FIFA ''Qofna ma iibinayo kubbada cagta''

Madaxweynaha Fifa Gianni Infantino

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gianni Infantino wuxuu ahaa madaxweynaha FIFA tan iyo sannadkii 2016-kii
    • Author, Patrick Jackson
    • Author, Simon Stone
    • Role, Weriyaha sare ee ciyaaraha
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xiriirka kubbada cagta adduunka FIFA ayaa sheegtay in uusan ''qofna iibinayn kubbada cagta'' iyada oo caddeysay inay sii wadi doonto qorshaheeda muranka dhaliyay ee lagu oggolaanayo meelgeliyayaal gaar ah inay saamiyo ku yeeshaan tartamada ay maamusho.

Xiriirka kubbada cagta UEFA ayaa khamiisitii u codeeyay inuu qaadacayo koobka adduunka haddii qorshahan la hirgaliyo.

Sidoo kale CONCAF oo ah xiriirka kubbada cagta Waqooyiga iyo Bartamaha Ameerika isla markaana marti galisay koobkii Adduunka ee sannadkan ayaa sheegtay in 41da xubnood ee xiriirka ay iyaguna diideen soo jeedinta uu keenay madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino.

Madaxa xiriirka kubbada cagta addunka Infantino ayaa u baahan doona 106 cod oo kamid ah 211ka xubnood ee FIFA si qorshaha uu u meel maro. Xubnaha UEFA iyo Concaf waxaa marka la isku daro ay haystaan 96 cod.

Bayaan ay FIFA soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in wadatashigii qorshahan uu carqaladeeyay warar sax ahayn oo warbaahintu baahisay

"Waxaan ixtiraamaynaa aragtiyaha iyo walaacyada si fagaare ah loo muujiyay, waxaana dib u xaqiijinaynaa sida ay nooga go'an tahay wadatashi furan oo dimuqraadi ah."

Waxay intaas ku dareen "Waxaan sii wadi doonnaa wadatashigan si urur kasta oo xubin ka ah uu codkiisa ugu dhiibto xog dhab ah oo sax ah."

"Qofna ma iibinayo kubadda cagta. Arrintani ma aha wax ay FIFA waligeed oggolaan lahayd."

Waa maxay qorshaha Infantino?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

FIFA waxay doonaysaa inay samaysato shirkad ganacsi oo hoos timaadda, taas oo maamuli doonta tartamada waaweyn ee ay ka mid yihiin Koobabka Adduunka. Maalgeliyeyaal dibadda ah ayaa markaas awoodi doona inay saamiyo ku yeeshaan shirkaddaas.

Waxay sheegtay inay 'ku martiqaadi doonto maalgeliyeyaal inay yeeshaan saamiyo kooban oo aan siinayn awood maamul' shirkadda cusub ee loo bixiyay **FIFA Forward Enterprise (FFE).

Jimcihii, FIFA waxay sheegtay in FFE loo soo jeediyay si dhammaan xiriirrada xubnaha ka ahi ay uga faa'iidaystaan fursadaha ganacsi ee kubadda cagta ee dalalkooda.

"Tani wax saamayn ah kuma yeelanayso ruuxa kubadda cagta ama habka maamulka FIFA."

Hase yeeshee, UEFA waxay ku eedaysay FIFA inay kubadda cagta 'u adeegsanayso inay iyada iyo saaxiibbadeed ku taajiraan'

Infantino ayaa hore ugu qoray xubnaha FIFA inay heli doonaan '40 milyan oo doolar' haddii ay taageeraan qorshahan. Wuxuu u qabtay 19-ka Sebteembar kama dambays ay ku aqbalaan qorshaha haddii ay doonayaan inay helaan qaybtii ugu horraysay oo dhan 20 milyan oo doolar.

Haddii qorshaha la ansixiyo, FIFA waxay sheegtay in shirkadda Thrive Eternal la filayo inay hoggaamiso kooxda maalgeliyeyaasha ee FFE.

Thrive waa shirkad Maraykan ah oo maalgelisa ganacsiyada cusub, waxaana aasaasay Joshua Kushner, oo ah walaalka Jared Kushner, seyga gabadha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Maxay yiraahdeen UEFA iyo Concacaf?

UEFA iyo Concacaf ayaa hormuud u noqday mucaaradka qorshahan. Waxaana ay yiraahdeen "Koobka Adduunka looma arki karo badeecad maalgashi."

Waxay sii raaciyeen: "Waa mid kamid ah dhaxalka ugu weyn ee ciyaaraha kubadda cagta. Waxaa dhisay jiilal ciyaartoy, xulal qaran iyo taageerayaal ku kala nool dhammaan qaaradaha."

"Qayb kamid ah Koobka Adduunka waligeed looma gacan gelin karo maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay. Koobka Adduunka iib ma aha."

UEFA oo eedeynaysa FIFA ayaa tiri: "Tani ma aha oo keliya hoggaan-xumo weyn, balse waa ka tegid waajibkii FIFA ee ilaalinta kubadda cagta adduunka."

Dhankeeda, Concacaf ayaa sheegtay in xubnaheedu ay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan habraacii sharciyeed ee qorshahan iyo muddada aadka u gaaban ee loo qabtay go'aanka.

Waxay sidoo kale su'aal gelisay sababta loogu baahan yahay maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay iyadoo FIFA ay sheegtay in Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyay uu ahaa kii ugu faa'iidada badnaa taariikhda.

Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya (AFC) ayaa isaguna sheegay inuu aad uga walaacsan yahay tallaabada ay FIFA keligeed qaaday, isagoo ku dooday inay dhaawacayso saldhigga kubadda cagta qaaradaha.

AFC waxay kaloo sheegtay inay tahay wax aan la aqbali karin in aan lagala tashan ka hor intii aan qorshaha si rasmi ah loo shaacin, isla markaana aan la siin faahfaahin ku filan oo dhinacyada maamulka, dhaqaalaha iyo sharciga ah.

Dhanka 'Conmebol' oo ah xiriirka kubadda cagta Koonfurta Ameerika ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qorshahan.

Ururrada kubadda cagta Afrika (CAF) iyo Oceania (OFC) ayaa sheegay inay ka doodi doonaan qorshaha FIFA inta lagu jiro bisha Agoosto.

Xabi Alonso muxuu yiri?

Tababaraha Chelsea iyo ku guuleystihii Koobka Adduunka ee 2010 Xabi Alonso ayaa arrintan wax laga weydiiyay intii ay kooxdiisu safarka diyaar-garowga ku joogtay Australia.

"Waxaan aaminsanahay in kubadda cagtu ay tahay ciyaar dadweynaha u dhaxaysa, ee aanay noqon wax ay gacanta ku hayaan maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay. Sida aan u jecelnahay kubadda cagta waa sidaas. Waxaan aragnay Koob Adduun oo heer sare ahaa, waana muhiim in la difaaco danaha dhammaan dadka."

Wuxuu sii raaciyay: "Waxaan u malaynayaa inay tani tahay dareenka guud ee dadka kubadda cagta ku nool. Waxaan doonaynaa in ciyaartu ay ahaato mid qof walba leeyahay. Waxaan rajaynayaa inaan qorshahani hirgelin, si aan u sii ilaalinno quruxda iyo asalnimada kubadda cagta, waayo taas ayaa dhalisa xamaasadda iyo jacaylka ay dadku u qabaan."

Ugu dambayn wuxuu yiri: "Waxaan taas ku aragnay Koobka Adduunka, Champions League, Premier League iyo tartamada kale oo dhan, sababtoo ah kubadda cagtu waa ciyaar uu qof walba leeyahay."