Dagaalka Ukraine: Ruushka ma wuxuu qirtay in uu ku fashilmay qorshihii uu ka lahaa duulaanka?

Khasaaraha ka dhashay duqeymaha uu Ruushka ka fuliyay Kharkiv

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay duqeymaha uu Ruushka ka fuliyay Kharkiv
Published

Ruushka ma wuxuu wax ka baddali doonaa qorshihiisa militari? Ma waxaa laga yaabaa in xitaa uu yareeyo hadafkii uu ka lahaa dagaalka Ukraine?

Waa xilli hore in laga faaloodo arrintaas laakiin waxaa hubaal ah in Ruushka uu xoogga saarayo arrimahaas.

Jeneraal sare oo Ruush ah oo lagu magacaabo Sergey Rudskoy - ayaa sheegay in "marxaladda koowaad" ee waxa uu madaxweyne Vladimir Putin ku tilmaamay "howlgalka milatari ee gaarka ah" ee Ruushka intiisa badan uu ka fuliyay Ukraine iyo in ciidamada Ruushka ay hadda xoogga saari doonaan "xoreynta buuxda ee gobolka Donbas".

Ciidamada Ruushka ee ku sugan aagagga kale ee Ukraine ayaa u muuqdaa kuwa aan wax guul kasoo hoyin halkaas, ciidamada Ruushka ayaa dib looga riixay fariisimaha ku xeeran caasimadda Kyiv, waxaana la sheegay in ay bilaabeen in ay qotaan dhufeyso si ay uga hortaggaan in laga qabsado halkaas ama inay isku diyaariyaan inay joojiyaan dagaalka.

Waxay u badan tahay in xilli hore ay tahay in la yiraahdo in ciidamada Ruushka ay is dhiibeen isla markaana ay ku guuldareysteen qabsashada caasimadda Kiev balse saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushka maalinba maalinta ka dambeysa uu ku fashilmayo dagaalka.

Jimcihii, waxaa la sheegay in dagaalka lagu dilay janaraal Ruush ah- waana janaraalkii 7-aad oo ka tirsan ciidamada Ruushka oo lagu dilo dagaalka Ukraine- arrintani waxay niyad jab kureebtay cutubyo ka tirsan ciidamadiisa.

Halka ay dhacaan gobollada Donesk iyo Luhansk ee bariga Ukraine
Qoraalka sawirka, Halka ay dhacaan gobollada Donesk iyo Luhansk ee bariga Ukraine
1px transparent line

Tallaabada uu shaaciyay janaraal Sergey Rudskoy ayaa muujineysaa in xukuumadda Moscow ay ogtahay in uu fashilmay istaraatiiiyaddii dagaalka.

"Ruushka wuxuu aqoonsan yahay in uu sii wadi karin howlihiisa isaga oo dhinacyo badan ka wajahayo xaaladda" ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

ilaa 10 cutub oo oo cusub oo taatikada Ruushka ah ayaa la abuurayaa, sida ay saraakiishu sheegeen, waxayna ku sii jeedaan Donbas.

Xitaa ka hor inta uusan dagaalka bilaaban bishii hore, waxay ka dhawaajiyeen cabsida laga qabo in Ruushku uu sameeyo dadaal wadajir ah si uu u hareereeyo oo uu uga guuleysto cutubyada ugu fiican ee Ukraine kuwaas oo ka kooban Howlgalka Ciidamada Wadajirka ah (JFO), ee ku sugan gobollada bariga dhaca.

Dib u gurashada kama dhigno in meesha laga saaray qorshaha

Cadaadiskan soo cusboonaaday ayaa hadda laga arki karaa in ciidamada Ruushka ee ku sii qulqulayo aagagga aan weli la qabsan ee Donetsk iyo Luhansk, iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay la xiriiraan ciidamada Ruushka ee kusii siiqayo koonfurta ee kasoo laabanyo Kharkiv iyo Izyum.

Iyo haddii Ruushku uu ku guuleysan karo ugu dambeyntii inuu nabadeeyo dekedda Mariupol, oo ku taal Badda Azov, markaas ciidamada kale waxay u dhaqaaqi karaan waqooyiga si u hareereeyaan kuwa Ukraine.

Qaar ka mid ah ujeeddooyinkan ayaa weli u muuqda kuwo aan la gaarin. ciidamada difaacayo Mariupol ayaa qaadaya dagaal xooggan, iyagoo ka hortagaya ciidamada Ruushka.

Waxaa laga yaabaa in Ruushka uu diiradda saaro duqeymaha waa haddii uusoo gabagabeeyo dagaalka Ukraine taas oo ah ujeeddada kaliya ah ee la gudboon in uu gaaro.

Militeriga Ukraine waa kuw edeb leh isla markaana dhiiran, waxay u baahan doonaan gargaar kasta oo ay uga adkaan lahaayeen cadaadiiska.

"Waxaan rajeynayaa in halkaas ay tahay halka saadka hubka ee reer galbeedka uu wax weyn ku soo kordhin doono ciidamada Ukraine," ayuu yiri sarkaal reer galbeed ah.

Haddii maalmaha soo socda la arko in Ruushka uu diiradda saaray gobolka Donbas, taasi macnaheedu ma ahan in xukuumadda Moscow ay iska dhaaftay hadafkii ay ka laheyd dagaalka.

"Ma aragno dib-u-qiimeyn lagu sameeyay duulaanka guud ahaan," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka.

.
line

Wararka la xiriira dagaalka Ukraine