"Hilib aan cunay ayaa sababay in 38 gooryaan laga helo maskaxdeyda"

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Nicola Bryan
- Role, BBC Wales
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Markii ugu horreysay ee Lowri Denman ay ogaatay in wax khaldan yihiin waxay ahayd markii ay si argagax leh u aragtay gooryaan dhererkiisu ku dhowaad hal mitir yahay markii ay musqusha gashay.
"Wuxuu u ekaa wax aad u karaahiyo badan, sida cajaladda Sellotape oo leh xariijimo yaryar," ayay tiri haweeneyda 42 jirka ah ee ka soo jeedda Carmarthen, UK.
Taasi waxay ahayd calaamaddii ugu horreysay ee cudurka neurocysticercosis, kaas oo ku reebay Lowri 38 dulin oo maskaxdeeda ku jiray, kuwaas oo sababay madax-xanuun aad u daran, suuxdin iyo waallida ku-meelgaarka ah.
Waxay ka mid tahay tiro aad u yar oo dadka ku nool Boqortooyada Midowday (UK) ah oo sannad kasta laga helo cudurkan maskaxda ku dhaca, kaas oo ay sababaan dirxiga ee doofaarka.
Ka dib sannado ay ku bixisay soo kabashada caafimaadkeeda, Lowri waxay doonaysaa inay waayo-aragnimadeedii adkayd u beddesho wax faa'iido leh, iyadoo kor u qaadaysa wacyiga bulshada ee ku saabsan cudurkan.

Lowri, oo ka shaqeysa warbaahinta, waxay safar saddex bilood ah ku tagtay Hindiya sannadkii 2007. Halkaas ayay dhakhtarkeeda, Dr Brendan Healy, oo ah la-taliye ku takhasusay cudurrada faafa iyo cilmiga jeermiska, wuxuu rumeysan yahay inay ka qaadday caabuqa.
Intii ay safarka ku jirtay, Lowri waxay go'aansatay inay ka fogaato cunista hilibka, iyadoo rajaynaysay inay sidaas uga badbaaddo sumowga cuntada. Si kastaba ha ahaatee, Dr Healy wuxuu aaminsan yahay inay si kama' ah u cuntay cunto ay ku jireen ukumo aad u yaryar oo ka yimid gooryaanka doofaarka.
Saddex sano ka dib, sannadkii 2010, ayay Lowri markii ugu horreysay aragtay gooryaanka, iyadoo ku jirtay musqusha maqaayad ay cunto ka cuneysay. Waxay markiiba ku shubtay musqusha oo biyo ayay raacisay.
Kadib waxay u tagtay dhakhtarka guud, balse baaritaannadii saxarada ayaa muujiyay natiijooyin caadi ah. Maaddaama ay sidoo kale dareemaysay caafimaad wanaagsan, nolosheedii waxay u sii socotay sidii caadiga ahayd.

Xigashada Sawirka, Lowri Denman
Sannad gudihiis, Lowri waxay billowday inay dareento madax-xanuun aad u daran.
Kadib, sannadkii 2011, waxaa ku dhacay suuxdintii ugu horreysay.
"Runtii waxaan bilaabay inaan ku dhibtoodo soo saarista erayada qaar," ayay tiri.
"Waxa xigay ee aan xusuusto waxay ahayd inaan miyirsaday anigoo saaran ambalaas, markaas ayaan is iri, 'Sidee tani ku dhacday? Maxaa sababay?'"

Xigashada Sawirka, Lowri Denman
Kadib waxaa xigay in isbitaalka la dhigo, waxaana lagu sameeyay baaritaanka raajada CT iyo MRI. Markii dambe waxaa loo sheegay inay timaaddo si loogu sheego natiijooyinka.
"Dhakhtarku wuu i fariisiyay, dabadeedna wuxuu yiri, 'Haye, waxaan eegnay baaritaannadaada, waxaana maskaxdaada ka helnay 38 dulin,'" ayay tiri Lowri.
"Aniga iyo hooyaday labadeennuba aad baan ula yaabnay, afkana waa naga kala qaadmay. Waxaan is weydiinaynay, 'Maxay tani tahay? Sidee bay suurtagal u tahay?'"
Markii hore, dhakhaatiirtu waxay u maleeyeen inay qabto toxoplasmosis, oo ah caabuq lagu kala qaado marka la taabto saxarada bisadaha cudurka qaba.

