Saynisyahanno ogaaday waxa keena cirrada timaha, sheegayna in xal loo heli karo

Published

Saynisyahanno Maraykan ah ayaa rumaysan in ay ogaadeen waxa dhaliya cirrada timaha.

Koox ka tirsan jaamacadda New York (NYU) ayaa muddo darsayay dooli leh unugyada timaha ee bani’aadanka oo kale, waxaana ay ogaadeen in ay jiraan unugyo sameeya midabada timaha oo hawlgab noqda.

Saynisyahannada ayaa sheegay in daraasadda ay fure u noqon karto in dawo loo helo cirrada timaha.

Qaabka ay timaha cirro u yeeshaan?

Timaha bani’aadanka ayaa soo baxa oo kadibna daata iyagoo heerar kala duwan mara.

Timaha cusub ayaa ka soo baxa guntimo ku yaalla qeybta hoose ee maqaarka oo loo yaqaan hair follicles, waxaana halkaa ku keysan unugyada sameeya midabada timaha.

Unugyadaas midabka sameeya ayaa muddo kadib isu bedala kuwo cusub, waxaana ay khubaradu rumaysan yihiin in cillad ku timaada hannaankaas ay ka dhalato cirrada timaha.

Koox ka tirsan jaamacadda New York ayaa adeegsaday habab casri ah oo ay ku ogaan karaa qaabka ay hawlgabka u noqdaan unugyada sameeya midabka timaha.

Markasta oo ay timo cusub u soo baxaan qofka, waxaa sii yaraata hawsha ay qaban karaan unugyada sameeya midabka timaha.

Unugyadaas ayaa gaara heer aanay soo saari karin midabka ay u baahan yihiin timaha, waana markaas xilliga ay cirrada ku billaabato qofka.

Dr Qi Sun oo madax u ah kooxda cilmi baaridda samaysay ayaa sheegay in ay rejo wanaagsan ka leeyihiin xal u helida cirrada timaha.

“Hannaankan cusub waxa uu sare u qaaday fursada ah in la helo karo qaab looga hortago ama lagu daweeyo cirrada,” ayuu yiri Dr Qi Sun.

Waxyaabaha keena cirrada

Khubarada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa sababa in timaha ay cirro yeeshaan.

Cunno xumida, walwalka badan, iyo qaab dhaxal ah ayaa lagu sheegay sababaha ugu weyn ee keena cirrada.

Inkastoo dadka badankood aanay jeclayn cirrada timaha, haddana waxaa jira dad aanay dhib ku hayn oo ku qanacsan madaxa cad.

Khubarada ayaa ka digay in la siibo cirrada timaha, maadaama tinta soo baxda ay weli cirro ahaan doonto.

Dr Leila Asfour oo ku takhasustay maqaarka bani’aadanka ayaa BBC u sheegtay in ganacsiga midabada la mariyo timaha uu yahay mid ballaaran.

“Ganacsiga midabada timaha ee caalamka waxaa lagu qiyaasaa mid qiimo ahaan gaari doona 33.7 bilyan oo dollar sanadka 2030. Waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo,” ayay tiri.