Bishii laga
joogo tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil, QM ayaa si isdaba joog ah u
cambaareysay rabshadaha arxan darada ah, waxayna dalbatay in la sii daayo la
haystayaasha. Maanta ayay mar kale ku celisay sidan.
Laakiin
saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ku jiro xoghayaha guud
ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale ka cadhooday Israa’iil
iyagoo ka digay dambiyada dagaal ee Qaza.
In dadka
rayidka ah laga joojiyo biyaha, cunnada, iyo korontada waa xad gudub sharciga
caalamiga ah, ayay tiri Qaramada Midoobay. Sidoo kale weerarrada isbitaallada -
xitaa haddii Israa'iil ay tuhunsan tahay in dagaalyahannada Xamaas ay ku
dhuumaaleysanayaan halkaas, waa sharci darro.
Qaramada
Midoobay waxay doonaysaa dhammaan dhinacyada, dagaalamaya inay raacaan sharciga
caalamiga ah. Laakiin waxa ugu badan ee ay hay’addeeda gargaarku ka hadlayso
hadda waa marinka Gaza, halkaas oo kumannaan rayid ah ay gaajo, haraad iyo hoy
la’aan yihiin – iyo halka WHO ay maanta sheegtay, in maalin kasta lagu dilo 160
carruur ah.
Laakiin
iyada oo qaar ka mid ah dublamaasiyiinta Israa’iil ay xitaa ku baaqeen in
Guterres uu is casilo, ma cadda in Qaramada Midoobay ay wax wada hadal macno
leh la leedahay xukuumadda Benjamin Netanyahu.
Sida aan
wararkeena hore ku sheegnay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay
Volker Turk ayaa booqasho shan maalmood ah ku jooga bariga dhexe. Laakiin
xafiiskiisa ayaa sheegaya oo kaliya in uu codsaday in uu booqdo Israa’iil iyo
Qasa – lama hubo in loo oggolaan doono inuu sidaas sameeyo.