Maxay tahay arrinta ay Israa'iil ka dooneyso dadka Gaza ee ay halka saac ugu kordhiyeen?
Milateriga Israa’iil ayaa maanta hal saac ku kordhiyay dariiqa daad-gureynta dadka rayidka ah ee waqooyiga Qaza ilaa koonfurta, taasoo ay ugu wacan tahay waxa ay ugu yeereen “jawaab la taaban karo”.
Waddada ayaa markii hore waxa ay fureen muddo afar saac ah oo ay fureen militariga Israa’iil si ay ugu oggolaadaan dadka rayidka ah in ay ka qaxaan koonfurta.
Laakiin qoraal ay X soo dhigeen Cogat, oo ah qeyb ka tirsan Wasaaradda Difaaca Israel, ayaa sheegtay in IDF "ku kordhisay marinka daadgureynta saacad dheeri ah, ilaa 15:00 maanta, taas oo u oggolaanaysa in badan oo kale oo dadka Gaza ay ugu guuraan koonfurta si ay ammaankooda u ilaaliyaan"
Lama oga inta qof ee maanta isticmaashay wadadaas. Shalay, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in guud ahaan aheyd shalay dadkii isticmaaalay 15,000.