Maxay ka dhigan tahay calaamadda 'Z' ee astaan u ah ciidamada Ruushka ee ku duulay Ukraine ?

Xiddiga ciyaaraha qalaama rogadka Ruushka Ivan Kuliak ayaa wajahaya dacwad anshax marin ah oo ay ku qaadayaan Xiriirka ciyaaraha Jimicsiga Caalamiga ah (FIG) ka dib markii uu xarafka "Z" ku soo bandhigay madal uu ku sugan yahay nin Ukraine u dhashay dalkaasi Qatar ah.
Laakiin maxay calaamaddu ka dhigan tahay?
Dalka Ruushka xarafka , "Z" ayaa loo arkaa in uu yahay astaan dagaal oo adag oo muujinaya duulaanka madaxweyne Putin ee Ukraine.
Waxaa xarafkan Z horay u soo bandhigay siyaasiyiin, waxaa la arkayay isaga oo ku dhagan jambiyada gawaarida iyo waliba isaga oo xayiisiis ahaan loogu dhajiyay darbiyada qaar.

Xitaa waxaa adeegsadey calaamadda "Z" Serbiyiinta dhigayay banaanbaxyadii lagu taageersanaa Ruushka ee Belgrade.
Sawirrada ayaa waxaa sidoo si wayn ay dadka iskula wadageen baraha bulshada ay ku wada xiriirto.
Waxa ay arrintan noqotay sidoo kale mid si wayn ay bulshada u hdal hayaan , ayay tiri Aglaya Snetkova, oo bare cilmiga siyaasadda caalamiga ah ka dhigta ah jaamacada Slavonic. "
"Siyaalo badan ayaa loo soo bandhigay, tani waxay muujinaysaa heerka uu Ruushku yahay, ama uu ahaa, qayb aad u badan oo ka mid ah adduunka."
Halka zed ee alifbeetada Ruushka ay u qoran tahay si kala duwan - una eg 3 - hadana inta badan dadka Ruushku waxay garanayaan xarfaha Laatiinka.
Emily Ferris, oo ah Cilmi Baare , ayaa yiri "Z" waa calaamad awood leh oo si fudud loo aqoonsan karo.
"Inta badan marka dacaayadda la fidinayo, waxyaabaha ugu fudud ayaa sida ugu dhaqsaha badan u faafa," ayay tiri. "Waxay u muuqataa mid cabsi gelin ah oo aad u adag.
Marka laga eego dhinaca bilicda, waa calaamad aad u xoog badan."
Waxay qaadatay wax ka yar laba toddobaad in xarafka "Z" uu ku dhex faafo kuwa taageersan duulaanka Madaxweyne Putin.
Magaalada Kazan ee bartamaha Ruushka, qiyaastii 60 carruur ah iyo shaqaale ka tirsan rugta daryeelka caafimaadka ayaa lagu sawiray bannaanka baraf iyagoo samaynaya xarafka "Z" weyn oo ku yaalla dhismahooda hortiisa.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay waxa calaamadda "Z" ay dhab ahaantii ka dhigan tahay.
Waxay markii ugu horeysay soo jiidatay baraha bulshada ka dib markii taangiyada Ruushka oo ay ku yaalaan "Zs" lagu arkay iyaga oo ku sii jeeda Ukraine.
Markii hore, waxaa loo malaynayay in "Z" uu dhab ahaantii ahaa lambar "2" - oo ka dhigan 22 Febraayo (22/02/2022).
Taasi waxay ahayd maalintii uu Ruushku ansixiyay heshiis ku saabsan "saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-caawin" oo ay la yeeshaan gobollada iskood isku magacaabay ee ka goostay bariga Ukraine - Donetsk iyo Luhansk.
Laakiin hadda waxaa la rumeysan yahay in calaamaddaasi ay tahay mid loogu talagalay in ciidamada ay si fudud isu aqoonsan karaan marka ay taangiyadooda dagaalka ku jiraan.
Toddobaadkii hore, daawadayaasha barnaamijka wararka ee Channel One ee ay dawladda Ruushka ayaa loo sheegay in "Z" uu yahay calaamad caadi ah oo lagu garto qalabka militariga Ruushka.
Shabakadda wararka Tsargrad ee taageerta Putin ayaa akhristayaasha u sheegtay in calaamadani tahay mid si fudud uga hortagi karta in ciidamada Ruushka ay isku qaldamaan oo ay iyagu is duqeeyaan".

Ruug-cadaaga ciidamada gaarka ah ee Ruushka Sergey Kuvykin ayaa u sheegay majaladda Ruushka ee Life, in calaamado kala duwan ay tilmaamayaan cutubyo militari oo kala duwan.
"Calaamadaha kuwan oo kale ah ayaa la adeegsadaa - 'Z' oo afar gees ah, 'Z' oo goobaabin ah, 'Z' oo xiddig leh ama si fudud 'Z' keligeed.
Waxa uu sheegay in calaamadeyntaasi ay gacan ka geysaneyso in ciidamada, oo laga yaabo in aysan xiriir la yeelan saaxiibada kale, ay joogaan meeshii la rabay.
Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa sidoo kale marka ay arkaan calaamadan ka wareegsanaya oo aan duqeynayn degdeg ah u duulaya si ay u arkaan calaamadaha cad , ayuu yiri Col Tyson Wetzel - oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada cirka oo la shaqeeya The Atlantic Council.
Laakiin, wareysi uu lala yeeshay website-ka Task and Purpose , wuxuu ku raacsan yahay in xarafka"Zs" uu yahay calaamad ay isku gartaan ciidamada Rushka si aysan isugu qaldamin oo isu weerarin" .
Aragti ayaa ah in labada xaraf ee Laatiinka ah ay u taagnaan karaan "vostok", oo macneheedu yahay bari, iyo "zapad", oo macnaheedu yahay galbeed.
Laakiin baraha bulshada, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay in militariga Ukraine ay rumeysan yihiin in "Z" loola jeedo Ruushka "ciidamada bari" - halka "V" ay u tagan tahay "ciidanka badda".















