Dagaalka Ukraine: Ergaygii Putin ee arimaha horumarinta oo is casilay

Anatoly Chubais

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Anatoly Chubais
Published

Anatoly Chubais ayaa iska casilay xilkii ergeyga caalamiga ah ee madaxweyne Vladimir Putin, waana mas'uulkii ugu sarreeyay ee iska casila xilka tan iyo markii Ruushka uu galay dalka Ukraine.

Wararka ka imanaya Ruushka ayaa sheegay in uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga isaga iyo xaaskiisiiba.

Chubais waxaa xilkaa loo magacaabay xilkaa ah isku duwaha dedaallada Ruushka ee sida loo gaadhayo horumarka waara ee caalamiga ah.

Ka dib markii uu dagaalku bilaabmay waxa uu soo bandhigay sawirka nin mucaarad ah oo la dilay, taas oo loo arkayay arrin xasaasi ah.

Ma jirin wax qoraal ah oo la socda sawirkaa Boris Nemtsov ee uu soo dhigay boggiisa Facebook sannad-guuradii ka soo wareegtay dilkiisa. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ilaa hadda is casilaadiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Tass in uu ka tagay dalka Ruushka sidoo kalena uu iska casilay xilka ergayga gaarka ah ee madaxweyne Putin.

"Haa, Chubais waxa uu isku casilay go'aan isaga u gaar ah. Laakiin haddii uu ka tagay dalka iyo haddii uu joogo, taasi waa arin isaga u gaar ah," ayuu yidhi afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov.

Marka laga reebo Peskov iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov, xubno yar oo ka tirsan dadka u dhaw madaxweynaha ayaa ka soo muuqday fagaare toddobaadyadii u dambeeyay.

Lataliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa Arbacadii sheegay in ay xiiso u leedahay in labada masuul ee ugu sareeya amniga, Wasiirka difaaca Sergei Shoigu iyo taliyaha ciidanka Valery Gerasimov, "aan la arkin", oo ay weheliyaan madaxda sirdoonka Ruushka.

Chubais looma arkin inuu yahay gudaha Kremlin-ka, inkastoo uu lahaa jagada wakiilka gaarka ah ee xiriirka ururada caalamiga ah.

Waxaa aad loogu yaqaanaa doorkii uu ka qaatay muranka badan ee uu ka geystay dib u habeynta dhaqaalaha Ruushka sagaashameeyadii kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti. Raft of Privatizations ee hoos yimaada Madaxweyne Boris Yeltsin ayaa gacan ka geystay abuurista tiro badan oo oligarchs ah oo aad hodan u ah.

Dadka mucaaradka ah ayaan la dhacsaneyn is casilaadda Chubais. Af hayeenka hogaamiyaha xidhan Alexei Navalny, Kira Yarmysh, ayaa shaki gelisay sheegashada ah in ay ahayd mudaaharaad ka dhan ah dagaalka, halkii ay ka ahaan lahayd "cabsi uu u qabo naftiisa iyo lacagtiisa".

Ruushka ayaa ku gacan saydhay dhaleeceynta duulaanka oo bilowday 24-kii Feeberweri, isaga oo u baahnaa warbaahinta dowladda inay ku tilmaamto "howlgal milateri oo gaar ah".

Dhowr wariyeyaal ah oo ka tirsan TV-ga dowladda ayaa shaqada ka tagay, sida tafatirihii Channel One Marina Ovsyannikova, taasoo kor u qaaday boodh ay ku qoran tahay "Jooji dagaalka!" intii lagu guda jiray war laga sii daayay xilligii hore, oo Ruushka loo sheegayay in been loo sheegayo.

Sharci cusub oo mamnuucaya faafinta "warararka been abuurka ah" ee ku saabsan dagaalka iyo weriyaha siyaasadeed Alexander Nevzorov ayaa noqday shaqsiga ugu caansan ee aan weli dacwad lagu soo oogin, ka dib markii uu baraha bulshada soo dhigay tafaasiil ku saabsan weerarkii dhimashada badnaa ee Ruushka ka geystay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee koonfurta Ukraine. Mariupol.