Shahbaz Sharif: Arrimaha Nukliyeerka, gantaalada ballistic-ga iyo hantida Iran ee la xayiray ayaa ku jira ajendaha wada xaajoodka

Xigashada Sawirka, Reuters
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo saaka ka hor hadlayay baarlamaanka dalkaasi ayaa yiri “60-ka maalmood ee soo socda, inta ay socdaan wadahadallada farsamo ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, waxaa laga wadahadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, gantaallada ballistic-ga iyo hantida la xayiray.
Mudane Shariif ayaa yiri: “Waxaan si buuxda u rajeyneynaa, haddii Eebbe idmo, fadligiisa Eebbe kor ahaaye, in 60-kan maalmood uu heshiiska is-faham uuu noqdo midwaara”.
Hase yeeshee wakaaladda wararka ee Fars News oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda wada xaajoodka Iran ayaa beenisay hadalka Shahbaz Sharif, waxayna qortay: "Sheekada Shahbaz Sharif ee ku saabsan in la soo hadal qaado arrinta gantaallada ballistic-ga ee wadahadalka Iran iyo Mareykanka waa been, arrintanina kuma jirto ajandaha wadahadalka."
Maanta, madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa booqday Pakistan. Shahbaz Sharif ayaa ku soo dhaweeyay Islamabad.
Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa soo dhaweynayta Masoud Pezeshkian.

