Xigashada Sawirka, Lowri Denma
Laakiin markaas hooyada Lowri ayaa weydiisay haddii suuxdintii ku dhacday ay xiriir la yeelan karto gooryaankii ay aragtay sannad ka hor.
Kadib baaritaanno dheeraad ah oo la sameeyay, ugu dambayn waxaa laga helay cudurka neurocysticercosis.
Sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), dadka waxay qaadi karaan caabuqan marka ay cunaan cunto sida hilib doofaar oo cayriin ah ama aan si fiican loo karin, marka ay cabaan biyo ay wasakheeyeen ukumaha gooryaanka, ama sabab la xiriirta nadaafad-xumo.
Cudurkan aad ayuu ugu yar yahay Boqortooyada Midowday (UK), waxaana kiisaska badankood lagu arkaa dadka ka soo guuray gobollada uu cudurkani ku badan yahay.

Xigashada Sawirka, Lowri Denman
"Markaas waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya su'aalo aad u badan, sababtoo ah ma ogid waxa caafimaadkaaga mustaqbalka ku sugaya," ayay tiri Lowri.
"Waxaan ka welwelsanaa waxa xiga, waxa aan la kulmi doono, daawooyinka aan qaadan doono, iyo haddii aan dib ugu laaban karo shaqadayda."
Waxay isbitaalka ku jirtay laba toddobaad, waxaana la siiyay dawooyin ka hortaga dulinnada iyo dawooyinka steroids.
Muddo, waxay u muuqatay in daaweyntu shaqeysay.
Waxay heshay dhowr sano oo caafimaad wanaagsan ah, intii lagu jirayna waxay walaasheed ula safartay New Zealand waxayna u guurtay Bristol.
Laakiin dabadeed waxay ku suuxday iyadoo ku jirta goobteedii shaqada.

Xigashada Sawirka, Lowri Denman
Baaritaannadii ayaa muujiyay in maskaxda Lowri ay ka jireen barar weyn oo ku wareegsanaa dulinnadii ku jiray.
Kadib markii ay ku suuxday shaqada, waxay billowday inay wareerto, sidoo kalena waxay dareentay kabuubyo iyo dareen mudmudasho oo jirkeeda ku dhacay.
Xaaladdaas awgeed, Lowri waxay ku qasbanaatay inay shaqada ka tagto, waxayna u guurtay guriga aabbaheed oo ku yaalla Carmarthen.
Waxaa la siiyay dawooyinka steroids, kuwaas oo beddelay muuqaalkeeda. Iyadoo nolosheedu sii koobmaysay oo ay awooddeedii yaraatay, waxay billowday inay niyad-jab dareento, ilaa ugu dambayn caafimaadkeedii dhimirku uu si weyn u xumaaday.
"Shakigii aan macquulka ahayn iyo waallidii ku-meelgaarka ahayd ayaa bilaabay inay igu dhacaan... Waxaa sidoo kale jiray welwel aad u daran iyo argagax ," ayay tiri Lowri, oo lix toddobaad ku qaadatay isbitaal ku takhasusay cudurrada maskaxda iyo neerfayaasha.
"Xaaladdaydu si weyn ayay uga sii dartay, waxaana galay hoos-u-dhac joogto ah," ayay dib u xasuusatay Lowri.
"Qoyskeygu aad bay uga argagaxeen sida ay xaaladdu uga sii dartay. Saaxiibbadayna way ii imanayeen, iyagoo igu arkayay xaalad aad u liidata."
Mid ka mid ah dadka soo booqday wuxuu ahaa Nicola Brown, oo ah saaxiibteed muddo 20 sano ah.
Maadaama aysan Lowri arag muddo bil ah, Nicola aad bay ula yaabtay sida caafdimaadkeedu uu si xun ugu sii xumaaday.

