Madaxweyne Yurubiyaan ah oo sheegay inuu socdo dagaalkii 3-aad ee dunida

Madaxweyne Aleksandar Vucic

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Aleksandar Vucic
Published

Colaadda ka taagan Ukraine waa dagaalkii saddexaad ee dunida, waxaana Galbeedku ay Ruushka kula dagaallamayaan Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic.

“Waa in aan fahanno in dagaalka dunida – maadaama uu hadda ka gudbay dagaalka Ukraine mid gobol ama mid maxalli ah – ay dhammaan dalalka Galbeedku kula dagaallamayaan Ruushka iyagoo adeegsanaya Ukraine. Waa dagaal caalami ah,” ayuu ku sheegay waraysi uu Arbacadii siiyay Pink TV.

Madaxweynaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay heerka uu marayo dagaalka Ukraine, waxaana uu tilmaamay inuu ka sii dari karo. Serbia ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonto sidii loo xoojin lahaa amniga waddamada Balkans-ka.

Madaxweyne Vucic ayaa tilmaamay in marka uu Ruushka qabsado dhul ballaaran oo ka tirsan Bariga Ukraine, uu markaa Vladimir Putin soo hordhigi doono waddamada Galbeedka “qorshe gaar ah”.

“Waxaan ogahay waxa ina sugaya. Marka uu Vladimir Putin ka shaqeysto Bariga Ukraine uuna soo gaaro furimaha labaad, waxa uu markaa soo bandhigi doonaa qorshe. Haddii ay waddamada Galbeedka diidaan qorshahaas – oo ayba diidi doonaan – waxaa halkaa ka billaaban doona musiibo weyn,” ayuu saadaaliyay Madaxweynaha.

Serbia ayaa xilligan xiriir wanaagsan la leh Ruushka iyo Shiinaha, arrintaas oo ay xukuumadda Belgrade kala kulanto cadaadis xooggan oo uga yimaada dhanka Galbeedka.

Colaadda Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhinaca Ruushka

Bishii la soo dhaafay, weriye ka tirsan telefishin ay leedahay dowladda Ruushka ayaa sheegtay in colaadda Ukraine ay yeelatay weji caalami ah, waxaana Olga Skabeeva ay tilmaantay in "dagaalka saddexaad ee dunida" aanu ku koobnaan doonin dalkaas ee uu gaari doono dalalka NATO.  

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa fekerkaas la qaba Alexei Fenenko oo ah barafasoor siyaasadaha dunida ka dhiga jaamacadda Moscow.

"Dagaalka Ukraine waa mid tijaabo noo ah, oo aan ugu diyaargaroobayno dagaal ballaaran oo aan mustaqbalka geli donno. Waxaan tijaabin doonnaa hubka aan haysanno iyo kan NATO, waana arrin argagax leh,” ayuu yiri Alexei Fenenko.

In dagaalka Ukraine uu ka ballaaran yahay sida loo haysto waxaa dhankiisa tilmaamay George Soros oo ah bilyaneer Maraykanka u dhashay.

"Duullaanka Ukraine waxa uu noqon karaa bilowga dagaalka saddexaad ee dunida, waxaana ku afjarmi kara ilbaxnimada maanta jirta,” ayuu yiri Soros oo 91 jir ah. Waxa uu intaa raaciyay in qaabka ugu wanaagsan ee looga baaqsan karo dhibaatadaas ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan looga adkaado Putin.

Ruushka ayaa duullaankiisa Ukraine billaabay 24-kii February ee sanadkan, kadib markii uu dagaalkaas ku eedeeyay inuu khatar ku yahay amniga iyo jiritaanka waddankiisa.

141 maalmood kadib, Ruushka uma suuragelin inuu la wareego qeybo badan oo kamid ah Ukraine.