Trump oo dharbaaxo siyaasadeed kala kulmay gudaha Maraykanka

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ay Jamhuuriyiintu gacanta ku hayaan ayaa ansixiyay qaraar faraya Madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo dagaalka Iiraan ama uu oggolaansho ka helo Kongareeska ka hor inta uusan sii wadin tallaabooyinka militari.

Tiro yar oo Jamhuuriyiin ah ayaa ku biiray Dimuqraadiyiinta codbixintii Talaadada oo ku dhammaatay 50–48. Isla qaraarkan waxaa horay bishan u ansixiyay Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Laakiin qaraarkani inta badan waa astaan siyaasadeed oo keliya, sababtoo ah xitaa haddii uu ka gudbo labada aqal ee Kongareeska, looma gudbin doono Trump si uu uga fiirsado, mana laha awood sharciyeed oo khasab ah.

Arrintan waxay timid iyadoo Jamhuuriyiinta Kongareeska qaarkood ay shaki ka muujiyeen qorshe nabadeed uu Trump la galay Iiraaniyiinta, halka dagaalka oo aan shacabka badankiisu jeclayn uu galay bishii shanaad.

Codbixintani waxay calaamad u tahay markii ugu horreysay ee labada aqal ee Kongareeska ay ansixiyaan qaraar wadajir ah oo madaxweyne lagu farayo inuu joojiyo hawl militari tan iyo markii la meel mariyay Xeerka Awoodaha Dagaalka ee 1973.

Qaraarka noocan ah ee wadajirka ahi wuxuu muujinayaa rabitaanka ama dareenka Kongareeska, balse kama mid aha sharciyada kale ee loo gudbiyo madaxweynaha si uu saxiix ugu noqdo sharci. Sannadkii 2019, Trump wuxuu diiday qaraar wadajir ah oo dalbanayay in ciidamada laga saaro dagaalka sokeeye ee Yemen.

Falanqeeyaha Bariga Dhexe Laura Blumenfeld ayaa ku tilmaantay qaraarkan "dharbaaxo yar, balse aan ahayn mid wax joojinaysa," maadaama uusan sharci ahaan ku khasbayn. Hase yeeshee waxay BBC-da u sheegtay in waxa uu qaraarkani ka tarjumayo ay yihiin dareenka shacabka Mareykanka.

Ansixinta qaraarkan wadajirka ahi waa arrin muhiim ah, sababtoo ah waxay sii kordhinaysaa cadaadiska saaran Aqalka Cad si loo helo waddo lagu soo afjaro dagaalka Iiraan, kaas oo dadweynuhu ka cadhoodeen kadib markii qiimaha shidaalku kor u kacay.

Isla qaraarkan ayaa horay bishan uga gudbay Aqalka Wakiillada, halkaas oo afar Jamhuuri ah ay ku biireen dhammaan Dimuqraadiyiinta, waxaana lagu ansixiyay codad gaaraya 215–208.

Laakiin sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa BBC-da u sheegay in maadaama xabbad-joojinta la isku raacay 7-dii Abriil, aysan hadda jirin colaad ay ciidamada Mareykanku uga bixi karaan.

Sarkaalkaasi wuxuu kaloo sheegay in qaraarku uu gudbay oo keliya sababtoo ah laba senator oo Jamhuuri ah ay maqnaayeen: Mitch McConnell iyo Dave McCormick.

Afar senator oo Jamhuuri ah ayaa la saftay Dimuqraadiyiinta oo taageeray qaraarka: Rand Paul, Lisa Murkowski, Susan Collins, iyo Bill Cassidy.

Senator-ka Dimuqraadiga ah John Fetterman ayaa noqday xubinta keliya ee xisbigiisa ka tirsan ee ka hor timid qaraarka.

Tani waxay ahayd calaamaddii ugu dambeysay ee muujinaysa kala qaybsanaanta ka dhex jirta Jamhuuriyiinta taageersan Trump, xilli ay soo dhow yihiin doorashooyinka dhexe ee bisha Nofeembar, kuwaas oo go'aamin doona in xisbigu sii hayn karo aqlabiyaddiisa yar ee labada aqal ee Kongareeska.

Qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta ayaa waayadan dambe ka hor yimid madaxweynaha, oo ay ku jirto inay diidaan qorshihiisa lagu sameynayo sanduuq dhan $1.8 bilyan oo loogu magac daray "ka hortagga hubeynta siyaasadeed", sidoo kalena ay ansixiyaan gargaar loo diro Ukraine.

Codbixintii Talaadada waxay ahayd markii 10-aad ee Dimuqraadiyiinta Senate-ku ku qasbaan in cod loo qaado awoodaha dagaalka tan iyo markii dagaalku billowday.

Waxay sidoo kale timid isla maalintii Pentagon-ku ka codsaday Kongareeska qiyaastii $80 bilyan, lacagtaas oo inta badan loogu talagalay kharashaadka dagaalka Iiraan.

Sharciga federaalka Mareykanka wuxuu farayaa in Kongareeska laga helo oggolaansho haddii hawl militari ay ka badato 60 maalmood. Weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan waxay billowdeen 28-kii Febraayo, inkastoo maamulka Trump uu ku dooday in xabbad-joojintii Abriil ay dib u billowday tirinta muddadaas.

Aqalka Cad wuxuu sidoo kale kordhin karaa muddadaas 30 maalmood oo kale isagoo cuskanaya amniga qaranka.

Waqtigan xaadirka ah, Mareykanka iyo Iiraan waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan xabbad-joojinta, waxayna ka shaqeynayaan in colaadda si buuxda loo soo afjaro, iyadoo lagu saleynayo heshiis is-afgarad ah oo ay madaxda labada dal saxiixeen toddobaadkii hore.

Sida ku xusan heshiiskaas, Washington iyo Tehran waxay haystaan 60 maalmood si ay uga wada xaajoodaan heshiis ballaadhan oo lagu soo afjarayo barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.