You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Warmurtiyeedka kasoo baxay shirkii madaxda Carabta iyo Islaamka ee ka socday Riyaad
Waxaa lasoo gabagabeeyay shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka uga socday Sucuudiga, sidan ayuu u qornaa war murtiyeedka kasoo baxay:
“Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, kaasoo looga hadlayo gardarrada Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin.
Shirkan ayaa waxaa furay Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda iyo wufuud ka socota dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Jaamacadda Carabta.
Khudbad uu ka jeediyay Shir-madaxeedka, Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, H.E. Mudane Hussein Brahim Taha, ayaa si kal iyo laab ah ugu mahad-naqay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu horkacayo ilaaliyaha labada Masjid ee Barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Ra’iisul Wasaaraha, Amiir Maxamed. bin Salman Al Sacud, ku casumaad qabashada shir madaxeedkan aan caadiga ahayn, soo dhawaynta deeqsinimada leh, iyo dhammaan qabanqaabada loo sameeyay si loo xaqiijiyo guusha shirwaynaha.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in shir madaxeedkan Carabta iyo Islaamka uu u yimid si aan u xaqiijino garab-istaaga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee shacabka reer Falastiin, iyo sida ay nooga go’an tahay mas’uuliyadayada ah taageeridda qaddiyaddayada dhexe, Qadiyadda Falastiin iyo Al-Qudus Al-Shariif.
Xoghayaha Guud wuxuu ku baaqay in si degdeg ah, waarta, oo dhamaystiran loo joojiyo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta, furitaanka waddooyinka bani'aadamnimada si loo gaarsiiyo gargaarka iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee Marinka Qaza si ku filan oo waarta; iyo bixinta ilaalinta caalamiga ah ee dadka reer Falastiin. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu si buuxda u diiday qorshayaasha lagu barakicinayo falastiiniyiinta, taas oo muujinaysa in si cadaalad ah, waarta, oo xal buuxa loo helo Qadiyadda Falastiin ay u baahan tahay in la dhiso Dawlad madax-bannaan oo Falastiin ah oo ku taal xuduuddii Juun 4 1967, oo ay Al qudus ku jirto una tahay caasimad, kuna salaysan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo Hindisaha Nabadda Carabta.”
War deg deg ah, Shir madaxeedkii Carabta iyo Islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyaad, waxaana lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xabad joojin degdeg ah la sameeyo, in gargaar la keeno Gaza, la jebiyo go’doominta marinka, waxaana loogu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada in ay baarto xadgudubyada Israa’iil.
Qiyaastii 300,000 ayaa ka qayb galaya dibad baxa lagu taageerayo Falastiiniyiinta ee London: Booliiska
Qiyaastii 300,000 oo qof ayaa socod ku maray London, afhayeen u hadlay booliiska oo aan la magacaabin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, iyadoo taageerayaasha Falastiiniyiintu ay sameeyeen baaqii ugu dambeeyay ee xabbad-joojinta Qaza.
Kuwa wadada marayey waxaa ka mid ahaa mudaaharaadayaal garabka midig ah oo kasoo hor jeeday dibad baxan Falastiiniyiinta kuwaas oo la dagaalamay ciidamada booliska.
Duqa magaalada London Sadiq Khan iyo wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf ayaa ku eedeeyay wasiir Suella Braverman inay dhiirigelisay xisbiga midigta fog ka dib markii ay booliska ku eedaysay horaantii usbuuca inay u xaglinayaan "kooxaha Falastiiniyiinta taageersan".
"Muqaallada qalalaasaha ee aan ku aragnay midigta fog ee Cenotaph waa natiijada tooska ah ee erayada Xoghayaha Arrimaha Gudaha," Khan ayaa ku yiri baraha bulshada.
Braverman waxa ay la kulantay dhaleecayn ka dib markii ay ku tilmaamtay mudaaharaadayaasha Falastiiniyiinta lagu taageerayo inay yihiin "mudaaharaad nacayb".
Xamaas maxay ka tidhi shir madaxeedka Carabta iyo Islaamka ee ka Socda Sucuudiga
Isagoo ku sugan Beyruut, afhayeenka Xamaas, Osama Hamdan oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa ka hadlay shir madaxeedka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee ka dhacay magaalada Riyaad.
Waxa uu sheegay in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiintu ay xoogga saaraan.
"Marka hore, in la joojiyo weerarrada Israa’iil iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta," ayuu yidhi, isagoo ugu baaqay dalalku inay xiriirka u jaraan Israa'iil.
