22 waddan ayaa Iran uga digay weerarrada ka dhanka ah shakhsiyaadka ee ay ka geysato dalalka kale
Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo dhowr dal oo Yurub ah, ayaa Khamiistii soo saaray bayaan wadajir ah oo uga digaya Iran inay joojiso weerarrada lagu beegsanayo dadka ku sugan dhulkooda.
Bayaankaas waxaa lagu cambaareeyay hay’adaha ammaanka ee Iran, iyadoo lagu eedeeyay inay si “aad u xun” u adeegsadeen shabakado dambiilayaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah si ay uga fuliyaan qorshayaal ka dhacay Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Australia.
Bayaanka, oo la sii daayay 11-kii Juun, ayaa lagu yiri:“Isku-dayga dilka, afduubka, dhibaataynta, cabsi-gelinta, ama weerar kasta oo lagu qaado shakhsiyaad ku sugan dhulka dalalkayaga waxay jebinayaan madaxbannaanida qaran iyo xeerarka caalamiga ah. Falalkan waa in si degdeg ah loo joojiyaa.”
Dalalkan ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda sirdoonka eeilaalada Kacaanka Iran iyo Quds Force ay ku lug lahaayeen “qorshaynta hawlgallo dhimasho sbabay iyo falal waxyeello lagu geystay” oo lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka Iran, suxufiyiinta, iyo sidoo kale bulshooyinka Yuhuudda iyo Israa’iiliyiinta.
Bayaanka ayaa sii raaciyay:“Waxaan ka mideysan nahay go’aankeenna ah inaan dalalkeenna iyo shacabkeenna ka difaacno hanjabaadahan,Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waa inay si degdeg ah u joojisaa falalkan.”
Dalalkan waxay Iran ku eedeeyeen inay ka dambeysay weerarro kala duwan oo ka dhacay Yurub kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday bulshooyinka Yuhuudda, suxufiyiinta Iran iyo suxufiyiin Maraykan ah.
Weerarradan ayaa la sheegay inay sheegatay koox lagu magacaabo Ashab al-Yamin al-Islamiya Movement oo lagu tilmaamay inay xiriir la leedahay Iran.
Kooxdan oo aan si weyn loo aqoon ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro dab-qabadsiin ah oo lagu qaaday goobo macbadyo ah iyo xarumo bulsho oo ku yaalla deegaanka Golders Green ee London, halkaas oo ay ku nool yihiin mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuudda ee ugu badan London.

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock








