Mareykanka oo wacad ku maray inuu weerarayo haddii Iiraan yeelato hubka Niyukliyeerka

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaweyne Joe Biden, ayaa ballan qaaday in Maraykanku “uu diyaar u yahay inuu isticmaalo dhammaan qeybaha kala duwan ee awooddiisa qaran”, si uu u hor istaagi in dowladda Iiraan hanato hubka Niyukliyeerka.
Biden, ayaa hadalkan ku dhawaaqey maalinta labaad safar shaqo oo uu ku jooggo Israa’iil, xiligaasoo ay wada joogeen ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid.
Israa’iil ayaa u aragta barnaamijka Niyukliyeerka Iiraan inuu yahay mid halis ah, inkastoo ay dowladda Iiraan ay ku adkeysatey inuu yahay mid nabad gelyo ah.
Madaxweyne Biden ayaa maalinta JImcaha ah wada hadal la yeelan doona madaxda Falastiiniyiinta, kahor inta aanu u gudbin dalka Sucuudiga.
Biden waxa uu ku qeexay balan qaadyo istiraatiijiyadeed oo is xigxiga, oo xoojinaya xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Israa’iil, oo ah xulafada ugu dhow ee gobolka, document loo yaqaanay Bayaanka Wadajirka ah ee iskaashiga muhiimka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.
Waxa uu sidoo kale balan qaaday in Mareykanka uu “si wadajir ah ula shaqeyn doono dalalka kale ee bahwadaagta kamid ah, si loogga hortago gardarada iyo dhaq dhaqaaqyada xasilooni darida ay abuurto Iiraan, oo ay ku jiraan adeegsiga Iiraan ee “Ururada argagaxisada sida Hizbullah, Hamas iyo Islamic Jihad ee reer Falastiin.
Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa in muddo dheer ah ku eedeynayey dowladda Iiraan inay maal galiso argagaxisada ka jirta Bariga Dhexe iyo meelo kalaba.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iiraan waxey dhaqaale iyo tababar siisaa dhaq dhaqaaqa xoogga ee Xisbullaah ee Lubnaan, iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyo Jihaad Islaamiga ka hawlgala Marinka Gaza.
Iiraan ayaa beenisay iney taageerto argagaxisada, waxeyna sheegtay in ururada ay taageerto ay yihiin kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kula jira gardarrada Israa’iil iyo Mareykanka.
Barnaamijka Niyukliyeerka ee Iiraan, ayaa wuxuu xiisad ka dhex aloosay dowladdani iyo dalalka Reer Galbeedka, oo uu Mareykanku ku jiro.
Waxey jabisay Iiraan xadkii loo asteeyey inaaney ka gudbin, kaasoo ku saleysnaa heshiis la gaarey sanadkii 2015-kii, iyadoo la jabiyey heshiiskan sanadkii 2018-kii, xiligii maamulkii hore ee Donald Trump, oo dib usoo celiyey cuna qabateyn curyaamisay dhaqaalaha Iiraan.
Maamulka Tehran, ayaa tilmaamey in barnaamijka Niyukliyeerka uu waligiis ahaa mid nabdoon, balse quwadaha Reer Galbeedka iyo hey’adda caalamiga ah ee ilaalisa Niyukliyeerka, ay tilmaameen inaysan ku qanacsaneyn hab dhaqanka Iiraan.
Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa marar badan ku cel celiyey in aaney marnaba ogolaan doonin in Iiraan ay hesho hubka Niyukliyeerka, haddana labada xulafo ayaa ku kala duwan sida hawshaas loo qabanayo.
Biden, ayaa waxa uu doonayaa inuu dib usoo nooleeyo heshiiskii sanadkii 2015-kii, isaga oo lasoo baxay shuruudo adag, inkasta oo wada hadalo bilo qaatay oo la doonayey in lagu soo celiyo heshiiska ay hakad galeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Israa’iil waxey dooneysaa in gabi ahaanba la joojiyo barnaamijka Niyukliyeerka ee Iiraan, waxeyna sheegtay inay xaq u leedahay isticmaalka xoog, haddii taasi ay lagama maarmaan tahay.
Wareysi uu siiyey Channel 12 ee Israa’iil Arbacadii, Biden wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu awood u adeegsado Iiraan “haddii ay taasi tahay noqoto lagama maarmaan”.
Safarka madaxweynaha ayaa waxaa ka muuqanaya tilmaamo ku saabsan xiriirka qotada dheer ee aan la gilgili karin, adag ama laf dhabarta ah, ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Mareykanka.
Laakiin dhab ahaantii, qaar kamid ah Israa’iiliyiinta, ayaa aad uga walaacsan inta sii socon karto siyaadda Mareykanka ee baritaarta dowladda Israa’iil.
Mar wareysi lala yeeshay Madaxweyne Biden, ayaa lagu weeydiiyey hadalada kasoo baxaya xisbiga Dimuqraadiga, ee tilmaamaya in dowladda Israa’iil ay tahay mid ku dhisan midab takoor, kuwaasoo ku boorinaya dowladda Mareykanka iney joojiso taageerada hubka ee shuruud la’aanta ah.
Waxa uu sheegay in fikradahani yihiin kuwo ay wadaan dad yar, isla markaana ah kuwo qaldan, isagoo dhanka kale carabka ku dhuftay in aaney sinaba u dhici doonin in xisbigiisa uu meel cidla ah kaga tagi doonin dadka Israa’iil.
Jimcaha, Biden ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, isagoo kusugan Beyt Laxam, oo ku taalla Daanta Galbeed, ee dhulalka la heysto.
Falastiiniyiinta ayaa doonaya in Mareykanku uu wax ka qabto sidii dib looggu bilaabi lahaa wada hadaladii nabadda ee Israa’iil, iyo in dib loo furo qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Qudus, oo safaarad dhab ah u aheyd Falastiin, kahor inta aanu xirin maamulkii hore ee Madaxweyne, Donald Trump, ee sanadkii 2019-kii.
