"Qodobka labaad waa in la diro gargaar bani'aadamnimo iyo caafimaad iyo shidaal," ayuu yidhi. Midda saddexaad, oo ah mid aad muhiim u ah, waa in lagu wada hadlo hal cod oo ah in qadiyadda Falastiin lagu xalliyo iyada oo lagu salaynayo xuquuqda Falastiiniyiinta, oo aan lagu salayn dan cid kale," ayuu Xamdaan ku daray.
"Hannaan-socodka nabadda ee soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu dhisay baahida Israa'iil - taasina waa sababta fashilka."
Lubnaan oo sheegatay in badhtamaha dalkeeda laga geystay duqeyn
Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa'iil leedahay ay duqeysay baabuur marayay meel 50km (30 mayl) u jirta xadka Lubnaan iyo Israa'iil - waa weerarkii ugu tiirada dheeraa ee ay Israa'iil ka geysato gudaha Lubnaan isku dhacyadii xudduudaha ee ka dhashay dagaalka Israa'iil iyo Xamaas kadib.
Warbixintu waxa ay sheegtay in "Gaadhi Xamuul ah oo Moos siday" lagu duqeeyay deegaanka Zahrani ee xeebta Lubnaan, iyadoo aan wax khasaare la sheegin.
Saacado ka dib, milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalku ay duqeeyeen "tiro ka mid ah goobaha kaabayaasha argagixisada" oo ay isticmaalaan kooxda Xisbullah ee Lubnaan, "oo barbar socda weerarro madaafiic ah". Ilaa hadda ma cadda in weerarradan ay xiriir la leeyihiin mid ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan.
Maxay gabdhaha Kenya u raadsadaan macallimiin bara shukaansiga?
Waxbarashada dhanka haasaawaha way sii kordheysaa sanad kasta, waxaana sabab u ah in ay bateen dumarka raadinaya in ay helaan rag ay nolosha la wadaagaan.
Macallimiinta dumarka bara shukaansiga waxay inta badan ballan qaadaan in macaamiishooda ay heli doonaan niman, iyadoo aysan jirin cid dammaanad qaad u sameyn karta arrintaas - balse mararka qaar waxay u muuqataa inay ku guuleystaan farxad siinta iskaabulada.
"Waxaan rabaa inaan idiin sheego qaar ka mid ah khaladaadka aad sameysaan," ayuu yiri Robert Burale oo taagan masraxa, iyadoo uu dhawaaqayo muusig uu halkaas ka garaacayo DJ.
"Diyaar ma u tihiin arrintaas?" ayuu weydiinayaa dadka ku sugan hoolka...sii akhri
Madaxweynaha faransiiska: "Wax qiil ah looma hayo" duweymaha ay Israa'iil ku hayso Falastiiniyiinta
Israa’iil waa in ay joojisaa dilka dhallaanka iyo haweenka Qaza, ayuu yiri madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da.
Isaga oo ka socda qasriga Elysee ee Paris, Macron waxa uu sheegay in aysan jirin “wax qiil ah” oo ku aadan duqeymaha ka dhacaya dhulka Falastiin, marka laga soo tago in la xaqiijiyo in xabbad joojin ay faa’iido u leedahay Israa’iil.
Isaga oo aqoonsanaya xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay is difaacdo, waxa uu yidhi, “waxa aanu ku boorinaynaa in ay joojiyaan duqeynta” ay ka wadaan Qaza.
Macron waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Faransiisku "si cad u cambaareynayo" falalka "argagixisada" ee Xamaas.
Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee kasoo yeera hogaamiyeyaasha ree galbeedka oo shuruud la'aan ku taageerayey Israa'iil dagaalka ay kula jirto Xamaas balse ay ku dhinteen dadka badan ee rayidka ah.
Dalal uu Faransiisku ka mid yahay ayaa Xamaas u arka argagixiso.
Wax ka ogoow dhawr sababood oo guusha u sahashay Dr. CK oo uu shaaca ka qaaday
Hadal jeedintii Madaxweynaha Iiraan ee shirka madaxda Islaamka
Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa hadda soo gabagabeeyay khudbadii uu ka jeediyay shir madaxeedka Riyaad ee uu kaga hadlay dagaalka ka socda Qaza.
Waa tan hadal jeedintiisii oo kooban:
- Duqeymaha indho la’aanta ah ee ka dhanka ah Qaza waa in la joojiyo.
- Caalamka Islaamka oo dhan waa in la midoobaa, midnimadaas ayaan ku xallin karnaa dhibka jira.
