Dagaalka Ukraine: Ruushka oo laga digay inuu qorshaynayo isticmaalka hub halis ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa uu wali dagaalo iyo duqeymo ay ka socdaan magaalooyiinka waawayn ee dalka Ukriane, xilli uu meel xasaasi ah mrayo dagaalka Ukraine.
Magaalada Kyiv, sideed qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen duqeyn lagu garaacay xaafado iyo xarun ganacsi.
Balse hawlgallada Ruushka ee Ukraine ayaa weli ah kuwa caqabado badan ay ragaadiyeen sida ay sheegeen sarakiisha dalka mareykanka.
Caqabado dhanka saadka aya la so gudboonaday ciidamada Ruushka , sida lagu sheegay qiimeyn uu sameeyay Machadka Daraasaadka Dagaalka ee fadhigiisu yahay Mareykanka.
Warbixintiisa maalinlaha ah ayuu machadku wuxuu xusay in ciidamada Ruushku aysan wax howlgal ah ka sameyn meel u dhow Kyiv Isniintii, taas beddelkeedana ay xoojiyeen difaacyadooda.
Dhanka kale taliyaha militariga dalka Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay la wareegeen marin muhiim ah oo ku yaalla gacanka Crimea, iyagoo ka xayiray marinka Ukraine ee dhanka badda Azov.
Milatariga Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ruushka ay lumiyeen "awoodda dhanka weerarka" laguna qasbay inay u yeeraan ciidamo gurmad ah oo xoojiya.
Sida ku cad warbixinta ay soo saareen sarakiisha Ukraine ku dhawaad 300 oo askari oo Ruush ah ayaa lagu dilay dagaalka Isniintii oo kali ah.
BBC-du si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkan saraakiisha Ukraine.
Dhanka kale madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dalkiisa uu iska caabiyay ciidamada Ruushka ee soo duulay.
Fariin muuqaal ah oo uu soo diray Isniintii, Zelensky wuxuu ku sheegay in iyada oo Ruushku ay isku dayayeen inay "si tartiib tartiib ah" ay hormar uga sameeyaan dagaalka, hadana ilaa hadda awoodda ciidamadooda "la xakameeyey".
Zelensky waxa kale oo uu sheegay in diyaarad kale oo Ruushku leeyahay ay ciidamada Ukraine ku soo rideen gobolka Kharkiv.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhankiisa sheegay in uu aaminsan yahay in Vladimir Putin uu "gidaarka soo taabtay" taasoo kordhinaysa suurtagalnimada inuu isticmaalo hubka kiimikada ama bayoolojiga.
Munaasabad ganacsi oo ka dhacday Washington DC Isniintii, Biden wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu diyaarinayo "dhacdooyiin kale oo been abuur ah".
"Waxay sidoo kale shegayaan in Ukraine ay haysato hub bayooloji iyo kiimiko ah "Taasi waa calaamad cad inuu ka fikirayo isticmaalka labadaas hub." ayuu yiri madaxwyne Biden.
Horaantii bishii Maarso, Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa uga digay Ruushka in Moscow ay la kulmi doonto cawaaqib haddii ay hub kiimiko ah ama bayooloji ah u isticmaasho dagaalka Ukraine.












