Iiraan miyaa ka dambeysa weerarrada dhanka biyaha ah ee ka dhacay Minnesota?

Xigashada Sawirka, PA
Wakaalad Maraykan ah oo u qaabilsan difaaca amniga internetka ayaa ka digaysa koror weyn oo ku yimid weerarrada ay jabsadayaashu ku bartilmaameedsanayaan nidaamyada biyaha la cabbo iyo bullaacadaha.
Sida ay sheegtay Hay'adda Amniga Internetka iyo Ilaalinta Kaabeyaasha Muhiimka ah (CISA), jabsadayaashu waxay bartilmaameedsanayaan kombiyuutarrada otomaatigga ah ee maamula nidaamyada, kuwaas oo loo yaqaan PLCs, iyagoo beddelaya ereyada sirta ah si ay uga xannibaan hawl-wadeennada inay galaan nidaamyada. Taas awgeed, waxaa la soo saaray digniinno lagu farayo dadka inay biyaha karkariyaan ka hor inta aan la cabbin, waxaana sidoo kale lagu qasbanaaday in nidaamyada qaarkood gacanta lagu maamulo.
Digniinta CISA waxay timid kadib markii hay'adda tiknoolajiyadda macluumaadka ee gobolka Minnesota ay sheegtay in in ka badan 30 nidaam oo biyo siiya bulshooyinka gobolka ay toddobaadkan la kulmeen "weerar internet oo isku dubbaridan."
Baarayaasha Mareykanka ayaa baaraya suurtagalnimada in weerarkan ay fuliyeen kooxo xiriir la leh Iiraan, sida ay warbaahintu sheegtay.
Baarayaashu waxay ka digeen in qiimeyntan ay tahay mid hordhac ah oo laga yaabo inay isbeddesho marka xog dheeraad ah la ururiyo. Si kastaba ha ahaatee, arrintan waxay ku soo beegmaysaa xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iran, iyo wada-hadallo isdaba joog ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo weerarrada joogtada ah ee ka socda gobolka.
BBC-da ayaa la xiriirtay Hay'adda Amniga Internetka iyo Ilaalinta Kaabeyaasha Muhiimka ah (CISA), balse hay'addu ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in Iran ay suuragal tahay inay ku lug lahayd weerarradii ka dhacay gobolka Minnesota.
Mareykanka waxaa ka jira ku dhowaad 152,000 oo nidaam oo bixiya biyaha la cabbo iyo in ka badan 16,000 oo xarumood oo lagu daweeyo biyaha wasakhda ah. Sida ay sheegtay CISA, nidaamyadan ayaa u nugul khataraha weerarrada internetka.
Digniinta CISA ee ku saabsan weerarro suurtagal ah ayaa timid kadib weerarro ka dhacay Minnesota 26-kii iyo 27-kii Luulyo, kuwaas oo qalab lagu kormeerayay laguna maamulayay meel fog, sida ay sheegtay hay'adda tiknoolajiyadda macluumaadka ee gobolka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'addu waxay sheegtay in inkastoo baarayaashu xaqiijiyeen inay jireen "falal xaasidnimo leh oo lagu bartilmaameedsaday tiknoolajiyadda nidaamyada," haddana dhammaan bulshooyinka gobolka ma aysan la kulmin hakad ku yimid adeegyada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Minnesota IT Services (MNIT).
"Waxaan dowladda federaalka la wadaagnay dhammaan xogta la xiriirta arrintan. Dowladda federaalku waxay hadda qiimeynaysaa dhacdadan iyadoo eegaysa xaaladda guud ee qaranka, isla markaana hoggaaminaysa dadaallada lagu ogaanayo haddii weerarka loo aanayn karo koox gaar ah oo khatar ku ah amniga," ayuu yiri John Israel, oo ah madaxa amniga macluumaadka ee gobolka Minnesota.
Hay'adaha federaalka ee Mareykanka ayaa hore u soo saaray digniino ku saabsan khatarta weerarrada internetka ee lagu beegsanayo nidaamyada biyaha iyo biyaha wasakhda ah, kuwaas oo ay fuliyaan kooxo shisheeye, oo ay ku jiraan kooxo lala xiriiriyo Iran.
Bishii Abriil, CISA waxay soo saartay tilmaamo digniin ah oo sheegaya in jabsadayaal lala xiriiriyo Iran ay weerarayeen qalabka hawlgalka ee ku xiran internetka, oo ay ku jiraan PLCs, kuwaas oo ay soo saarto shirkadda Rockwell Automation.
Horraantii bishan, CISA waxay cusboonaysiisay digniinteeda si ay ugu darto qalab ay soo saaraan shirkado kale.