- Maraykanku waxa uu Israa’iil ka taageerayaa Qaramada Midoobay waxana uu diiddan yahay go’aamo ka hortagaya dilka Falastiiniyiinta. Wuxuu u gogol xaaray in Israa’iil ay dad badan disho, in ay duqeyso iyo in ay duqeymo kale sii doonayso.
- Waxaan rajeynayaa dhamaadka shirmadaxeedkan in aan ka soo saarno go’aan faa’iido u leh shacabka Falastiin.
- Waxaan u baahanahay inaan taageerno iska caabinta, waxaana loo baahan yahay inaan dhunkano gacmaha iyo wejiga xubin kasta oo ka tirsan kooxaha iska caabinta ee Falastiin.
Hadalka adag ee Amiirka Qatar uu ka yiri shirka madaxda Islaamka ee Riyaad
Waxaan idinla wadaagi doonnaa hadllada mafdaxda Islaaka ee ku shirsan Qaza kuwooda ugu muhiimsan.
Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa beesha caalamka ku canaantay inay ka aamusan yihiin dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee reer Falastiin halka ay Israel u ogolaatay inay ku xad gudubto sharciga caalamiga ah.
"Waxa ka dhacaya Qaza waa khatar dhab ah oo heer kasta ah. Kuwani waa dhacdooyin aan horay loo arag. Sidee bay ku dhacday in duqaynta isbitaallada ay u noqdaan weerar caadi ah iyadoo lagu eedaynayo beenta ah in ay jiraan godad iyo qalab ciidan oo hoosta isbitaalada?” ayuu yiri Amiirka oo ka hadlayay shirka Riyaad.
“Indhaha ayaa in barafoobay, qalbiguna wuu I jabay inay arkaan dhammaan xadgudubyadan. Waxaasoo dhan waa wax aan horay loo arag,” ayuu sii raaciyay.
"Dad badan iyo dawlado badan oo adduunka ah oo horay casharro uga jeediyay baahida loo qabo in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah iyo qiyamka bini'aadamka ayaa ka aamusan dhammaan xad-gudubyadaas.
"Beesha caalamka ayaa ka damqan la’ waxa hortooda ka dhacaya. Yaa malaysan karay in isbitaallada si cad loo duqeeyo qarniga 20-aad? ayuu yiri.
Wararkii u dambeeyay iyo hadallada hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta ee Sucuudiga ku kulansan
Dhowr hogaamiye ayaa hadda ka hadlay shirka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka OIC ee ka dhacaya caasimadda Sacuudiga.
Hoos waxaan kosoo koobaynaa wixii illaa hadda la sheegay:
- Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in "siyaasadaha ciqaabta wadajirka ah" ee Qaza ay yihiin wax aan la aqbali karin oo "aan lagu qeexi karin is-difaac ama sheegashooyinka kale".
- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay tahay in la qabto shir caalami ah oo nabadeed si xal waara loo gaaro oo u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.
- Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ku cadaadiyo Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza. Wuxuu sheegay in Falastiiniyiinta ay wajahayaan "dagaal xasuuq ah oo aan la qiyaasi karin".
- Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgallada militari, lana sii daayo maxaabiista.
Hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo shir degdeg ah ka yeelanaya Qaza
Hogaamiyayaasha wadamada Carabta iyo kuwa Muslimka ah ayaa maanta ku shiraya magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga si ay isugu dayaan inay soo bandhigaan baaq mideysan oo ku aadan joojinta dagaalka Qaza.
Waxaa loo dallacay sidii "kulan degdeg ah" - oo la isku daray laba dhacdo oo asal ahaan kala duwan, shirkii Jaamacadda Carabta ee Sabtida iyo kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Axadda.
Balse hadal uu soo saaray mid ka mid ah kooxaha ka dagaalama Qaza, ee Falastiiniyiinta Islamic Jihad, ayaa ku jeesjeesay shir madaxeedka, iyagoo su’aal ka keenay sida loogu yeeri karo xaalad degdeg ah 35 maalmood oo uu dagaalku socday kadib. Waxay sheegtay inay filaysay wax yar oo aan ereyo ka ahayn.
Tallaabo naadir ah, Madaxweynaha Iran Raisi ayaa ka qeyb galaya shirka ka dib isku soo dhawaanshihii bishii Maarso ee u dhaxeeyay dalkiisa iyo Sacuudi Carabiya: laba dal oo dano iska soo horjeeda ka leh gobolkan.
Markii uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ee Tehran ayuu sheegay in waqtigii hadalku dhammaaday, haatanna la joogo xilligii ficilka.
