You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sheekada gabadhii u danbaysey ee lagu daldalo Wales
Leslie James, oo ay u badan tahay in magaceeda dhabta ahi ahaa Rhoda Willis, ayaa 14-kii Agoosto 1907 lagu daldalay xabsiga Cardiff. Waxay ahayd haweeneydii ugu dambeysay ee Wales u dhalatay ee lagu fuliyo dil daldalaad ah.
James waxaa lagu helay inmay dishay ilmo hal maalin jiray oo lagu magacaabi jiray Treasure, kaas oo hooyadii Maud Treasure ay u dhiibtay James si ay u daryeesho.
Booliiska iyo saxaafaddu waxay arrinta ku tilmaameen "baby farming", oo ahay hab xilligaas lagu shaqaysan jiray ama lacag lagu bixin jiray in carruur aan waalidkoodu rabin ama awoodin in ay koriyaan, cid kale u koriso.
Dacwad-oogayaashu waxay ku doodeen in James si ula kac ah ilmaha u dishay iyada neefta ku dhajisay xilli ay sii saarnayd tareen ay Cardiff ugu laabanaysay. Waxa ay sida oo kale sheegeen inay hore sidan ugu samaysay laba carruur ah oo kale.
Si kastaba, qoraa Mary Jones, oo buug ka qortay kiiskan, ayaa sheegtay in dacwaddii lagu qaaday ay lahayd khaladaad waaweyn. Sida ay sheegtay, James 1906 ayaa ay shil baaskiil ku dhaawacantay, waxaana dhaawacaasi uu sababay in madaxa wax ka soo gaadhaan oo ay arrintaa darteed isbitaal ugu jirto muddo saddex bilood ah.
Difaaciddii kiiskeedu sida oo kale lama samayn ama qareenkeedii ma helin waqti ku filan oo uu kiiska ku baaro. Qoyska ilmaha la dilay ayaa hore booliiska ugu sheegay in ilmuhu afka ka xumbaynayay, isla markaana si aad ah loogu duubay maro. Arrimahaas ayaa, sida Jones sheegtay, laga yaabaa inay kaalin ka qaateen dhimashada ilmahooda.
Qareenkeeda difaacayay, Ivor Bowen, waxaa garsooruhu amray in loo magacaabo subaxdii maalinta maxkamadeynta. Sidaas darteed, ma jirin waqti ku filan oo uu Leslie kula hadlo ama uu u soo yeedho markhaatiyaal difaaceeda ah.
James waxay qiratay in ilmuhu ku dhintay gacanteeda, balse waxay sheegtay inaysan xasuusan sida ay wax u dhaceen, ayna marnaba ulajeedkeedu ahayn inay disho.
Qoraagu waxa ay sheegtay in maxkamadaynteedii ay keliya socotay hal maalin iyo badh, xubnihii xeerbeegtida oo dhammaantood rag ahaa waxay qaateen 12 daqiiqo oo keliya inay ku helaan in ay tahay dambiile, taas oo xilligaas loo arkayay kiis si cad loo go'aamin karo.
Markii uu xukunku dhacayay, garsooruhu wuxuu yiri:
"Waxaa lagugu helay, mana jirto cid kuu naxaysa ama kuu ducaynaysa.'
"Waxaan kaa codsanayaa inaad waqtiga kooban ee kuu hadhy u isticmaasho u diyaar garowga dhimashada iyo naxariista aad si hubaal ah uga heli doonto aakhiro, balse aanad halkan ka filan karin."
Jones waxay aaminsan tahay in madmadaw badan ay ka jireen habka maxkamadeyntaas gaar ahaan in aan la soo hadal qaadin dhaawacii maskaxeed ee kal hore gaadhay James, kaas oo laga yaabo inuu sharaxaad ka bixin lahaa dhaqankeedii taxaddar-darrada ahaa.
Inkasta oo ku dhawaad 50,000 qof ay codsadeen in aan la dilin, codsiga waa la diiday. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Herbert Gladstone wuxuu doonayay in James tusaale looga dhigo waxa uu ku tilmaamay faafitaanka "baby farming" ee koonfurta Wales.
Waxaa kale oo kiiskeeda si weyn loogu soo bandhigay quruxdeeda. Xitaa hangman-ka Henry Pierrepoint ayaa ka hadlay muuqaalkeeda, iyada oo wargeysyada xilligaas si joogto ah u tilmaamayeen timaha, quruxda iyo deganaanshaheeda. Mary Jones waxay arrintan ku tilmaantay hab takoor iyo ku mashquulid xad-dhaaf ah oo lagu sameeyay muuqaalka haweeneydaas.
Maanta, 119 sano kadib, James waxaa lagu xusuustaa inay tahay haweeneydii ugu dambeysay ee Wales lagu daldalo.