Sababta dagaal xaddidan oo uu Maraykanka la galo uu Iran uga habboonaan karo nabad

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
- Author, Amiir Cazimi
- Role, Laanta Af-Faarisiga ee BBC
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Weerarkii gantaallada ee lama filaanka ahaa ee Iiran ku qaaday saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Urdun horaantii toddobaadkan uu u muuqday mid adag in la fahmo. Weerarkaas wuxuu soo afjaray xabbad-joojintii jilicsanayd ee u dhexaysay Maraykanka iyo Iran, wuxuuna sababay in Washington dib u bilowdo duqeymaha ay ka waddo gudaha Iran. Weerarku wuxuu kaloo ahaa mid aan hore loo arag.
Haddii mudnaanta koowaad ee Tehran ay tahay xabbad-joojin, weerarkan way adag tahay in loo qiil yeelo. Laakiin haddii hoggaanka Iran uu rumeysan yahay in iska horimaad la xakameyn karo uu siinayo faa'iido istaraatiiji ah oo ka weyn, markaas go'aanka lagu weeraray saldhigga Maraykanka wuxuu noqonayaa mid la fahmi karo.
Mid ka mid ah fasiraadaha suuragalka ah ayaa ah in Tehran ay aaminsan tahay in dagaal xaddidan uu dani ugu jiro, inkastoo uu leeyahay khataro waaweyn.
Maanta, labada dhinac midna uma muuqdo inuu diyaar u yahay dagaal buuxa. Maraykanku wuxuu muujiyay inuusan rabin dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa, kaas oo halis gelin kara kaabayaasha tamarta, ku lug yeelan kara dalal kale, kor u qaadi kara qiimaha shidaalka, isla markaana culays dheeraad ah saari kara ciidamada Maraykanka.
Dhanka kale, Iran sidoo kale waxay isku dayaysaa inay ka fogaato dagaal guud, maadaama difaaceeda cirka uu daciif yahay, kaabayaasheeda warshadaha ay nugul yihiin, dhaqaalena uu si weyn u saameeyay cunaqabateynta, taas oo ka dhigaysa dib u dhiska burburka mid aad u adag oo qaali ah.
Waxay u muuqataa in Iran ay gaartay gunaanad ah in xaaladdani u bannaynayso istaraatiijiyad aan ku dhisnayn guul ciidan, balse ku salaysan cadaadis joogto ah.
Xabbad-joojin dheer oo lagu jiro duruufaha hadda jira waxay u badan tahay inay sii wiiqi lahayd mowqifka Tehran, gaar ahaan iyadoo ay weli socdaan go'doominta dekedaha Iran ee ciidamada badda Maraykanka iyo cunaqabateynta dhaqaale. Taasi waxay ka dhigan tahay in Iran ay sii ahaan lahayd dal si weyn uga go'doonsan suuqyada tamarta ee caalamka.
Inta lagu jiro muddadaas, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar iyo dalalka kale ee dhoofiya saliidda iyo gaaska waxay si tartiib tartiib ah ugu soo laaban karaan heerarkoodii caadiga ahaa ee dhoofinta, halka Iran ay sii ahaanayso mid dhaqaale ahaan go'doonsan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hase yeeshee, dagaal xaddidan ayaa laga yaabaa inuu Iran u beddelo xaaladdan. Inkastoo ay bixineyso qiime culus oo dhinaca milatariga iyo dhaqaalaha ah, haddana carqaladaha ka jira Marinka Hormuz iyo cadaadiska ay kooxda Xuutiyiintu ka wadaan agagaarka Bab al-Mandab waxay weli saameyn ku hayaan maraakiibta ganacsiga, kharashaadka caymiska iyo suuqyada tamarta. Xitaa walaac kooban ayaa ku qasbaya dowlado, shirkadaha maraakiibta iyo soo dejiyeyaasha inay dheg u dhigaan dalabaadka Iran.
Dhab ahaantii, Tehran waxay u muuqataa inay rumeysan tahay inay weli leedahay awood ay wax ku saameyso.
Iran waxay sidoo kale u muuqataa inay doonayso inay dib u qaabayso wada hadallada diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Maraykanka. Waxay si joogto ah u sheegtay in maraakiibta caalamiga ahi ay ku socdaan shuruudo lagala heshiiyo ama in iyada loo aqoonsado awoodda maamusha Marinka Hormuz, iyadoo si cad u diidaysa fikradda ah in marinkaasi noqdo mid si xor ah loogu kala goosho.