Muxuu shalay Qaza ka yiri Madaxweynaha Jabuuti shirkii Riyaad?
Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay xalaada Qaza isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda afrika iyo Sacudi Carabiya.
Madaxweyne geele ayaa yiri: “maarinka Qaza waxa ka jirta xaalaad adag oo ay wajaahayaan dadka reer Falastiin, in ka badan 2.5 milyaan oo qof ayaa lagu qaasbay in laga baara kiciyo dhulkoodi iyo guryahoodii kadib marki loo adeegsaday weraaro dhanka cirka ah oo aan loo meel dayin”.
Madaxweyne geelle ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqdii dadka reer Falastiin “sido kale waxaa meel looga dhacay haquuqda bili'adaantinimada, waxaa laga jaray dadka shacabka ah cuntaadi iyo biyihi iyo dawoyinka sido kale waxa la gooyay isgaarsintii iyo dhamaan adeegyadi muhiimka ahaa” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Afrika ahaan ay masuuliyad gooni ahi ka saaran tahay dadka reer Falastiin, isaga oo ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay in jawaab adag alag bixiyo arrinkan.
Daawo: Falka haweenaydani ku doonaysay cunto bilaash ah oo caro dhaliyey
Tom Croft, oo ah milkiilaha maqaayad ku taal Lancashire, ayaa BBC-da la hadlay ka dib markii uu ogaaday in mid ka mid ah macmiisha, oo loo soo celiyay qarashkii cuntadooda laga arkay kaamirada CCTV iyada oo tinteeda ku ridaysa cuntadii ay cunaysay oo ay wax yar kasoo reebtay.
Waxa uu sheegay in haweenayda la hadal hayo ay wax ka cuntay xarunta Observatory ee Blackburn ka hor inta aysan "buuq ka dhex furin" shaqaalaha.
Mr Croft ayaa daaha ka qaaday inuu ogaaday khiyaanada cuntada ee lagu eedeeyay ka dib markii uu dib u eegay muuqaalka si uu u hubiyo in maqaayaddu ay wax qalad ah samaysay.
Dhakhaatiirta qaliinka ee Al-Shifa ayaa sheegay in qaybta daryeelka degdega ah la duqeeyay
Saacadii u dambaysay, tafatirahayaga caalamiga ah Jeremy Bowen - oo hadda ku sugan Israa'iil - waxa uu helay qoraal cod ah oo ka yimid Marwan Abu Saada, oo ah dhakhtar qalliin oo hadda ku sugan isbitaalka Al-Shifa.
Saada ayaa sheegtay in qaybta ugu weyn ee daryeelka degdega ah (ICU) la duqeeyay, dhawaqa toogashada iyo duqayntana ay la maqlayay "ilbiriqsi kasta".
Maxaad ka taqaanaa maalinta doobabka?
Maalinta Singles's' waa fasax ay u dabaaldegaan dadka aan guursan ee Shiinaha Noofambar 11. Fikradda waxay ka timid Jaamacadda Nanjing ee Shiinaha 1993-kii oo ah nooc la mid ah Maalinta Jacaylka. Maalinta doobka ayaa tan iyo markaas ku fiday meelo kala duwan oo caalamka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya 'Waa in laga shaqeeyaa xalka labo-wadan sidii loo gaari lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan'
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka hadlay fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Falastiin iyo joojinta duqeymaha ka socoda Qasa.
“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah xaban joojin loo sameeyo, iyo imaatinka gargaar bini'aadanimo si loo caawiyo kuwo nugul. Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xalka labo-wadan sidii loo gaari lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Waa kuma ciyaaryahanka ay farta wadnaha kaga haysato Soomaaliya ee dhowaan wajahaya xulka qaranka?
Beljamka oo xiray laba tuhmanayaal midigta-fog ah oo looga shakiyay in dhib soo wadeen
Booliska la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ee dalka Belgium ayaa xabsiga dhigay labo nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda midigta-fog oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro bambaanooyin iyo rabshado.
Labadan qof oo kala ahaa nin iyo naag da'doodu ka yar tahay 20-sano jir, ayaa la soo qabtay ka dib markii Booliskii ay baaritaano xiriir ah ku qaadeen guryo ku yaalla Diepenbeek iyo Ostend, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Mid ka mid ah guryahaas waxaa ku jiray tiro badan oo ah xusuusta Nazi iyo calamo, ayay raaciyeen booliska.
Eedeymaha loo soo jeediyay labadan nin waxaa ka mid ah “in ay qorteen dad ujeedkoodu yahay in ay galaan dambiyo argagixiso”.