Trump: Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ii sheegay inaysan hub ka iibin doonin Iran.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin, ay u xaqiijiyeen inaysan hub ka iibin doonin Iran.

Trump ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa bulshada ee "Truth Social" ku qoray sidan:

"Madaxweyne Xi, oo aan kala hadlay arrintan intii lagu guda jiray kulankeenii ugu dambeeyay ee ka dhacay Beijing, ayaa ii sheegay in Shiinuhu uusan hub siin doonin ama ka iibin doonin Iran xaalad kasta ha ahaatee. Tani waxay sidoo kale khuseysaa shirkadaha Shiinaha."

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isna sameeyay ballan-qaad la mid ah midkaas.

Trump ayaa yiri: "Wuxuu og yahay inaanan hubka ka iibinayn Ukraine, balse aan ka iibinayo waddamada xubnaha ka ah NATO. Waxay bixiyaan qiimo dhamayastiran oo hubka ah, mana ogi waxa ay marka dambe ka yeelaan."

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr. Trump ayaa gunaanadkii yiri:

"Laba waddan oo waaweyn oo dadku inta badan xusaan inay xiriir la leeyihiin Iran, uma maleynayo inay arrintan ku lug leeyihiin. Haddii ay ku lug lahaayeen, hubaal ma aysan noqon lahayn wax dani ugu jirto."

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin gaar ah ku sheegtay in ka dib weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay ku qaadeen xarumaha Hay'adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) ee gobolka Gacanka Faaris, falanqeeyayaasha sirdoonka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaanka suurtagalnimada in Ruushku uu macluumaad sirdoon siiyay Iiraan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Reuters ayaa daabacday warbixinta, iyadoo soo xiganaysa afar ilo wareed oo xog ogaal ah laakiin aan la magacaabin oo ka tirsan hay'adaha sirdoonka Mareykanka.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, saraakiisha sirdoonka Mareykanka weli ma gaarin go'aan kama dambays ah oo ku saabsan heerka ku lug lahaanshaha Ruushka ee weerarrada. Si kastaba ha ahaatee, meesha kama saarayaan caawimaad suurtagal ah oo ka imaan karta Moscow, marka la eego iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Ruushka iyo Iiraan iyo waxtarka iyo saxnaanta muuqata ee weerarrada.

Waxaa jiray warar hore oo warbaahineed oo sheegaya in Ruushku uu siiyay Iiraan sirdoon si uu u bartilmaameedsado saldhigyada Mareykanka ee gobolka, qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay arrintan. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanka ay hay'adaha sirdoonka Mareykanka ku sameeyeen suurtagalnimada gargaarka Ruushka ee ka dhanka ah xarumaha CIA waa mowduuc cusub oo aan hore loo shaacin.

Sida laga soo xigtay warbixinnada ka soo baxay Reuters iyo warbaahinta kale, ugu yaraan laba xarumood oo CIA ah ayaa lagu bartilmaameedsaday weerarro bishii Maarso ee sanadkan.

Mid ka mid ah xarumahan waa xarun CIA oo ku taal gudaha safaaradda Mareykanka ee Riyad, Sacuudi Carabiya, kan kalena waa xarun sirdoon oo ku taal bariga Ciraaq.

Ilo wareedyada Reuters ka tirsan ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la bartilmaameedsaday, laakiin ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan.