You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dagaal xooggan oo ka qarxay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya

    Waxaa lagu soo waramayaa inuu socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo malayshiyaadka deegaanka ee kusugan gobolka Amxaarada.

    Dagaalamaayaasha kooxda Fano ayaa sheegay in ay ka hortageen weeraro ay soo qaadayeen ciidamada dowladda ayna qabsadeen magaalooyin.

  2. Daawo: Sida diyaaradaha Israa'iil ay xalay duqeyn ugu burburiyeen Qasa

    Qasa xalay waxay u ahayd mid ka mid ah habeennada ugu daran oo diyaaradaha Israa'iil ayaa si ba'an u duqeyay, waxaana sawirradaan ay muujinayaan xajmiga duqeynta iyo saameynta ka dhalatay.

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeyntaan oo waliba ay sii xoojinayaan iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay sare u sii kacday oo gaartay ku dhawaad toban kun oo qof.

  3. Laba dal oo ku kala aragti duwan Xamaas waxa ay tahay oo xaalka Qasa ka wada hadlaya

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana safarkiisaani uu qayb ka yahay socdaal ku saabsan arrimo diblumaasiyadeed oo gobolka bariga dhexe uu ku marayo.

    Blinken ayaa hore kulamo ula soo qaatay hoggaamiyaal iyo wasiirro ku sugan Israa’iil, daanta galbeed, Jorden iyo Ciraaq.

    Magaalada Ankara ayuu hadda kulan albaabadu u xiranyihiin kula leeyahay Blinken dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan.

    Turkigu waxaa uu Xamaas u aqoonsanyahay urur xorriyad doon ah waxaana madaxweyne Erdogan uu sheegay in xalku ku jiro laba dowladood oo Falastiin iyo Israa’iil ah, halka Mareykanku uu garab siiyay Israa'iil isla markaana ku tilmaamay Xamaas koox dhibka oo dhan iyadu mas'uul ka ah.

  4. Khasaare ka dhashay daadad ku rogmaday Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah ay halka ka da’een saacaidihii la soo dhaafay kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay dadka gaarahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee duleedka magaalada.

    Inkastoon tiro dhabta ah ee khasaaraha roobabka ka dhashay aan la xaqiijin, haddana waxaa lagu soo waramayaa in lix ruux oo ay carruur ku jiraan ay ku dhinteen daadadka iyo biyaha ku soo rogmaday xeryaha iyo guudahaan magaalada.

    Qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho, burbur iyo barakac.

  5. Miltariga Israa'iil': "Waxaan Xamaas ka qabsanay godad iyo goobo kale"

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay “la wareegeen xalay fariíssimo ay Xamaas ku leeyihiin Qasa,”.

    Hadalkaan ayaa lagu sheegay qoraal ciidamadu ku baahiyeen barta X, oo horey loo dhihi jiray Twitter.

    Goobaha ay sheegteen in ciidamada Israa’iil ay Xamaas kala wareegeen waxaa ka mid ah xarumaha lagu tababaro hawl-wadeennada Xamaas iyo godad ay adeegsadaan.

    “Waxaan ku dilnay howgalka tiro ka mid ah argagixisad”, ayaa lagu yiri qoraalka milatariga Israa’iil.

    Miltariga Israa’iil ayaa sheegay sidoo kale in diyaaradahoodu ay weerar ku qaadeen "ilaa 450 bartilmaameed... oo ay ku jiraan xeryo ciidan, goobo indho-indhayn loogu tala galay, saldhigyada taangiyada" iyo kuwo kale.

    Axaddii, Israa’iil waxay sheegtay inay “ku hareeraysan tahay” magaalada Qasa, iyadoo duqeymuhu ay sii socdaan.

  6. Hay'adaha Qaramada Midoobay oo qaylo dhaan ka soo saaray xaaladda cakiran ee Qasa

    Madaxda dhammaan hay’adaha waaweyn ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku baaqayaan “xabad joojin degdeg ah oo bini’aadantinimo” iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay arrintaan ah in xabadda la joojiyo.

    “Ku dhawaad hal bil, dunidu waxa ay isha ku haysay xaaladda ka soo cusboonaatay Israa’iil iyo dhulka falastiiniyiinta ee la haysto iyaga oo argagax ka muujinaya tirada is-daba jooga ah ee ku dhintay colaadda,” ayay ku yiraahdeen madaxda Qaramada Midoobay qoraalka ay soo saareen.

    Madaxda hay'adaha ay ka mid yihiin UNICEF, WHO, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP - iyo sidoo kale hay'adaha samafalka sida Save the Children - ayaa ku tilmaamay "wax aad looga naxo" khasaaraha nafeed ee soo kala gaaray labada dhinac, waxayna dalbadeen in si shuruud la'aan ah lagu sii daayo la haystayaashii ay Xamaas afduubatay tan iyo 7-da bishii Oktoobar.

    Warkan qaylo-dhaanta ah ayaa intaa ku daraya in dad badan oo rayid ah lagu dilay Qasa, taasi oo hay’adahu ku sheegeen in ay tahay wax aad looga xumaado, sidoo kale waxaa laga jaray 2.2 milyan oo Falastiiniyiin ah cunto, biyo, daawo, koronto iyo shidaal.".

  7. Gantaallo Xamaas ku ridday dhanka Israa'iil oo argagax ku abuuray malaayiin Israa'iiliyiin ah

    Iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku hayso Marinka Qaza, ayaa militariga Israa’iil waxa ay sheegeen in hawada sare ee bartamaha dhulka Israa’iil laga maqlay codka gantaallada laga soo ganay dhanka Qasa.

    "Malaayiin Israa'iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka," ayaa lagu yiro qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo oran jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga Israa'iil.

    Milatariga Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in 8,000 oo gantaal lagu soo riday Israa'iil tan iyo 7-dii Oktoobar.

  8. Israa'iil oo sheegtay in laba qaybood u kala gooysay Qasa iyo Xamaas oo ka hadashay inta dhimashadu gaartay

    Israa’iil ayaa sheegtay in ay bilowday duqeyn ay ku qaadday waqooyiga Qasa, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in dhawaqa qaraxyo xooggan laga maqlayo aagagga ay milatariga Israa’iil weerareen.

    Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in magaalada Qasa ay “hareereeyeen” isla markaana ay laba u gala gooyeen.

    Waxay intaas ku dareen in ciidamadu kaabiga ku hayaan xeebaha dhulka Falastiiniyiinta.

    Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan weerarada iyo howgallada dhulka ah ee Marinka Qasa iyo aaggaga ku dhow oo dhan.

    Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay mamausho ayaa sheegtay in dhimashada Falastiiniyiinta ay hadda gaaraysoku dhawaad10,000 oo qof.