Siddeed cunto oo qofka ku keena inuu sii daayo hawada caloosha

Caloosha

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, BBC Food
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sii daynta gaasku waa arrin caadi ah, qofka caadiga ahna wuxuu gaas sii daayaa qiyaastii 5 ilaa 15 jeer maalintii. Dhab ahaantii, in aad maalin gaar ah gaas badan sii dayso waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa caafimaad wanaagsan, haddii aan la tixgelin raaxo-darrada ama xishoodka ay taasi keeni karto.

Sababtu waxay tahay in cuntooyinka keena gaaska ay badanaa yihiin karbohaydraytyo iyo cuntooyin hodan ku ah fiber, kuwaas oo jirkaagu aanu si buuxda u burburin karin, balse bakteeriyada ku jirta mindhicirka ay dheefshiidi karaan.

Haddaba, cuntooyinkee ayaa kaa dhiga in aad gaas badan sii dayso, maxaa gaaskaaga ka dhiga mid ur xun leh, iyo goorma ayay tahay in aad dhakhtar la tashato?

1. Cuntooyinka dufanka badan

Cuntooyinka dufanka badan waxay gaabiyaan dheefshiidka, taasoo keeni karta in cuntadu muddo ku sii jirto mindhicirka, halkaasna ay ku khamiirto oo ay soo saarto ur xun.

Hilibka dufanka badan wuxuu leeyahay dhibaato gaar ah, sababtoo ah wuxuu hodan ku yahay amino acid-ka methionine, oo ka kooban maaddada sulfur.

Bakteeriyada ku jirta mindhicirka ayaa maaddadan u beddesha hydrogen sulfide, oo ah gaaska leh urka ukunta qudhuntay. Taasina waxay xoojisaa urta gaaska ay soo saaraan cuntooyinka kale ee aad hilibka la cuntid.

2. Digirta

Digirta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Digirta iyo misirtu waxay hodan ku yihiin fiber, laakiin sidoo kale waxay ka kooban yihiin raffinose, oo ah nooc sonkor isku dhafan ah oo jidhkeennu aanu si fiican u dheefshiidin.

Sonkortan waxay gaaraan mindhicirka, halkaas oo bakteeriyada mindhicirku ay u isticmaalaan tamar ahaan. Tani waxay keentaa inay soo saaraan hydrogen, methane iyo xitaa gaas ur xun leh.

3. Ukunta

Si ka duwan sida dad badani aaminsan yihiin, ukuntu badanaama keento gaas badan.

Laakiin ukuntu waxay ka kooban tahay methionine oo hodan ku ah sulfur. Sidaa darteed, haddii aadan doonayn in gaaskaagu ur xun yeesho, iska ilaali inaad ukunta la cunto cuntooyinka keena gaaska, sida digirta ama hilibka dufanka badan.

4. Basasha

Haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Basasha, toonta iyo basbaaska cagaaran dhammaantood waxaa ku jira fructans, oo ah nooc karbohaydrayt ah oo sababi kara gaas ku samaysma caloosha.

5. Caanaha

Caanaha lo'da iyo kuwa riyaha waxay ka kooban yihiin lactose, oo ah nooc sonkor ah oo kordhin karta gaaska caloosha.

Intaa waxaa dheer, ku dhawaad 65% dadka waaweyn ee dunida ayaa leh heer ka mid ah dulqaad la'aanta lactose, sidaas darteed cunista ama cabista waxyaabaha caanaha laga sameeyo waxay keeni kartaa calool-barar iyo gaas.

Caano

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

6. Qamadiga iyo badarka

Fructans-ka gaaska keena iyo fiber-ka qaarkood waxay ku jiraan badarka sida boorashka iyo waxyaabaha laga sameeyo qamadiga. Sidaa darteed, rootiga, baastada iyo badarka aan la sifayn waxay sababi karaan gaas badan.

Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah badarka sida qamadiga iyo shaciirka waxaa ku jira gluten.

7. Brokoli iyo kaabash

Kaabashka, brokoliga, caleenta kaabashka iyo khudaarta kale ee cagaaran waxay hodan ku yihiin fiber, taasina mararka qaarkood waxay ku badnaan kartaa hab-dhiska dheefshiidka oo uu jidhku ku adkaado inuu si buuxda u dheefshiido.

Laakiin bakteeriyada ku jirta mindhicirka ayaa jecel inay fiber-kaas u isticmaasho tamar ahaan, taasina waxay keentaa gaas.

Khudaartan sidoo kale waxay ka kooban yihiin maaddada sulfur, taas oo, sida aad hore u ogtahay, keeni karta ur aan fiicnayn.

kaabash

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

8. Miraha

Miraha badan, sida tufaaxa iyo cambaha waxay leeyihiin xaddi badan oo sonkor dabiici ah oo loo yaqaan fructose. Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah tufaaxa wuxuu sidoo kale hodan ku yahay fiber.

Dadka qaarkood way ku adag tahay inay dheefshiidaan fructose-ka, taasina waxay u keeni kartaa gaas caloosha ku samaysma.

Ma joojin kartaa gabi ahaanba gaaska?

Miraha, khudaarta iyo digirtu waxay sababi karaan gaas, laakiin cunistooda dhowr jeer maalintii ayaa ka muhiimsan in la iska ilaaliyo gaaska.

Haddii aadan caadaysan cunista cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka, kordhinta xaddiga aad si degdeg ah u cunayso waxay kuu keeni kartaa raaxo-darro.

Si aad u yarayso dhibaatooyinka, fiber-ka cuntadaada si tartiib tartiib ah ugu kordhi.

Biyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Cabitaanka biyo badan wuxuu yareeyaa khatarta calool-fadhiga, kaas oo keeni kara gaas badan. Haddii saxaradu ku sii jirto mindhicirka, waxay sii wadi kartaa inay halkaas ku khamiirto, taasoo soo saarta gaas dheeraad ah oo yeelan kara ur aad u xun. Isku day inaad cunto kasta la cabto biyo, isla markaana aad biyo cabto maalintii oo dhan.

Cabitaannada kaarboonaysan waxay ka kooban yihiin gaas, haddii aadna si badan u cabto, waxaa laga yaabaa inaad daacdo ama gaas badan sii dayso marka loo eego haddii aadan cabin.

Ma tahay inaad ka welwesho?

Inta badan, gaasku ma aha wax laga welwelo. Sababaha badan ee keena gaaska waa kuwo caadi ah, mana u baahna baaritaan ama daaweyn.

Mararka qaarkood, gaas badan wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa dhibaato kale oo caafimaad, sidaas darteed haddii aad ka welwelsan tahay, la tasho dhakhtar.

Gaaska urta xun leh sidoo kale wuxuu noqon karaa saameyn ka dhalata isticmaalka dawooyinka qaarkood.