15 saacadood ayay diyaarad la socdeen meelna ma tagin

Xigashada Sawirka, Mark Gittins
Afar saacadood ayay qiyaas ahaan qaadan lahayd in ay diyaaraddu u kala socoto meesha ay joogeen oo ah garoonka diyaaradaha Gatwick iyo Madeira oo ah halka ay u safrayeen. Hase yeeshee, Mark iyo Caroline Gittins waxaa qabsatay arrin taas ka duwan.
Lammaanahan ayaa qorsheynayay inay u dabbaal-degaan sanad-guurada 60-aad ee Mark. Muddo dhan 15 saacadood ayay ku qaadatay inay gaaraan jasiiradda Madeira, balse waxay ku qasbanaadeen inay dib ugu laabtaan meeshii ay safarka ka billaabeen.
Dabelo xoog leh oo ay la kulantay ayaa diyaaraddii ay la socdeen ee EasyJet u weecisay dhanka Tenerife. Labadaas oo ay halkaas joogeen kaddib waxay ku noqdeen Gatwick.
Shirkadda diyaaradda raalligelin ayay ka bixisay arrinta, hase yeeshee, waxay sheegtay in badqabka macaamiisha iyo shaqaalaha ay mudnaan siinayso.
Gittins ayaa BBC-da u sheegay “in arrinta ay la kulmeen ay tahay mid ay adag tahay in la rumeysto”.
“In aad safar ku jirto 15 saacadood adigoo u socda meel isla dalkaaga ka mid ah waa wax aan layaab leh, waxayna nagu tahay naxdin,” ayuu yiri. “Ma aamini lahayn haddii uu qof dhihi lahaa sidaas ayay wax u dhici doonaan.”
‘Cidlo looga dhaqaaqay’

Xigashada Sawirka, Mark Gittins
Gittins wuxuu tagay garoonka Gatwick subixii Isniinta, saacaddu markii ay ahayd 3:40am si uu isugu diiwaangeliyo safarka dhanka hawada ah. Duullimaadkooda wuxuu dib u dhacay qiyaastii saacad. Markii ay baxayeen wuxuu kabtanka u sheegay rakaabka diyaaradda in ay dabeylo xooggan ka jiraan Madeira, hase ahaatee uu rajeynayo in ay ka gudbi doonaan.
Laakiin, dhow saacadood kaddib waxaa lagu wargeliyay in diyaaradda looga weeciyay jihadii ay ku socotay sababo la xiriira hawada iyo cimilada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Balse wuxuu walaacu igu billowday markii 30 daqiiqo kaddib uu kabtanku nagu yiri, ‘waan ka xumahay warka aan idin hayo war fiican ma aha’, waa markaas marka ay wax kasta isbeddeleen,” ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay in diyaaraddu ay ballan-qaadyo kala duwan u sameysay intii ay hawada ku jireen, sida in ay xaaladdu caadi ku soo noqoneyso oo ay caga-dhigan doonto garoonka diyaaradaha Tenerife. Mar waxaa lagu wargeliyay in loo weecan doono dhanka UK. Diyaarad kale in lagu wareejin doono, raashin iyo sahay kalena ay heli doonaan ayuu xusay inay ku jiraan ballamada loo sheegay ee beenoobay.
Lamaanuhu waxay sheegeen in ay lacagtooda u celisay Tui oo ah shirkadda ay tikitka ka jarteen, ayna u suurtagashay inay u safraan Faransiiska, halkaas oo ay dhalashada ku xuseen. Si kastaba ha ahaatee waxay sheegay “in ay dareemeen in gebi ahaanba ay EasyJet cidlo uga dhaqaaqday”.
Shirkaddu waxay raalligelinta raacisay ikhtiyaar ah inay dadku lacagtooda ceshan karaan ama ay dib isugu diiwaangelin karaan safarradooda.












