Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda Qubrus kaddib qoraalkii guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan Qubrus aanu waxba iska beddelin, kaddib markii guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku adeegsaday magaca "Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus".
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay 21-ka Agoosto ku sheegtay in Soomaaliya ay weli si buuxda u taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus.
Wasaaraddu waxay sheegtay in mowqifka Soomaaliya uu ku saleysan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka, iyadoo si gaar ah u xustay qaraarrada 541 ee sannadkii 1983 iyo 550 ee 1984.
Bayaanka ayaa sidoo kale si toos ah uga hadlay qoraalkii dhaliyay su'aalaha.
"Qoraalka oo ah isgaarsiinta shakhsiyeed ee la tixraacay kama tarjumayo, mana aha in loo fasirto, wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo lagu daray in qoraalkaasi aanu ahayn aqoonsi loo fidiyay "wax maamul gaar ah oo ku yaalla qaybta waqooyi ee Qubrus", isla markaana dowladda federaalka aysan qaadan wax go'aan ah oo lagu beddelayo mowqifkeedii hore.
Maxaa arrintan dhaliyay?

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Isniintii, 17-kii Agoosto, guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyay Dr Ziya Öztürkler oo ugu hambalyeeyay doorashadiisa guddoomiyenimo.
Qoraalka uu bartiisa X soo dhigay ayuu Öztürkler ku tilmaamay: "Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus."
Adeegsiga magacaas ayaa muhiimad siyaasadeed yeeshay sababtoo ah "Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus" waxaa dal madax-bannaan u aqoonsan Turkiga oo keliya.
Inta badan beesha caalamka waxay Jamhuuriyadda Qubrus u aqoonsan tahay dowladda sharci ahaan matasha jasiiradda oo dhan.
Qoraalka guddoomiyaha keligiis ma ahayn aqoonsi rasmi ah, balse wuxuu dhaliyay su'aal ku saabsan in adeegsiga magaca buuxa ee maamulka Waqooyiga Qubrus uu wax ka beddelayay mowqifka Soomaaliya.
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa hadda si cad u sheegay in aanu jirin wax isbeddel ah.
Waa maxay khilaafka Qubrus?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qubrus waxay xornimada ka qaadatay Britain sannadkii 1960-kii, iyadoo nidaamka dowladeed loogu talagalay inay awoodda wadaagaan bulshooyinka Giriigga Qubrus iyo Turkiga Qubrus.
Nidaamkaas ayaa burburay kaddib khilaaf iyo rabshado dhex maray labada bulsho.
Sannadkii 1974-kii, afgambi ay taageeraysay dowladdii milatariga ahayd ee Giriigga ayaa ka dhacay jasiiradda. Kooxihii afgambiga sameeyay waxay doonayeen in Qubrus lagu daro Giriigga.
Maalmo kaddib, ciidamada Turkiga ayaa galay waqooyiga jasiiradda. Turkiga waxay ku dooddaa in tallaabadaasi ahayd faragelin ay ku ilaalinaysay bulshada Turkiga Qubrus iyo xuquuqdeeda dal dammaanad-qaade ah.
Tan iyo markaas, jasiiradda waxay u kala qaybsan tahay laba maamul.
Koonfurta waxaa maamusha Jamhuuriyadda Qubrus oo caalamku aqoonsan yahay, halka waqooyiga ay maamulaan Turkiga Qubrus.
Sannadkii 1983-kii, maamulka waqooyiga ayaa ku dhawaaqay "Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus".
Türkiye ayaa aqoonsatay, balse dal kale oo xubin ka ah Qaramada Midoobay ma aqoonsana.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraarka 541 ku sheegay in ku dhawaaqistaasi sharci ahaan aanay ansax ahayn, wuxuuna dalalka ugu baaqay inaanay aqoonsan wax dowlad Qubrus ah oo aan ahayn Jamhuuriyadda Qubrus.
Qaraarka 550 ee sannadkii xigay ayaa sii xoojiyay mowqifkaas.
Waa isla labada qaraar ee ay dowladda Soomaaliya si gaar ah ugu xustay bayaankeeda cusub.
Maxay Qubrus ka tiri?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
BBC Somali ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Qubrus kala xiriirtay qoraalka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo in dowladda Qubrus ay u aragto inuu wax ka beddelayo mowqifka Soomaaliya.
Waaxda Isgaarsiinta iyo Diblomaasiyadda Dadweynaha ee Qubrus ayaa BBC-da u xaqiijisay in jawaab waqtigeeda ku haboon la soo gudbin doono.
Ilaa hadda, Qubrus kama aysan bixin jawaab faahfaahsan oo ku saabsan sida ay u aragto qoraalka guddoomiyaha.
Dowladda Soomaaliya se waxay hadda si cad u sheegtay in qoraalkaasi aanu ka tarjumayn siyaasaddeeda arrimaha dibadda, isla markaana aysan aqoonsanayn maamul gaar ah oo ka jira waqooyiga Qubrus.
Waxay sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay xal nabadeed oo laga wada xaajoodo oo lagu gaaro hoos yimaada Qaramada Midoobay.















