You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Wufuuda Iran iyo Mareykanka oo ku sugan Switzerland; wadahadalo farsamo ayaa bilaabmi doona

Wafdiga Iran ayaa gaaray dalka Switzerland si ay wadahadalo farsamo ula yeeshaan Mareykanka. Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa hogaaminaya wafdiga Iran, waxaana la socda Abbas Araqchi. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sii jeeda Switzerland si uu ugu biiro Steve Whittaker iyo Jared Kushner. ku dhow inuu bilaabo

Kooban

  • Kahor wadahadalka Swiss-ka, Mareykanka wuxuu diiday sheegashada Iran ee xiritaanka marin biyoodka Hormuz
  • Axios ayaa ka warbixisay dalabka Mareykanka ee Iran: baaritaano lagu sameeyo nukliyeerkooda beddel ahaana ay qaataan $ 6 bilyan
  • Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sii jeeda dalka Switzerland si uu uga qeyb galo wada hadal uu la yeesho Iran, waxaana uu rajo ka muujiyay in horumar laga gaari doono arrimaha Nukliyeerka iyo xabad joojinta Lubnaan.

Tebin toos ah

  1. Shir afar geesood ah oo maanta dhexmari doona Iran, US, Qatar iyo Pakistan

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in maanta lagu wado in shir afar geesood ah oo u dhaxeeya Iran, Mareykanka, Qatar iyo Pakistan uu ka dhaco buurta loo dalxiis tago ee Bürgenstock ee dalka Switzerland.

    Esmail Baghaei ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in Iran ay marka hore kulamo la qaadan doonto dhexdhexaadiyayaasha, Qatar iyo Pakistan, ka hor kulankaan.

    Waxa uu sheegay in kulankan uu yahay mid lagu sii amba qaadayo dhaqan gelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay todobaadkan la saxiixdeen dowladda Mareykanka.

  2. Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza

    Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeymo cirka ah iyo rasaas ay ridayeen ciidamada Israel dhowr weerar oo kala duwan.

    Aljazeera ayaa sheegtay in Axmed Washah oo ka mid ahaa wariyayaasheeda lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Israel ay ku qaaday guri ku yaala xero qaxooti oo ku taal bartamaha Gaza.

    Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya inuu ka tirsan yahay Xamaas; Aljazeera ayaa horey u beenisay eedeymahan.

    Weerar kale, afar qof oo ay ku jiraan haweeney iyo labo caruur ah ayaa lagu dilay dhismo ku yaalla magaalada Gaza.

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah ciidamada qalabka sida.

    Xabbad-joojin jilicsan oo dhacday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa hakisay dagaal baahsan oo u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil, balse maamulka caafimaadka Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil tan iyo markaas.

  3. Ra'iisul wasaaraha Pakistan oo gaaray goobta shirka

    Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa gaaray magaalada Bergen ee dalka Switzerland.

    Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Field Marshal Syed Asim Munir ayaa ka qeyb gali doona wadahadalo heer sare ah oo ku saabsan hirgelinta Hishiiskii Isfahamka ee Islamabad.

  4. Maxaan ka ognahay dadka ka qaybgalaya wadahadalka ka furmaya maanta Switzerland

    Marka loo eego tafaasiisha ilaa hadda la shaaciyay ee ku saabsan cidda ka qayb galaysa wada-hadallada heer-farsamo ee Maraykanka iyo Iran uga furmaya magaalada Bergen ee dalka Switzerland, ergada wada-xaajoodka Iran ka socda ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Baqir Qalibaf.

    Si kastaba ha ahaatee, Wafdiga Iran ee ka socda waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Arakchi, ku xigeenka Xoghayaha Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka Iran Ali Bagheri Kani, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi, iyo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmail Baghai.

    Wafdiga Mareykanka ee ka qeyb galaya wada xaajoodkan ayaa waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance, halka uu ku wehliyo wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner, iyo ergeyga bariga dhexe Steve Witkoff.

    Si kastaba ha ahaatee, dhanka Pakistan, Ra'iisul Wasaare Shahbaz Sharif iyo Field Marshal Asim Munir ayaa Pakistan u matali doona wadahadalka heerka farsamada ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran ee ka dhacaya Switzerland.

  5. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo gaaray goobta shirka

    Kolonyada uu la socdo Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa soo gaaray dhismaha Hotelka Burgenstock ee dalka Switzerland, xilli uu bilowday wada xaajoodka Iran.

    Wafdiga Iran iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay ka bilowdaan wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee ka dhici doona hoyga Bürgenstock ee dalka Switzerland.

  6. Axios: Iran oo loo fasaxayo lacan dhan 6 bilyan oo doolar hadii ay ogolaadaan baaritaano lagu sameeyo nukliyeerkooda

    Axios ayaa soo wariyay, iyagoo soo xiganaya laba ilo xog ogaal ah oo gobolka ah, in Maraykanku uu doonayo in wadahadalka koowaad ee Iran la soo afjaro iyada oo Tehran ay ku casuuntay kormeerayaasha Qaramada Midoobay inay booqdaan xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

    Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, xarumahan waxaa horey loogu bartilmaameedsaday weeraro Mareykanka iyo Israa’iil ay qaadeen, waxaana ugu dambeysay kormeerayaal ay booqdaan ka hor dagaalkii hore, bishii June 2025.

    Axios waxay tiri: "Taa badelkeeda, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu u oggolaado Iran inay hesho qaar ka mid ah hantideeda la xayiray, oo ay ku jiraan xisaab qiimeed dhan $ 6 bilyan.

    Sida warbixinta lagu sheegay, Iran ayaa lacagtan u adeegsan karta inay ku iibsato alaabo bini'aadantinimo.

    Axios waxa kale oo ay sheegtay in Israa’iil iyo Xisbullah ay xaqiijiyeen ka go’naanshahooda xabbad-joojin ka hor intii aanay wada-hadallada bilaabmin; si kastaba ha ahaatee, xabbad joojin tan la mid ah ayaa ku burburtay saacado gudahood Jimcihii.

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in xaalada Lubnaan ay meesha ka saari karto wadahadalada, balse waxa uu intaa ku daray in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu wado dadaalo lagu yareynayo xiisada.

  7. Mareykanka oo diiday sheegashada Iran ee xiritaanka marin biyoodka Hormuz

    Wada-xaajoodyada Iran iyo Maraykanka ayaa lagu wadaa inay maanta oo Axad ah wada-hadallo nabadeed ka billaabaan dalka Switzerland, halka mas’uuliyiinta Mareykanka ay beeniyeen sheegashada Iran ee ah in la xirayo marin-biyoodka Hormuz.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in wafdi heer sare ah oo ka socda dalkaas ay gaareen dalka Switzerland, sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa isna ka dhoofay magaalada Washington si uu uga qeyb galo shirarka.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in marin biyoodka Hormuz la xiray, balse taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in 55 markab oo ganacsi ah ay soo mareen marin biyoodka maalintaas, kuwaas oo in ka badan 17 milyan oo fuusto oo saliid ah geeyey suuqyada caalamka.

    Iran iyo Mareykanka ayaa isku diyaarinaya wadahadal iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen xabbad joojin 60 maalmood ah.

    Wadahadallada ayaa ku saabsan horumarinta heshiis ku meel gaar ah oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan ayna saxiixeen Donald Trump iyo Massoud Pezzekian Arbacadii si loo soo afjaro dagaalka ku dhawaad ​​afar bilood socda ee u dhexeeyay labada dal.

  8. Wufuuda Iran iyo Mareykanka oo ku sugan Switzerland iyo wadahadalo farsamo oo bilaabmi doona

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ayaa ku dhawaaqday in wafdi ka socda Iran ay soo gaareen dalkaas fiidnimadii Sabtida, ka hor wadahadallada ka dhacaya guriga Bürgenstock.

    Wadahadalladan ayaa looga hadlayaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay Iran iyo Mareykanka ee lagu soo afjarayay dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Switzerland ayaa barteeda bulshada ee X ku soo qortay inay soo dhoweyneyso imaanshaha wafdiga Iran, iyadoo intaa ku dartay in wada xaajoodyadani ay qeyb ka yihiin hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxiixdeen Mareykanka.

    Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee IRNA ayaa sido kale xaqiijisay imaatinka wafdiga Iran ee gaaray dalka Switzerland.