Muxuu Trump sameeyay oo ka duwan intii Obama sameeyay oo ku saabsan Iran?

Trump iyo Obama

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku faanay heshiiska cusub ee Mareykanka iyo Iran inuu yahay guul weyn oo dhanka diblomaasiyadda iyo amniga ah marka loo eego wixii la gaaray xilligii dowladdii Barack Obama.

Ku xigeenkiisa JD Vance ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka Nukliyeerka ee Iran si buuxda loo burburiyay, isla markaana heshiisku uu xaqiijin doono in Tehran aysan mar kale dhisi doonin awoodda ay ku soo saarto hubka Nukliyeerka.

Isagoo xusay in heshiis qabyo ah oo ka kooban 14 qodob uu Trump soo bandhigi doono ka hor Jimcaha marka ay saxiixaan heshiiska is-afgaradka.

Laakiin intee in le'eg ayuu heshiiskani kaga duwan yahay kii la gaartay 2015 xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama?

Dagaalkaas oo socday in ka badan boqol maalmood ma laga gaaray hadaf?

Farqiga dhinac habdhaqanka ee u dhaxeeya Obama iyo Trump

Farqiga u dhexeeya labada maamul ee Maraykanka, hadda jira iyo kii hore aya aah mid cad.

Madaxweynaha hadda ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska cusub ee Washington iyo Tehran looga golleeyahay in lagu xaqiijiyo in Iran aysan mar kale horumarinin awoodda Nukliyeerka.

Hadalkaas, Donald Trump wuxuu si adag u dhaleeceeyay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 (JCPOA) ee uu kormeerayay Barack Obama, isagoo ku andacoonaya inuu fursad u siiyay Iran inay horumariso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Heshiiska Obama waxa uu ahaa sidii Iran ay ku heli lahayd hubka Nukliyeerka ah, iyada oo ay ku lug leedahay lacag aad u badan, waxaanu ahaa heshiisyadii ugu xumaa uguna nacasnimada badnaa ee uu Maraykanku sameeyo, dhinaca kale, heshiiskayagu waa difaac adag oo gebi ahaanba Iran ka hor istaagaya in ay hesho hubka Nukliyeerka, waana lidka saxda ah ee heshiiskii Obama".

Bayaanka ayaa muujiyay in Trump uu gabi ahaanba beddelay nuxurka heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, ee loo yaqaannay Qorshaha Wadajirka ah ee Dhaqdhaqaaqa (JCPOA), kaas oo ahaa heshiis dhex maray Iran iyo quwadaha waaweyn ee adduunka oo ujeeddadiisu ahayd in Tehran laga ilaaliyo in ay samaysato hubka Nukliyeerka si looga qaado qaar ka mid ah cunaqabataynta dhaqaale.

Heshiiska oo uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Barack Obama, Iran waxay ogolaatay inay hoos u dhigto heerka tayeynta Yuraaniyaamkeeda ilaa 3.67 boqolkiiba, heerkaas oo ku habboon isticmaalka rayidka laakiin aan ahayn hubka Nukliyeerka.

Laakiin heshiiska lagu saxiixi doono Switzerland Jimcaha, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, wuxuu sheegay in barnaamijka Nukliyeerka Iran "gabi ahaanba la burburiyey" iyo in heshiiska cusub uu ujeedkiisu yahay in Tehran aysan dib u dhisin awooddaas.

Si kastaba ha ahaatee, farqi kale oo sidoo kale soo baxaya waa xajmiga dukumentiyada.

JCPOA waxa uu ahaa heshiis dhameestiran oo ka kooban 18 bog, halka heshiiska Trump oo lagu tilmaamay heshiis is afgarad uu ka kooban yahay hal bog iyo bar oo kaliya, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance.

Muxuu yiri Obama?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa aaminsan in inkastoo Aqalka Cad uu ku andacoonayo inuu horumar cusub ka gaaray Iran, haddana heshiis kasta oo ka soo baxa dadaallada Donald Trump ay u badan tahay inuu la mid yahay kii 2015 ee JCPOA, heshiiskaas oo Trump laftiisu uu ka baxay xilligii ugu horreysay ee madaxweynenimada.

"Waxaa jirta fursad yar oo ah in heshiis kasta oo la gaaro uu ka fiicnaan doono ama ka duwanaan doono kii aan horay u haysanay," ayuu yiri Obama.

Obama ayaa sidoo kale isbarbardhiggan u adeegsaday dhaliilo uu u jeediyay Donald Trump siyaasadiisa arrimaha dibadda oo inta badan ku dhisan hanjabaad iyo awood ciidan, isagoo ku dooday in natiijada hadda la sheeganayo lagu gaari karay qaab dublamaasiyad oo aan la qaadin dagaal.

"Fikirka ah in aan ku qasbi karno kuwa kale ama aan ku xallin karno dhibaatooyinka bambooyin waxay u muuqan kartaa mid soo jiidasho leh mararka qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in ay muhiim tahay in la siiyo waqti diblomaasiyadda iyo in la isticmaalo fursad kasta oo suurtagal ah si loo gaaro heshiis, xitaa haddii aysan xallin dhibaatada boqolkiiba 100, waxay xallin kartaa 80 ama 90 boqolkiiba wakhtiga iyada oo laga fogaanayo baahida loo qabo in la galo dagaal," ayuu yiri Obama.

Waxa uu intaa ku daray in ay ahayd in dunidu ay casharkaas barato hadda, balse ay marar badan isku aragto in ay ku soo noqnoqonayso khaladaadkii hore oo kale oo ay tahay in ay dib u barato qiimaha dublamaasiyadu u leedahay xallinta khilaafaadka caalamiga ah.

Qiimaha uu ugu kacay Maraykanka dagaalka uu galay

Farqiga weyn ee uu Trump sidoo kale sheegay ayaa ah in markan Mareykanka uu galay dagaal ka hor inta uusan gaarin meel dhexe. Si ka duwan Obama oo ku tiirsanaa dublamaasiyadda, Trump waxa uu amray in la weeraro Iran oo uu hadda ku andacoonayo in kaabayaashii Nukliyeerka ee dalkaas la burburiyay, kaydkii Yuraaniyaam-ka laga saaray ama gebi ahaanba la qariyay.

Sida uu sheegay Obama, markan dagaalka ka dhanka ah Iran waxa uu Maraykanku kaga baxay kharashaad ka badan maamulkiisa oo isticmaalay hab dublamaasiyadeed.

Iran ayaa ka jawaabtay weerar ay ku qaaday qaar ka mid ah dalalka ay deriska yihiin ee Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Israa'iil, taasoo sii xoojisay xasillooni darro ka jirta gobolka markii horeba ay colaadi ka jirtay.

Intaa waxaa dheer, Iran waxay xirtay marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah shixnadaha shidaalka iyo gaaska caalamiga ah. Talaabadan ayaa sababtay sare u kac ku yimid qiimaha tamarta iyo bacriminta suuqyada caalamiga ah waxayna saamaysay dhaqaalaha dalal badan.