Sheekada dalka keliya ee dunida ku yaal ee aan weli ciyaarin kubbadda cagta

Xigashada Sawirka, Paul Watson
- Author, Nathan Edwards
- Role, BBC Sport
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Sida meelo badan oo dunida ka mid ah, xamaasadda kubbadda cagta ayaa dhowaan gaadhay Nauru, oo ah dalka jasiiradda ugu yar dunida. Hase yeeshee, markii ay Spain ku guuleysatay Koobka Adduunka, raadkii kubbadda cagta ayaa ku dhowaaday inuu gebi ahaanba ka dabar go'o Nauru.
Kubbadda cagtu waxay ku dhowdahay inaan laga ciyaarin jasiiraddan ku taalla Badweynta Baasifigga. Nauru weligeed kama qaybgelin ciyaar rasmi ah oo caalami ah oo ay la ciyaarto dal kale, waxaana dalka ka jira hal garoon oo keliya, kaas oo sagxaddiisu ka samaysan tahay ciid adag.
Inkasta oo dadku xiiseeyaan daawashada kulamada waaweyn ee Horyaalka Ingiriiska, carruurtuna ay xirtaan funaanadaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, haddana isku day kasta oo dhab ah oo lagu ciyaaro kubbadda cagta inta badan waa lagu jeesjeesaa, marka laga reebo haddii ay tahay Australian rules football (Aussie Rules), oo ah ciyaar isku dhafan astaamo ka mid ah kubbadda cagta, kubbadda cagta Mareykanka iyo rugby-ga.

Xigashada Sawirka, Nauru Soccer Federation
Nauru hore ayay dhowr jeer isugu dayday inay horumariso kubbadda cagta, balse ciyaartu weligeed si dhab ah ugama hanaqaadin dalka. Isku daygii ugu dhawaa ee ay ku ciyaari lahayd kulan caalami ah wuxuu ahaa markii kooxo matalayay Nauru ay la ciyaareen koox qurba-joogta Jasiiradaha Solomon sannadkii 1994 iyo koox qaxooti ah sannadkii 2014.
Taariikhda adag ee Nauru ayaa qayb ahaan sharraxaysa sababta ciyaarta ugu caansan dunidu ay ugu dhibtoonayso inay soo jiidato ciyaartoy iyo taageerayaal dalkaas.
Nauru waxay ku taallaa Badweynta Baasifigga, qiyaastii 2,500 mayl waqooyi-bari kaga beegan Australia. Hodantinimadeedii taariikhiga ahayd waxay ku dhisnayd keyd fara badan oo fosfeyt ah, kuwaas oo kumannaan sano ka samaysmay saxarada shimbiraha oo dhagaxowday.
Nauru, oo ahayd dhul ay maamuli jirtay Australia ilaa ay xornimada qaadatay sannadkii 1968, waxaa dabayaaqadii qarnigii 20-aad si xooggan looga qoday macdanta fosfeyt-ka. Markii macdantii dhammaatay, waxaa ka haray dhul aad u burburay. Dalka, oo markii hore loo yiqiin "Jasiiradda Farxadda", ayaa maanta leh qaybo badan oo bartamaha jasiiradda ah oo aan ku habboonayn degaan iyo beerasho.
Taas awgeed, inta badan dadka dalka oo tiradoodu gaadhayso ku dhowaad 12,000 oo qof waxay ku urureen hareeraha xeebaha. Meelaha la isticmaali karo ayaa aad u kooban, maadaama jasiiraddu dhan tahay oo keliya 21 kiiloomitir oo laba jibbaaran, waxaana weliba sii yaraanaya dhulkaas, iyadoo isbeddelka cimilada iyo kor u kaca heerka badda ay khatar ku yihiin jiritaanka dalka laftiisa.
Burburka dhul-beereedka ayaa ku khasbay Nauru inay dibadda ka soo dejiso in ka badan 90% cuntadeeda, waxaana cuntooyinka la soo dejiyo intooda badan yihiin kuwo warshadaysan. Taasi waxay qayb ka qaadatay in 69% dadka dalka lagu tilmaamo inay cayilan yihiin, halka ku dhowaad 40% ay qabaan cudurka macaanka nooca labaad.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee dakhliga Nauru maanta waa xarunta lagu hayo muhaajiriinta ee Australia, oo ay dalkaasi martigelinaysay sannado badan.
Nolosha maalinlaha ah ee jasiiraddu way adag tahay, sidaas darteed ciyaaruhu waxay u yihiin dad badan meel ay ku nastaan oo ay ku maaweelaan. Si kastaba ha ahaatee, ciyaarta ugu caansan waa Australian Rules Football (Aussie Rules), oo ay ciyaaraan ku dhowaad 30% dadka deegaanka. Sidoo kale, ciyaaraha fudud iyo qaadista culaysyada ayaa si weyn loo xiiseeyaa, waxaana Nauru uga qayb gashay labadan ciyaarood tartamada Olombikada.
Sannadka 2028, Nauru waxay martigelin doontaa Ciyaaraha Micronesia, oo ah tartan isboorti oo ay ku jiraan ciyaaro kala duwan, kana mid tahay kubbadda cagtu. Tani waxay muujinaysaa rabitaanka jasiiraddu ay u qabto inay sumcaddeeda caalamiga ah ku xoojiso dhinaca ciyaaraha.

Xigashada Sawirka, PAUL WATSON
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mutadawiciin ayaa bilaabay olole lagu doonayo in carruur kasta oo da'doodu u dhaxayso 4 ilaa 14 jir la siiyo kubbad cag ah. Tirada carruurta la beegsanayo waa ku dhowaad 2,000, waxaana lala shaqeynayaa 11-ka kaniisadood iyo iskuullada jasiiradda si kubbadaha loo qaybiyo.
Kubbadaha waxaa lagu soo daabulayaa qaybo min 200 ah, si loo fududeeyo habka qaybinta loogana hortago qashin ama khasaaro iman kara.
Dadaallo hore oo lagu doonayay in kubbadda cagta lagu soo kordhiyo Nauru waxay ku ekaayeen ciyaaro hal mar la qabto. Mid ka mid ah dadaalladaas wuxuu dhacay laba sano ka hor, markii weeraryahankii hore ee horyaalka Ingiriiska (Premier League) Dave Kitson loo magacaabay inuu hoggaamiyo koox ka kooban 18 ciyaaryahan oo reer Nauru ah, kuwaas oo tababar qaatay muddo laba toddobaad ah.
Kooxdaasi waxay ahayd inay la ciyaaraan kooxda hiwaayadda ah ee XLFC, oo ka tirsan horyaalka hiwaayadda ee magaalada Reading (Sunday League), taas oo kubbadda cagta u adeegsata sidii hab lagu horumarin lahaa caafimaadka iyo nolol wanaagsan. Hase yeeshee ciyaartaasi ma dhicin sababo dhaqaale awgood, sidaas darteedna weli waxaa dib u dhac ku yimid ciyaartii ugu horreysay ee rasmi ah ee taariikhda Nauru.
Si kastaba ha ahaatee, habkii loo wajahayay horumarinta kubbadda cagta ayaa hadda is beddelay, iyadoo Xiriirka Kubadda Cagta ee Nauru uu qaadanayo qorshe fog oo muddo dheer lagu horumarinayo ciyaartan.










