay Ciise Cali Xaaji oo ka mid ah dadka mudada dheer deganaa Baardheere.

  9. Maxkamadda sare ee Kenya oo hakisay arrin ku cusub qaadasahada sharciga dalkaas

    Maxkamadda sare ee Kenya ayaa hakisay qiimo cusub oo ay dowladda ku soo rogtay kaarka aqoonsiga waddanka iyo sharciyada kale ee dalka. Arrintaas oo ay caro ka muujiyeen shacabka Kenya.

    Hakinta ayaa timid kadib markii uu maxkamadda dacwad u gudbiyay nin dhaqtar ah oo lagu magacaabo Magare Gikenyi.

    Qiimaha cusub ayaa la soo rogay iyadoo aan la ogeysiin dadka shacabka ah ee ku nool waddanka, waxayna ku soo aadeysaa xili dalku la daala dhacaya sare u kac xaga qiimaha maciishadda ah.

    Muwaadiniinta Kenya ee da'adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

    Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)

    Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

    Waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.

    Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

  10. War ka soo kordhay aabaha ciyaaryahanka Liverpool Luis Díaz ee la afduubay

    Ciyaaryahanka u dhashay waddanka Colombia ee u dheela kooxda Liverpool, Luis Diaz, ayaa la soo siidaayay saddex iyo toban maalmood kadib markii ay afduubteen kooxda garabka bidix ee Colobia (left-wing guerrillas), sida ay sheegeen booliska.

    Luis Manuel Díaz, ayaa kooxdu waxaa ay ku wareejisay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo kaniisadda Katooliga ee Colombia.

    Aabaha dhalay Luis, ayaa laga afduubtay gurigiisa ooo ku yaala magaalada Barrancas ee dalka Colombia, 28-kii bishii Oktoobar, xili uu la joogay qoyskiisa.

    Waxaa sidoo kale isla guriga laga afduubtay hooyada dhashayciyaaryahankaasi , balse iyada saacado kadib ayaa la soo siidaayay.

    Xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inay wanaagsantahay. Kooxda ayaa sheegtay inay ku qaldameen afduubka aabaha dhalay ciyaaryahankaasi.

  11. Maxaan ka naqaanaa "Guriga qiyaamaha"?, waase maxay sheekada ka dambeysa?

  12. Israa'iil oo Qasa ka dhaqan gelineysa xabad joojin

    Mareykanka ayaa sheegay in Israa'iil ay bilaabi doonto dhaqan gelinta xabad-joojin soconeysa muddo afar saacadood ah maalin kasta, si loo ogolaado in dadka ay ka baxaan waqooyga magaalada Qasa.

    Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in tallaabada hakinta tallaabada milateri ee Israa'iil ay tahay 'tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday', isagoo intaas ku daray inay Qasa ka jiri doonto laba marinno oo gargaar, si dadka loogu ogolaado inay dadka ka cararaan magaalada.

    Dhanka kale, raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aysan dooneyn inay la waregaan amniga guud ee Qasa, marka uu soo dhamado dagaalka ay kula jiraan Qasa.

  13. Madaxweyne Xassan Sheekh oo isaga shakaalan oo ka degay Sucuudiga

    Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Isug Tega Imaaraadka Carabta ayaa maanta safar kale uga sii ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee waddankaasi.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Sacuudiga halkaas oo ay ka qayb-gali doonaan shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka dhacaya caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

    madaxweynuhu inta uu joogay Abu Dhabi wuxuu ku galay qaliin caafimaad oo looga sameeyay dhanka garabka, kaas oo lagu guulaystay. Madaxweynaha ayaa hadda xalaadiisa wanaagsantahay

  14. Shirkadaha ugu sarreeya ee hawada ku sii daaya ee Carbon-ka oo heshiis gaaray

    Shirkadaha ugu sarreeya ee hawada ku sii daaya ee Carbon-ka, Shiinaha iyo Maraykanka, ayaa ku soo gebagebeeyey wada-hadallo toos ah oo muddo dheer socday oo ka socday gobolka California, iyadoo labada dhinac ay sheegeen inay heshiisyo dhawr ah gaareen.