Haddii fasiraaddan ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in hadafka Tehran uusan ahayn oo keliya in lagu soo laabto xaaladdii ka hor dagaalka, balse uu yahay inay ballaariso saamaynteeda Marinka Hormuz marka dib loo furo. Ujeeddadan waxaa suuragal ah in lagu gaaro iyadoo la sii wado dagaalka xaddidan.
Marka laga eego dhinaca Iran, sii socoshada xiisadda iyadoo aan loo gudbin dagaal buuxa ayaa noqon karta xalka ugu habboon. Dhanka kale, aqbalidda xabbad-joojin waxay ka dhigan tahay in cunaqabateynta, go'doominta iyo go'doonka dhaqaale ay sidii hore u sii jiri doonaan.
Waxa kale oo jiri kara arrimo gudaha dalka ah. Iran waxay la daalaa-dhacaysaa sicir-barar sare, shaqo la'aan iyo dhibaatooyin dhaqaale oo sii huriyay caro dadweyne. Waxaa la ogyahay in xilliyada khilaafaadka dibadda ay dowladuhu u sahlan tahay inay xakameeyaan mucaaradka gudaha, adkeeyaan tallaabooyinka amniga, isla markaana shacabka ku abaabulaan magaca difaaca qaranka.
Inkastoo tallaabooyinkani aanay xallinayn dhibaatooyinka dhaqaale ee Iran, haddana waxay yareyn karaan cadaadiska siyaasadeed ee degdegga ah.
Si kastaba ha ahaatee, istaraatiijiyaddan waxay leedahay qiime aad u sarreeya. Waxay horseedi kartaa duqeymo isdaba joog ah, xasillooni darro dhaqaale iyo hubanti la'aan ku saabsan in xaaladda hadda jirta la sii wadi karo.
Fikradda ah in iska horimaad la xakameeyo uu Iran siinayo awood ka badan nabad la gaaro waxay ka hor imanaysaa xaqiiqda ah in dagaallada noocan ahi ay marar badan ka baxaan xakamaynta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iran waxay u maleyn kartaa inay si taxaddar leh u maamuli karto heerka kororka colaadda si ay cadaadis ugu hayso Maraykanka, suuqyada tamarta iyo diblomaasiyadda gobolka iyadoo ka fogaanaysa dagaal buuxa. Si kastaba ha ahaatee, xisaabaadkan waxay xambaarsan yihiin khataro waaweyn.
Marka laga soo tago suurtagalnimada inuu qarxo dagaal ballaaran, colaad daba dheeraata oo aan dhammaad muuqan waxay keeni kartaa in taageerada caalamiga ah ee tallaabooyin adag laga qaado Iran ay si tartiib tartiib ah u korodho.
Waxa kale oo jira calaamado muujinaya in colaaddu sii fidayso. Sacuudi Carabiya, oo markii hore isku dayaysay inay ka fogaato faragelin toos ah, ayaa qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxo Shiico ah oo Iran taageerto oo ku sugan Ciraaq, waxayna sidoo kale tallaabooyin milatari ka qaaday Xuutiyiinta.
Haddii ganacsiga caalamiga ah iyo suuqyada tamarta ay sii ahaadaan kuwo carqaladaysan, waxaa dhici karta in dalal kale ay ka tanaasulaan dhexdhexaadnimadooda oo ay u janjeeraan inay taageeraan cadaadis dheeraad ah oo lagu saaro Iran.
Qaar kamid ah dowladaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inay gaaraan go'aan ah in qaadashada kharashka tallaabo adag ay ka wanaagsan tahay ku noolaanshaha dhibaatooyin soo noqnoqda oo saameeya maraakiibta caalamiga ah iyo sahayda tamarta.
Weli lama hubo in dhammaan dhacdooyinkan ay dhab ahaan rumoobi doonaan, ama in dalal kale ay si toos ah ugu biiri doonaan colaadda. Wax badan waxay ku xiran yihiin awoodda Tehran ee ay ku sii wadi karto tallaabooyin la xisaabtamay iyadoo aan kicin jawaab si buuxda u beddesha xisaabaadka siyaasadeed iyo milatari ee Maraykanka.
Weerarka lama filaanka ah ee xiga ayaa noqon kara mid go'aamiya jihada ay colaaddani u leexan doonto.












