Qoysas raadinaya ehelladooda oo ku hoos jira burburka dhulgariirkii Venezuela

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Gacmo maran iyo badiil ayaa dhex wareegaya burburka, halka diyaarad aan duuliye lahayn ay dusha sare ka sawireyso. Daqiiqad kasta, ficil kasta waa muhiim. Waa tartan ka dhan ah waqtiga si loo helo kuwa badbaaday.

Halkan gobolka xeebta ah ee La Guaira, oo xuduud la leh degmada caasimadda ee ku dhow Caracas, waxaa la arkayaa burbur baaxad leh meel kasta oo aad eegto. Gobolka ayaa ka mid ahaa meelaha ugu daran ee ay saameeyeen dhulgariirradii isdaba joogga ahaa ee Arbacadii ku dhuftay Venezuela.

Dadka deegaanka iyo qoysasku waxay si quus ah u baarayaan burburka si ay u helaan eheladooda iyo alaabooyinkooda. Waxay si taxaddar leh u dhegeysanayaan dhawaaq kasta oo muujinaya in qof uu nool yahay, kaas oo ku xayiran burburka dhagaxa shubka ah iyo birta.

Ilaa hadda, mas'uuliyiintu waxay xaqiijiyeen ugu yaraan 1,430 dhimasho ah oo ka dhashay dhulgariirro cabirkoodu ahaa 7.2 iyo 7.5 - kan dambe wuxuu ahaa mid ka mid ah dhulgariirradii ugu xoogganaa ee laga diiwaan geliyay dalka qarnigii la soo dhaafay.

Boqollaal dhisme ayaa dumay, burburka hoostiisa, kumanaan reer Venezuela ah ayaa weli ku jira. Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordheysa saacad kasta. Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastay in qiyaastii 50,000 oo qof la la'yahay.

Kooxaha samatabbixinta qaranka ayaa yar, inkastoo samatabbixiyeyaasha caalamiga ah ee ka socda Mexico, Spain, Mareykanka iyo UK ay yimaadeen si ay ugu biiraan dadaalka samatabbixinta.

Laakiin, weli taasi kuma filna.

Hay'adaha gargaarka bani'aadamnimada ayaa sheegaya in 48 ilaa 72-ka saacadood ee ugu horreeya ay muhiim u yihiin badbaadinta dadka nool, inkastoo waqtigaasi uu sii dheeraan karo haddii kuwa ku xayiran burburka hoostiisa ay helaan cunto iyo biyo.

"Qof kasta oo la badbaadiyay waa mucjiso," ayuu yiri Jorge Rodríguez, madaxweynaha Golaha Qaranka ee dalka. "Waxba kama qarin doonno baaxadda masiibadan."

'Suurtagal ma ahan in la badbaadiyo iyada oo aan la isticmaalin mashiinno'

Magaalada Catia La Mar, oo ka mid ah magaalooyinka xeebta ee gobolka La Guaira, xaaladdu aad ayay u xun tahay. Dhismayaal yar ayaa weli taagan.

Ciidamada dawladdu waxay cunto iyo biyo u qaybiyeen dadkii badbaaday, Madaxweynaha ku meel gaarka ah Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in dawladdu ay fulinayso jawaab celin samatabbixin oo dhammaystiran inta lagu jiro "saacadahan muhiimka ah si loo badbaadiyo dadka nool".

Dadku waxay si walaac leh usii joogaan meelaha ay aaminsan yihiin in qaraabadoodu ay ku xayiran yihiin.

Jesús Suárez waa mid ka mid ah dadka. Wuxuu safray 200km (124m) si uu u raadiyo wiilkiisa, Jean Suárez.

"Ma jiro wax macluumaad ahoo laga hayo haba yaraatee. Dadka yaqaana waxay sheegayaan inaysan arkin isagoo soo baxaya ama wax kaleba."

"Waxa aan aaminsanahay inuu halkaasku jiro," ayuu yiri isagoo farta ku fiiqaya burburka dhisme dumay.

Suárez wuxuu wajahayaa dhibaato ay dad badan oo halkan jooga ay sidoo kale wadaagaan: "Suuragal ma ahan in la badbaadiyo... Ma jiro qalab casri ah oo halkan yaal. Aadanaha kaligiis waxba ma sameyn karo - aad bey khatar u tahay."

Gaadiidka iyo dadka badan ayaa mararka qaar caqabad ku noqon kara howlaha baaritaanka. Askarta iyo mutadawiciinta reer Mexico ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay aamusnaan, si ay u dhageystaan wax calaamad oo dadka nool ee ku hoos jira burburka.

Dadku waxa ay sameeynayaan caawinaad si kasta oo ay awoodaan. Kuwa haysta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa u isticmaalaya inay ku raadiyaan kuwa badbaaday ama kuwa dhintay meelaha ay adag tahay in la gaaro.

Qoysasku waxay ku xoomaan fiidiyowyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn soo qaadaa, iyagoo raadinaya wax kasta oo ay yaqaaniin. Dhar, timo, iyo alaab. Wax kasta oo keeni kara war ku saabsan qof aad jeceshahay.

Marka uu waqtigu sii socdo, tirada dhimashada aan rasmiga ahayn ayaa sii kordheysa - iyo sidoo kale cawaaqibka kale ee xun ee jira.

"Waxaa jira ur… dadka dhintay ayaa durba la dareemayaa. Taasi waxay naga dhigi doontaa annaga iyo carruurtaba in aan xanuunsano," ayay tiri Glendys Delgado.

Laba dhisme oo u dhow halka Delgado ay ku nooshahay ayaa burburay, laakiin ma jirin wax caawimo rasmi ah, ayay tiri. "Ma jiro qof ka socda dowladda oo halkan yimid, laakiin waxaan Ilaahay uga mahadcelinayaa in dadka ka yimid Caracas ay noo yimaadeen inay naga taageeraan cuntada."

Deiyer Gabril, oo 27 jir ah, ayaa sheegay in meel kasta ay saameysay, "Macuto, Caribe… wax walba oo halkaas yaal way xun yihiin. Dhammaanteen waan dareemi karnaa urta."

Mas'uuliyiintu waxay Jimcihii sheegeen in 861 mutadawiciin ah oo ka kala yimid Mexico, Mareykanka, El Salvador, Switzerland, Colombia, iyo dalal kale ay ku sugan yihiin Venezuela, iyadoo kuwa kalena ay soo gaareen.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah Rodríguez ayaa sheegtay inay la hadashay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio Jimcihii, waxayna xaqiijiyeen inay ka go'an tahay inay soo diraan kooxo samatabbixin iyo sahay gargaar.

'Isku day in aad adkeysi u muujiso carruurtaada'

Haweeney ayaa hor taagan gurigeeda burburay, lugaheeduna wali way gariirayaan.

Waxay si quus ah u baaraysaa iyadoo leh: "Waxaan sugeynaa gargaar bani'aadamnimo - waxaan u baahanahay inay na caawiyaan."

Waxay ku laabatay gurigeeda si ay isugu daydo inay suoo qaadato mashiinkeeda dharka lagu dhaqo.

"Waa xaalad aad u adag, uma diyaarsanin tan. Allabariyada iyo dadaallada aad sameyso si aad wax u gaarto, hal ilbiriqsi ayey wax walba ku burbureen. Laakiin waxa muhiimka ah waa nolosha," ayay tiri.

Alexandra Gabino, oo 28 jir ah, waxay wajahaysaa xaalad la mid ah - waxay leedahay laba carruur ah, oo da'doodu tahay toddoba iyo laba jir.

Waxay gaariga la saarnayd carruurteeda iyo ninkeeda markii dhulgariirku dhacay.

"Carruurtu waxay bilaabeen inay qayliyaan. Ma aanan fahmin waxa dhacayay, si lama filaan ah ayuu dhismaha deriska la ah u dumay, ninkayguna wuxuu dib u celiyay gaarigii," ayay u sheegtay BBC Mundo.

Afartooda ayaa hadda waxay seexdaan gaarigooda meel baabuurta la dhigto oo ku taal Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Simón Bolívar ee Maiquetía. Garoonka diyaaradaha ayaa xiran sababo la xiriira burbur, laakiin wuxuu bixiyay goob fidsan oo furan oo ka fog dhismayaasha halkaas oo qoysasku ay hoy ka dhigan karaan.

Waxay ku sugeysaa bannaanka dhismahooda burburay. Ninkeedu wuxuu isku dayayaa inuu gaaro dabaqa shan iyo tobnaad. Dhismuhu ma taagna, laakiin wuxuu isku dayayaa inuu soo qaato qaar ka mid ah alaabta iyo dukumeentiyada. "Waxyaabaha lagama maarmaanka ah," ayay tiri, maadaama ay khatar tahay oo aysan halis gelin karin inay isku dayaan inay soo qaataan wax badan.

"Waa wax xanuun badan in wax walba la waayo. Hooyaday waxay ku weysay gurigeeda, inagu waxaan weynay gurigeenna, waxba ma haysanno. Waxa aad isku daydaa inaad adkaysi u muujiso carruurtaada," ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay wax ay dad badan dareemaan: "Qof kastaa wuxuu leeyahay muhimaddu waa inaad nooshahay - haa, laakiin wax kasta oo aad marayso way xanuun badanyihiin : inaad aragto dadka oo dhibaataysan, inaad maqasho dadka oo qaylinaya, inaad aragto carruur xanniban, iyo inaad wax qaban weydo sababtoo ah waa inaad joogtaa oo aad daryeeshaa carruurtaada.

"Waxa aad isku dayeysaa inaad xoog yeelato, laakiin waa ay xanuun badantahay."