    Labada dhinac ma aysan faah faahin waxa laga wada hadlay, balse natiijada wanaagsan ayaa timid ka dib markii Shiinuhu uu sii daayay qorshe muddo dheer la sugayay oo lagu dhimayo Methane-ka kaas oo ay Mareykanka ku heshiyeen labo sano ka hor.

  15. IDF oo sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen saldhiga ciidamada Xamaas ee bartamaha magaalada Gaza

    Ciidamada Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay maalmihii lasoo dhaafay ka howlgalayeen bartamaha magaalada Gaza, halkaasi oo ay sheegeen in ay ku yaalaan qeybta militari ee Xamaas.

    War qoraal ah oo kasoo baxay IDF ayaa lagu sheegay in ay dileen ama ay qabteen ilaa 50 dagaalyahan oo Xamaas ah intii lagu guda jiray "dagaalo xooggan"

    Waxa ay sheegtay in iyaga oo taageero xagga cirka ah iyo caawinaad ka helaya ciidamo gaar ah, ay ciidamada Israa’iil weerareen qaybta milatariga ee Xamaas oo ku taalla bartamaha magaalada Gaza, una dhow cisbitaalka Al-Shifa.

  16. Waa qoloma Naadiya, Su’aasha ugu badan ee ay Soomaalida maanta isweydinayaan?

  17. Wasaaradda Caafimaadka Falastiin:10 qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay Daanta Galbeed

    Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhalatay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Jenin iyo xerada qaxootiga ee Daanta Galbeed ee la haysto ay kor u kacday 8 ilaa 10.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay howlgalo ka dhan ah waxa ay ugu yereen argagixiso ka wadaan Jenin iyo meelo kale oo ka tirsan Daanta Galbeed, iyaga oo intaa ku daray in ay burburiyeen oo ay la wareegeen hub.

    Toddobaadkii hore, ciidamada Israa'iil waxay sheegeen in ciidamadoodu "ay ka wadaan hawlgallo ka dhan ah Xamaas".

    Ugu yaraan 176 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo markii uu dagaalka billowday 7-dii Oktoobar, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

  18. Shan qof oo Falastiini ah oo lagu dilay daantaa galbeed ee la haysto

    Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Falastiin ayaa sheegtay in shan qof oo Falastiiniyiin ah la dilay, lix kalena lagu dhaawacay weerar ay ciidammada Israa’iil ku qaadeen xerada Jenin ee daanta galbeed ee la haysto.

    Ciidamada ayaan weli ka hadlin dhacdadan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada milateriga ay duqeyn diyaaradeed ku qaadeen koox looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxo mintidiin ah.

    In ka badan boqol iyo lixdan falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ciidammada Israa’iil ku dileen daanta galbeed tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil bishii Oktoobar ee toddobaad.

  19. Sida qoyskiisu u waayeen nin ganasade ah oo in la afduubtay ay u maleynayaan

  20. War deg deg ah, Xaaalad adag oo laga soo sheegayo degmada Buurdhuubo

    Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegayaa degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, kaddib markii daaddad soo rogmaday iyo fatahaadda webiga Juba ay qaadeen dhammaan xaafaddaha ay degmadu ka kooban tahay. Xalay oo u dambeysayna bakhaarradii ganacsiga ayay biyo galeen. Boqollaal qoys oo ka qaxay magaalada ayaa isugu tagay dhulka taagga ah iyo buurraha, waxana haysta xaalad nololeed oo aad u daran.

    Xaafad kamid ah kuwa magaalada oo muddaba go’doon ahayd ayaan war loo hayn xaaladda dad kii halkaas ku noolaa.

    Buundada magaalada ayaa iyana la sheegay in ay biyhu ka sare mareen.