Madaxweynaha Iiraan: Waxaa wanaagsan in dagaalka la soo afjaro hadda oo aan xukunka heyno

Xigashada Sawirka, IRNA
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka Mareykanka, maaddaama Tehran ay Washington kala joogto meel “awood” leh.
Pezeshkian ayaa yiri: “Waxaa wanaagsan in dagaalka maanta la soo afjaro, xilli aan heyno xukunka oo aan leennahay sharaf, isla markaana dunida oo dhan ay qirayso guusheenna, ayna carrabka ku adkeynayso in Mareykanku, si ka baxsan dhammaan xeerarka, uu weeraray iskuulladeenna, isbitaalladeenna iyo kaabayaasheenna, isla markaana dunidu ay neceb tahay.”
Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale natiijadii wadahadalladii Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo horseeday in la saxiixo Is-afgaradkii Islamabad, ku tilmaamay “guul weyn”.
Wuxuu sheegay in heshiiska “si midnimo iyo isfaham leh loogu ansixiyay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, dhammaan xubnihii golaha ee arrintan ku lug lahaa ay si adag u difaaceenna.”
Pezeshkian ayaa sidoo kale dhaliilay dadka uu sheegay inay “dibadda ka fadhiyaan” oo “aan garanayn waxa ay dowladdu ku guda jirto, xaaladda baarlamaanku ku jiro iyo waxa taliyayaashu ku jiraan.”
Pezeshkian ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hadalladiisu aysan ka dhignayn in Iran ay isu dhiibayso gardarro kasta oo iman karta: “Sinnaba uguma jilicsanaan doonno cagajuglaynta, arrintaasna shaki kuma jiro. Waxaan la hor istaagi doonnaa ilaa neeftayada ugu dambaysa, waxaana siin doonnaa jawaab burburinaysa.”
Warar dheeraad ah:









