Qaramada Midoobay: 'Israa'iil waxay ku kacday gumaad ay ka gaysatay Qasa, iyadoo si ula kac ah u beegsatay carruurta'

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Guddi baadhitaan oo Qaramada Midoobay ah ayaa sheegay in Israa'iil si ula kac ah u beegsato carruurta Falastiiniyiinta, taasoo keentay gumaad iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, dambiyo dagaal oo ka dhacay Marinka Gaza, iyo sidoo kale dambiyo dagaal oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto.

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in mas'uuliyiinta Israa'iil iyo ciidamada ammaanku ay "si ula kac ah u fuliyeen falal sababay dhimashada iyo dhaawac daran oo maskaxeed iyo jidheed oo soo gaadhay boqollaal kun oo carruur Falastiiniyiin ah," isla markaana falalkaas ay sii socdeen xitaa kadib xabbad-joojintii Gaza ee Oktoobar 2025.

Guddigu wuxuu ku darayaa in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu soo gunaanadi karo in falalkan ay yihiin "qayb ka mid ah istaraatiijiyad ula kac ah oo lagu burburinayo mustaqbalka Falastiiniyiinta Gaza iyadoo la beegsanayo carruurtooda."

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay inay "si buuxda u diiday" warbixinta guddiga, iyagoo ku tilmaamay "been-abuur sumcad dil ah" iyo "qoraal dacaayad ah oo la mid ah kuwii hore."

Weerarada Israa'iil ee Gaza, oo sababay burbur ballaadhan, ugu yaraan 73,035 qof ayaa ku dhintay; sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, in ka badan 21,280 oo ka mid ah waxay ahaayeen carruur. Tiradan waxaa Qaramada Midoobay u aragtaa mid la isku halayn karo.

Guddiga Caalamiga ah ee Baadhitaanka ee Dhulka Falastiin ee La Haysto iyo Israa'iil waxaa sameeyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay 2021 si loo baadho eedeymaha jebinta sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha.

Guddiga khubarada ah oo ka kooban saddex xubnood si rasmi ah ugama hadlo magaca Qaramada Midoobay.

Bishii Sebtembar 2025, guddigu wuxuu ku eedeeyay Israa'iil inay geysatay gumaad ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza. Warbixin ayaa sheegtay in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu soo gunaanadi karo in afar ka mid ah shanta fal ee gumaadka ee lagu qeexay Axdiga Gumaadka ee 1948 laga yaabo in ay fuliyeen mas'uuliyiinta Israa'iil iyo ciidamada ammaanka.

Israaiil ayaa si adag u diiday warbixinta, iyada oo ku tilmaantay mid qalloocan oo aan sax ahayn. Guddigu hore ayuu u sheegay in Xamaas iyo kooxo hubeysan oo Falastiiniyiin ah ay galeen dambiyo dagaal iyo jebinno kale oo culus 7-dii Oktoobar 2023, sidoo kalena waxay sheegeen gudigu in ciidamada Israa'iil ay galeen dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo dambiyo dagaal Gaza.

Bishii Oktoobar 2025, Israa'iil iyo Xamaas waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin qayb ka ahayd qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si loo soo afjaro dagaalka.

Tan iyo markaas, labada dhinac waxay marar badan isku eedeeyeen inay jebiyeen xabbad-joojinta.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxay sheegaysaa in in ka badan 1,020 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 265 carruur ah, la dilay tan iyo Oktoobar 2025.

Ciidamada Israa'iil sidoo kale waxay sheegeen in afar askari ay dhinteen.

Bayaankii la soo saaray 22-kii Juun, guddigu wuxuu sheegay in warbixintu muujinayso "xoogga iyo nidaamsanaanta joogtada ah" ee howlgalada milatari ee Israa'iil Qasa ka wado, taasoo keentay "dhimasho, dhaawac, iyo dhaawac nafsi ah oo aan hore loo arag" oo soo gaadhay carruurta Falastiiniyiinta.

Srinivasan Muralidhar, oo ah qareen Hindi ah ahna guddoomiyaha guddiga, ayaa yirdhi: "Xitaa kadib xabbad-joojintii Oktoobar 2025, carruurta waa la sii dilayaa oo si daran ayaa loo dhaawacayaa; Israa'iil waxay iska indhatireysaa xabbad-joojinta iyo ilaalinta ay carruurtu xaqa u leeyihiin ee sharciga caalamiga ah," wuxuuna ku daray:

"Ilaalinta, daryeelka, iyo badbaadada carruurta Falastiiniyiinta waa mid aan ka go'in xaqa is-maamul ee dadka Falastiiniyiinta."

"Marka carruurta la beegsado, Israa'iil waxay weerareysaa awoodda dadka Falastiiniyiinta ee ay ku sii jiri karaan kuna go'aamin karaan mustaqbalkooda."

Warbixinta cusub ee guddiga waxay sheegaysaa in Israa'iil si toos ah u beegsanayso carruurta Falastiiniyiinta Gaza; iyadoo madaxyadooda iyo xubnaha muhiimka ah lagu garaacayo hub si sax ah loo hagay sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo goonibaadhyo (snipers); sidoo kalena lagu adeegsanayo hub culus oo lagu weeraro guryaha, iskuullada, iyo xeryaha barakacayaasha ee carruur ka buuxaan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Israa'iil ay mas'uul ka tahay ku guuldareysiga ilaalinta carruurta Falastiiniyiinta ee ay beegsanayaan askarta iyo deegaamaystayaasha Israa'iiliinta ah ee Daanta Galbeed. Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in carruurta, gaar ahaan wiilasha da'yarta ah, Gaza iyo Daanta Galbeed, "lagu xidho, loo jirdilo, loona xumeeyo xabsiyada Israa'iil" iyo in "xaalado tacaddi galmo iyo mid jinsiyadeed ah oo ka dhan ah carruurta Falastiiniyiinta ay badanaa dhacaan xilliga xidhitaanka ama qabashada."

Sida warbixintu sheegtay, weerarrada Israa'iil ee isbitaallada dhallaanka iyo carruurta ee Gaza waxay "si nidaamsan u baabi'iyeen helitaanka daryeelka nolosha lagu badbaadiyo, taasoo daciifisay fursadaha badbaadada carruurta."

Warbixintu waxay sidoo kale ku eedeysay Israa'iil inay adeegsato gaajeysiin (starvation) sidii xeelad dagaal, isla markaana ay xaddidaadda gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza ay "keenayso nafaqo-darro daran iyo mid joogto ah oo carruurta ku dhacda."

Waxaa sidoo kale lagu dooday in weerarrada iskuullada, barakicinta ballaaran, iyo xiritaanka khasabka ah ay Israa'iil "si nidaamsan u burburinayso awoodda carruurta ee waxbarasho, sidaasna u wiiqayso aasaaska maskaxeed iyo bulsho ee bulshada Falastiiniyiinta."

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) waxay hadda dhageysanaysaa dacwad ay keentay Koonfur Afrika oo ku eedeyneysa Israa'iil xasuuq, balse go'aan kama dambeys ah wuxuu qaadan karaa sanado.