Dettol oo isku xayaysiisay in ay nadiifiso 'ragga qarriban' kadibna ku qasbanaatay in ay raaligalin ka bixiso

Dettol

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Kelly Ng
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Shirkadda nadaafadda ee Ingiriiska laga leeyahay, Dettol ayaa raaligelin ka bixisay xayaysiis ay ku baahisau Shiinaha oo ay ku andacoonaysay in ay ugu talo gashay in ay wax uga qabato beegsiga ku salaysan jinsiga, laakiin taa beddelkeeda ku noqday dhibaato ku soo noqotay.

Xayeysiiskan oo shan daqiiqo ah oo loogu talagalay jeermis-dile ujeedooyin badan loo isticmaalo, waxaana loo qaabeeyey sida riwaayad yar oo kale. Waxa uu ku bilaabmayaa nin raadinaya lammaane "nadiif ah" oo "aysan saamayn fikirka raga kale".

Ujeedka muuqaalka ayaa la fahmayaa, marka saaxiibtiis cusubi ay kor u sheegto xumaantiisa ah in uu dumarka neceb yahay, kadibna waa ay ka tagaysaa. Badeecadda Dettol ayaa markaa la soo bandhigayaa sidi in ay tahay xalka looga hortagayo "raga sunta ah [kuwaasoo] la mid ah bakteeriyada".

Xayeysiiskan ayaa buuq ka dhaliyay internet-ka Shiinaha, iyadoo qaar ka mid ah dadka ka hadlay ay sheegeen in uu ka soo horjeedo haweenka halka kuwa kalena ay ku baaqeen in la qaadaco shirkadda.

Dettol waxa ay sheegtay in xayaysiisku, oo markii dambana laga saaray meeshii la soo dhigay, loogu talagalay in lagu dhaleeceeyo fikradaha jinsiga, laakiin sidii looga hadlay ay markii dambe qaloocisay farriintii uu xambaarsanaa.

"Waxaan xusaynaa in dad badan ay dhibsadeen, gaar ahaan haweenka, waxaan qaadaneynaa mas'uuliyadda dayacaad kasta oo ka timaadda abuurista iyo dib u eegista waxa ku jira xayeysiinta," Dettol ayaa ku tiri hadal ay soo saartay Isniintii.

Shirkaddu waxay kaloo sheegtay inay dib u eegis ku samayn doonto habraacyada samaynta xayaysiisyadeeda.

Dettol waxaa lagu aasaasay hammi ah in la "ilaaliyo caafimaadka" qoysaska, ayay tiri, iyada oo raacisay: "Laakiin waxaan si fiican u ognahay in ilaalinta dhabta ahi ay sidoo kale ku jirto ilaalinta sharafta qof kasta iyo xaqa ay u leeyihiin in loola dhaqmo si siman."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xayeysiiska ayaa doodo kulul ka dhaliyay guud ahaan baraha bulshada ee Shiinaha dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, iyada oo dad badan ay ka xanaaqeen is barbar dhigga "nadiifnimada" qof bani'aadan ah iyo awoodda jeermis dilidda ee alaabta Dettol.

"Waa maxay xayaysiinta qashin-qubka ah. Wax aan sheegaba waan garan waayay," sida wax yiri mid ka mid ah dadka iticmaalaha barta Weibo, oo ah madal u dhiganta barta X gudaha Shiinaha.

"Maxay yihiin shirkad aan rajo lahayn, maxay maamulkooda sare qabanayaan?" faallo kale ayaa lej. "Weligay mar dambe ma isticmaali doono Dettol. Waxaa jira noocyo badan oo shirkado la mid ah oo suuqa ka jira."

Manya Koetse, oo maamusha wargeysa the Eye on Digital ee Shiinaha, ayaa ololaha ku tilmaamtay "mid aan u wanaagsanayn shirkad ganacsigeeda oo dhami uu ku salaysan yahay nadaafadda".

"Xitaa haddii ujeedadu ahayd in la muujiyo in qofka labka ah uu khaldan yahay, farriinta waxaa loo gudbiyay si aad u liidata oo si cajiib ah isla shirkadii dib u haraatisay," ayay tiri.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Dettol, oo ay leedahay shirkadda Ingiriiska ah ee Reckitt, ay isku aragto xudunta muran ka dhex taagan Shiinaha.

Waxay sidoo kale la kulantay dhalliil kale sannadkii hore kadib markii ay siidaysay xayaysiis ay ku jiraan weeraha ah: "Naagtu 'waxaa la soo celiyay' wax yar ka hor arooskeeda; sababtoo loo soo celiyay waa in ay tahay in aysan nadiif ahayn."