Xigashada Sawirka, Nicola Brown
"Markii aan qolka galay, waxay u dhaqmaysay sidii ilmo yar," ayay dib u xasuusatay Nicola.
"Waxay ku gurguuranaysay sagxadda, waxay isku qarinaysay daah gadaashiisa, waxayna ku fadhiday dhabta aabbaheed sidii iyadoo shan jir ah."
Nicola waxay sheegtay in markii ay booqashadu dhammaatay, Lowri ay ku qaylisay erayo aflagaaddo ah oo ay ku tiri, "Mar dambe ha ii soo noqon."
Muddo ka dib, Lowri waxay u dirtay Nicola farriin qoraal ah.
"Farriintaasi asal ahaan waxay oranaysay, 'Aad baad ugu mahadsan tahay inaad i soo booqatay. Caawa waxaad igu arki doontaa wararka. Booliiska ayaa i raadinaya.'"
Nicola waxay sheegtay in xilligaas uu ahaa waqti aad u cabsi badan oo aan la hubin waxa dhici doona.
"Waxaan xusuustaa inaan is iri, 'Ma tani baa hadda noqotay Lowri? Ma dib ayaan u arki doonnaa Lowri-dii aan naqaannay?'"

Soo kabashada caafimaadkeeda oo buuxda waxay ahayd safar dheer oo adag tan iyo markaas.
Markii ay ka soo baxday isbitaalka, Lowri weli waxay ku jirtay xaalad aad u liidata, sidaas darteedna waxay mar kale u guurtay guriga aabbaheed.
"Ma aanan dareemayn inaan anigii ahay, muuqaal ahaanna xitaa iskuma aanan ekaan. Mana aanan rabin inaan dibadda u baxo," ayay tiri.
Intaa ka dib, Lowri waxay Carmarthen ku dhammaysatay koorso aasaasi ah oo farshaxanka. Markii la gaaray sannadkii 2018-na, waxay dareentay inay caafimaad ahaan ku filan tahay inay dib ugu laabato Cardiff, halkaas oo ay ku baratay shahaadada naqshadaynta gudaha.
Ugu dambayn, waxay dib ugu noqotay shaqada sannadkii 2022.

La-taliyaha caafimaadka ee Lowri, Dr Healy, ayaa sheegay in kiiskeedu uu ahaa mid uu hal mar oo keliya ku arkay xirfaddiisa oo dhan.
"Waa kiiska keliya ee noocan ah ee aan arkay sannado badan oo aan ku jiray shaqadan," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in kiiska Lowri ay ka doodeen khubaro badan oo hormuud ka ah cudurrada faafa oo ku sugan Boqortooyada Midowday (UK) iyo Maraykanka (US).
"Ma filayo inaan mar kale arko kiis la mid ah inta ka dhiman xirfaddayda. Xitaa waxaa jira la-taliyeyaal badan oo ku takhasusay cudurrada faafa oo dalka oo dhan ka shaqeeya kuwaas oo aan waligood arki doonin kiis sidan oo kale ah. Sidaas ayuu cudurkani u yahay mid aad iyo aad u naadir ah," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Lowri Denman
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanado badan oo ay la daalaa dhacaysay dhibaatooyin caafimaad, dulinnadii ku jiray maskaxda Lowri ayaa hadda noqday kuwo adkaaday.
"Wax qalliin ah layguma samayn si looga saaro maskaxdayda," ayay tiri. "Sida ay dhakhaatiirtu ii sheegeen, way iska dhintaan dabadeedna way calcified noqdaan. Hadda waxay marayaan heerkaas."
Dr Healy ayaa sheegay in Lowri la siiyay daaweyn lagu baabi'iyay dhammaan ukumaha dulinka, isla markaana uu ku faraxsan yahay in ay hadda si wanaagsan uga soo gudubtay cudurka.
Lowri suuxdin kuma dhicin tan iyo sannadkii 2017, hase yeeshee waxay sii wadi doontaa qaadashada daawada suuxdinta inta ka dhiman nolosheeda.
Lowri, oo hadda ku nool Cardiff, ayaa sheegtay inay go'aansatay in dhibaatadii ay soo martay ay ka dhalato wax wanaagsan.
"Waxaan hadda doonayaa inaan horumar ka sameeyo noloshayda, inaan dadka ku wacyigeliyo cudurkan, isla markaana aan waayo-aragnimadaydii u beddelo wax faa'iido leh," ayay tiri.
"Qofna ma oga waxa berri ama mustaqbalka dhow ku sugaya... Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noolahay, caafimaad qabo, oo aan mar kale xoog iyo firfircooni yeeshay. Mana qaato arrintaas inay tahay wax iska caadi ah."














