Maxaa faa'iido ah oo kuugu jiri kara ka fekerka geeridaada?

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Qof kasta oo maanta nool—adiga, asxaabtaada iyo qoyskaaga—maalin uun ma jiri doono.

Waa xaqiiqo aan laga baxsan karin, balse inta badan waxaan si weyn isugu daynaa inaan iska indhatirno ama aan diidno xaqiiqadaas. Jules Howard ayaa sharxaya sababta ay u dhici karto in arrintaasi aysan ahayn wax wanaagsan.

Sida ku cad xogta shirkadda Statista, 11% oo keliya dadka ayaa ka fikira geerida inta lagu jiro nolol-maalmeedkooda. Inta badan annaga waxa aynu si weyn ugu mashquulsannahay arrimaha nolosha, sidaas darteed waxaa dhici karta in aynu geerida ka fikirno oo keliya saddex ama afar jeer sannadkii.

Laakiin taas waa la fahmi karaa, sow ma aha? Geeridu waa arrin cabsi leh. Waan noolnahay, waan dhimanaynaa, halkaas ayaana wax walba ku dhammaanayaan. Haddaba, maxay tahay sababta aynu geerida uga fikirno in ka badan?

Sida ay qabaan saynisyahanno qaarkood, waxaa jira faa'iidooyin ku jira in qofku si badan uga fikiro geerida.

Khabiirrada cilmi-nafsiga, gaar ahaan, waxay tixraacayaan daraasado dhowr ah oo muujinaya in ka fikiridda geerida ama "wacyiga dhimashada" ay kordhin karto isku-kalsoonaanta qofka, dadka ka dhigi karto kuwo aan si weyn ugu mashquulin arrimaha lacagta, isla markaana xitaa ka dhigi karto kuwo farxad badan oo kaftan badan.

Daraasadaha noocan oo kale ah ayaa dhiirrigeliyay inay soo baxaan dhaqdhaqaaqyo bulsheed sida Death Cafés iyo kooxda Death Salon, kuwaas oo dadka siinaya fursad ay ku kulmaan oo si furan uga wada hadlaan geerida.

Siyaabo badan, kooxahan waxay la mid yihiin falsafadaha Bariga oo qarniyo badan dadka ku dhiirrigelinayay inay ka fiirsadaan geerida iyo nuglaanta nolosha aadanaha.

Tusaale ahaan, Buddha wuxuu dhiirrigelin jiray waxa loo yaqaan " ufiirsashada meydadka", taas oo ah in dadku eegaan meydadka dadka dhintay xilliyo kala duwan oo ay ku jiraan heerarka kala duwan ee qudhunka.

Marka laga hadlayo fikradda "Yin iyo Yang", aragtida ah in ay jiraan laba waxyaalood oo iska soo horjeeda, sida "iftiin iyo mugdi", "dab iyo biyo" iyo "nolol iyo geeri", waxay u muuqataa inay dadka bulshada ka dhigto kuwo si weyn u qadariya waxyaabaha caadiga ah ee nolol-maalmeedka.

Ma si khaldan ayaan uga fikirnaa geerida? Waxaan oran lahaa, maya. Sababtoo ah ma jiro hab "qaldan" oo looga fikiro geerida.

Laakiin dabcan, waxaan si badan uga fikiri karnaa geerida. Ma aha in aan si xad-dhaaf ah uga fikirno, balse waa inta uu qof kasta oo innaga mid ahi u arko inay ku habboon tahay. Marka sidaas la sameeyo, aragtideenna ku aaddan dhacdooyinka maalinlaha ah way wanaagsanaan kartaa, xitaa haddii isbeddelku aanu si weyn u muuqan.

Ugu dambayntii, dadka garwaaqsada in noloshu aanay weligeed sii jirayn waxay si weyn ugu raaxaystaan waxyaabaha yaryar ee nolosha.