Colaadda Ukraine: Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee uu Ruushku ku waayay dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaan horey u sheegnay in BBC ay u suurtagashay in ay xaqiijiso dhimashada in ka badan 1,000 askari oo Ruush ah, kuwaas oo 20% ka mid ah ay yihiin saraakiil.
Xitaa haddii aan ka hadalno khasaaraha la xaqiijiyay oo kaliya - waxaa jira caddayn ah in Ruushku uu lumiyay qaar ka mid ah khabiiradiisa ugu fiicneyd, oo ay ku jiraan abaanduulayaasha ciidamada gaarka ah, duuliyeyaasha diyaaradaha dagaal oo xirfad sare leh iyo qaar ka mid ah taliyayaasha khibradda sare lahaa.
Waxay qaadataa shan sano iyo ugu yaraan $10,000 in lagu diyaariyo sargaalka hogaamiya guutooyiinka ciidamada dhulka ee Ruushka.
Takhasusyada kale, qiimuhu wuxuu kor u dhaafayaa ilaa $60,000 sarkaalkiiba. Waxay ku kacaysaa inta u dhaxaysa $4m iyo $14m (waxayna qaadanaysaa ilaa 14 sano) si loo diyaariyo duuliye dagaal oo xirfad leh.
Waxaan sidoo kale ogaanay in qiyaastii 15% dhammaan askartii Ruushka kaga dhimatay dagaalka ayaa ahaayeen ciidammada gaarka ah ee dalaayadaha ku booda oo loo arko in ay yihiin guutooyiinka ugu sarreeya ciidamada Ruushka.
Diyaarinta iyo tababarka ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ruushku waxay u baahan tahay lacag iyo waqti dheeraad ah marka loo barbar dhigo ciidamada lugta ee caadiga ah.
In Ruushka ay dagaalka ku waayaan ciidamada noocan ah ayaa ah mid xasaasi ah.
Qaar ka mid ah saraakiishani ayaa ahaa kuwa leh khibrad aad u sareeysa , tusaale ahaan duuliye kabtan Sergei Volynets wuxuu ka dagaalamay Georgia iyo suuriya, wuxuuna heystay billado dhowr ah.
Waxaa jira ugu yaraan 15 hawl wadeenada ciidamada gaarka ah ee sirdoonka milatariga (oo ay ku jiraan shan sarkaal oo sarsare.)
Saraakiishan waxay qaadataa bilo ama xitaa sannado in la tababaro oo ay qallin-jabiyaan .
Xogtu waxay muujinaysaa in 1,083 khasaare ah taasi oo ay BBC-u suurgashay inay xaqiijiso, 217 ka mid ahi waxay ahaayeen saraakiil sarsare, kuwaas oo darajooyinkoodu u dhexeeyo Sarreeye iyo Sareeye Guud.
Tirada badan ee saraakiisha la sheegay inay dhinteen, waxay u badan tahay in si cad loo shaacin doono.












