Tababarayaasha iscasilay ama laga eryay Koobka Adduunka 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda kubbadda cagta adduunka horay looma arag tababarayaal sida sanadkan oo kale si lama filaan ah xulalkooda uga tagay intii lagu jiray Koobka Adduunka.
Koobka Adduunka oo afartii sanaba mar la qabto, waxa uu soo jiitaa malaayiin taageerayaal ah oo la socda kooxahooda ay jecel yihiin. Tababare kasta waxa uu xoogga saaraa sida uu xulkiisa uga sare marin lahaa kooxaha kale ee dhiggiisa ah.
Caqabadda tababarayaasha waxa ay ka bilaabataa xilliga isreebreebka. Waa xilliga ay cadaadis iyo mas'uuliyad weyn dareemaan, iyagoo isku diyaarinaya in ay xulkooda gaarsiiyaan guusha weyn ee kubadda cagta adduunka.
Marka ay gaaraan Koobka Adduunka, caqabaduhu way sii kordhaan. Tababare kasta waxa uu ku dadaalaa in uu kooxdiisa gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee tartanka.
Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa si cad u kala saaray tababarayaasha guuleystay iyo kuwa guul-darreystay. Natiijadaas awgeed, toddoba tababare oo ka mid ahaa 48-dii xul ee tartanka ku bilaabay ayaa bilowgii oo keliya shaqada ka tagay. Qaar baa is casilay, qaar kalena shaqada ayaa laga eryay, kadib markii ay ku fashilmeen in ay gaaraan yoolkii loo qoondeeyay.
Tababarayaashan qaarkood sanado badan ayay xulkooda soo dhisayeen. Laakiin sida taariikhdu muujisay, Koobka Adduunka waxa uu eegaa natiijada oo keliya, ee ma eego dadaalka la bixiyay.
1. Sabri Lamouchi - Tunisia: Tababaraha ugu horreeyay ee shaqada laga eryo
Tababaraha Tunisia, Sabri Lamouchi, ayaa noqday tababarihii ugu horreeyay ee shaqada ka waaya tartanka. Waxaa loo magacaabay 14-kii Jannaayo, 2026, ka dib markii Xiriirka Kubadda Cagta Tunisia uu kala diray Sami Trabelsi. Waxaana lala saxeexday heshiis 2 sano iyo badh ah.
Laakiin wax walba way is beddeleen markii ay la gaadhay ciyaartii kooxda. Sweden ayaa Tunisia 5-1 ku garaacday. Natiijadaasi waxay gilgishay taageerayaasha iyo mas'uuliyiinta xulka.
Maalintii xigtay, 16-kii Juun 2026, shaqada ayaa laga eryay. Inkastoo uu heshiis dheer lahaa, fursad labaad lama siin. Hal ciyaar oo keliya ayaa ku filnaatay in xilka laga qaado.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in go'aankan uu ahaa kii ugu adkaa ee la qaado, maadaama uusan helin fursad uu khaladkiisa ku saxo.
2. Steve Clarke - Scotland
Steve Clarke wuxuu xilka tababarenimada Scotland la wareegay 20-kii May, 2019, ka dib markii uu si weyn ugu iftiimay kooxdiisi hore ee Kilmarnock. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu Scotland dib ugu soo celiyo safka dalalka waaweyn ee Yurub.
Muddo 7 sano ah, wuxuu shaqo weyn ka qabtayb kooxda. Wuxuu ku guuleystay inuu Scotland dib ugu soo celiyo Koobka Adduunka ka dib maqnaansho dheer.
Laakiin 2026, xulku kuma uusan gudbin wareegga 32-da. Hal ciyaar ayuu ku guuleystay, waxaana laga adkaaday Morocco iyo Brazil. Markii ay cadatay inuusan wareegga labaad gaari karin, Clarke wuxuu is casilay 28-kii Juun, 2026.
Qaar ayaa sheegaya in is-casilistiisa aysan guul-darro buuxda ahayn. Haddii la eego xaaladdii uu Scotland ku helay iyo heerkii uu gaarsiiyay, wuxuu ka tagay taariikh wanaagsan. Dhibaatadu waxay tahay in Koobka Adduunka uusan aqbalin waxqabadka 6-da sano ee hore, ee uu rabo natiijo degdeg ah waqti gaaban gudaheed.
3. Hong Myung-bo - Kuuriyada Koonfureed
Hong Myung-bo wuxuu noqday tababaraha Kuuriyada Koonfureed 8-dii Luulyo, 2024, isagoo bedelay tababarihii hore ee Jurgen Klinsmann. Waxaa loo arkayey inuu yahay qofka ugu habboon, sababtoo ah wuxuu ahaa kabtankii Kuuriyada gaarsiiyay semi-finalka 2002.
Waxaa loo dhiibay xul ay ku jiraan xiddigo xulka ka gaadhay heer sare sida Son Heung-min iyo Kim Min-jae. Yoolku wuxuu ahaa inuu ugu yaraan gaaro rubuc-dhammaadka.
Laakiin qorshuhu ma shaqeyn. Xulku wuxuu ka adkaaday oo ka guuleystay Czech, laakiin waxaa garaacay Mexico iyo Koonfur Afrika. Markii la xaqiijiyay inuusan xitaa wareegga labaad gaari Karin, Hong wuxuu is casilay 29-kii Juun, 2026.
Wuxuu mas'uuliyadda oo dhan qaaday, taas oo ah calaamad hoggaamineed. Laakiin su'aashu waxay tahay: Miyay dhibaatadu ahayd Hong oo keliya, mise waxay ka timid nidaamka guud ee kubadda cagta Kuuriyada?
4. Miroslav Koubek - Jamhuuriyadda Czech
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
19-kii Diseembar, 2025, Jamhuuriyadda Czech waxay xilka u dhiibatay Miroslav Koubek oo 74 jir ahaa. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu xulka badbaadiyo ka dib markii laga eryay Ivan Hasek.
Da'diisa inkastoo ay weyneyd, wuxuu qabtay wixii laga rabay isreebreebka. Wuxuu ka caawiyay Czech inay gaarto Koobka Adduunka ka dib muddo dheer oo ay ka maqnayd.
Laakiin tartanka laftiisa ee ka socday Mareykanka, Kanada iyo Mexico, Czech ma guuleysan hal ciyaar 3-dii ciyaarood ee kooxaha. Hal dhibic ayay heleen oo keliya. Sidaas darteed, Koubek wuxuu is casilay 29-kii Juun, 2026.
Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan inuu qaatay xil ka weyn awooddiisa. Waa run in gaarsiinta Koobka Adduunka ay adag tahay, wuxuuna Czech u keenay goobta tartanka. Laakiin guul-darrada 3 ciyaarood gudahood ayaa sababtay inuu xilka isaga tago.
Koobka Adduunka 2026 wuxuu mar kale xaqiijiyay hal xaqiiqo; Tartankan ma ogola cudur la isku daaranaayo. Wuxuu ku qiyaasaa tababarayaasha natiijada, ee ma aha taariikhda ama dadaalka. Taasi ayaa sababtay in 7 tababare oo muhiim ah ay si degdeg ah u waayaan kursigoodii.














