Ma madmadow baa soo kala dhex-galay saaxibada dhabata ah ee Erdogan iyo Putin?

Putin iyo Erdogan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin iyo Erdogan
Published

Saacado ka dib markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku tilmaantay "wax aan la aqbali karin" in lagu "xadgudbo sharciga caalamiga ah.

Ka dib markii uu la hadlay dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu cambaareeyay duulaanka Ruushka oo uu ku tilmaamay "Dharbaaxo ba'an oo soo gaartay nabadda iyo xasilloonida gobolka."

Mawqifka Turkiga ayay dadka qaar la yaabeen, maadaama Ankara iyo Moscow ay ahaayeen xulafo istaraatiijiyadeed oo muhiim isu ah in ka badan toban sano.

Labada maamulba midba midka kale ayuu taageerayay, waxayna si wada jir ah uga soo horjeedeen siyaasadda Maraykanka iyo Yurub, iyagoo sidoo kalana taageerayay nidaamyada sida Nicolás Maduro ee Venezuela.

Saaxiibtinimada dhabta ah

Ter Minassian Taline, oo ah taariikhyahan ka tirsan Machadka Qaranka ee Luqadaha Oriental iyo Ilbaxnimada (INALCO) ee Paris, wuxuu ku tilmaamay saaxiibtimo "wax ku ool ah".

Turkigu waxa kale oo uu xidhiidh dhaw la leeyahay Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Turkigu waxa kale oo uu xidhiidh dhaw la leeyahay Ukraine

"Madmadow badan ayaa ka jira xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga, Putin iyo Erdogan si fiican ayay isu fahmeen oo midba midka kale waxa uu fahmayaa dhibka haysta, waa saaxiibo, laakiin isla markaana cadaw isu ah," Khabiirka ku takhasusay daraasaadka Soofiyeedka iyo bariga dhexe ayaa u sidaasi u sheegay BBC Mundo.

"Runtii waa saaxiibtimo macquul ah oo qof walba uu danihiisa ilaalinayo," ayuu sii raaciyay.

Minassian Taline wuxuu sheegay in mowqifka Turkiga ee iskahorimaadka Ruushka iyo Ukraine uu yahay mid adag sababtoo ah Ankara waxay sidoo kale xiriir qoto dheer la leedahay xukuumadda Kiev, gaar ahaan dhinaca milatariga.

Xiriirkani waxa uu u ogolaaday Ukraine in ay magaalooyinkeeda ka difaacdo duqaymaha Ruushka iyada oo ay uga mahadcelinayaan daraasiin diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo uu Turkiga sameeyay kuwaas oo soo iibsatay dawladda Ukraine.

Muuqaalo todobaadyadii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo burburinaya taangiyada Ruushka, baabuurta gaashaaman iyo habka difaaca gantaalada.

Turkiga ayaa bilaabay iibinta alaabtan uu ka iibinayo Ukraine 2019, kyiv ayaa horay u isticmaalay si uu ula dagaalamo gooni u goosadka Ruushka ee ku sugan bariga Donbass.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa waxaa soo saara shirkadda difaaca ee Baykar, taasoo uu leeyahay qoyska wiilka uu soddogga u yahay Erdogan.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo waxa loogu yeeray "dagaalka Putin" ayaa laga diiwaan geliyay dhowr magaalo oo Turkiga ka mid ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bannaanbaxyo looga soo horjeedo waxa loogu yeeray "dagaalka Putin" ayaa laga diiwaan geliyay dhowr magaalo oo Turkiga ka mid ah.

"Waxay u badan tahay in Putin uu aad uga carooday inuu arko in dadka reer Ukraine ay isticmaalayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu soo saaray," ayuu yidhi Ter Minassian Taline.

Doorkiisa dhexdhexaadinta

Xukuumadda Kyiv ayaa sidoo kale waxa ay marar badan taageertay siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga .

In kasta oo aanay hub soo dirin, haddana Ukraine waxay si dublamaasiyadeed u taageertay Asarbayjan iyo Turkiga intii lagu jiray dagaalkii Nagorno-Karabakh ee sannadkii 2020-kii.

Balse khilaafka hadda taagan, Turkigu waxa uu go'aansaday in uu door dhexdhexaadin ah ka ciyaaro, sida uu qabo Dimitar Bechev, oo ah khabiir ku takhasusay Ruushka iyo Bariga Yurub oo ka tirsan jaamacadda Oxford ee UK.

"Erdogan waxa uu rabaa in uu fududeeyo wadahadal dhexmara Zelensky iyo Aqalka Kremlin-ka. Waxa uu soo jeedinayey xitaa ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, markii uu booqday Kiev bishii February," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC Mundo.

"Su'aashu waxay tahay Ankara run ahaantii ma ku guuleysan kartaa doorkan," ayuu raaciyay.

Horraantii bishii Maarso, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka Ukraine ayaa kulamo ku yeeshay magaalada loo dalxiiska tago ee Antalya , ee ku taal Koonfur-galbeed ee dalka Turkiga, iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Laakin wada-hadalladaasi ma aysan kasoo bixin natiijooyin la taaban karo.

"Arrinta la taaban karo"

Iyada oo ay taasi jirto, haddana doorka dhexdhexaadinta ee Turkigu waa uu sii socday.

Toddobaadkii hore, dawladda Turkiga waxay xaqiijisay in Kiev iyo Moscow ay horumar ka sameeyeen wada xaajoodyada lagu joojinayo dagaalka waxayna sheeggtay in labada dhinac ay "ku dhow yihiin heshiis".

Cavusoglu wuxuu ku celceliyay in Turkigu uu xiriir la sameeyay kooxaha wada xaajoodka ee labada dal, laakiin wuxuu diiday in uu sheego faahfaahinta wadahadalka sababtoo ah, ayuu yiri, "waxaan ciyaareynaa door dhexdhexaadiye iyo fududeeye ah."

Erdogan ayaa dhowr jeer muujiyay in Turkiga uusan ka tagi doonin xiriirka uu la leeyahay Ruushka ama Ukraine midkood, wuxuuna muujiyay mowqifka faa'iidada leh ee Ankara ee awood u leh inuu la hadlo labada dhinac.

Turkigu ma uusan cunaqabateyn Ruushka mana amrin inuu hawadiisa ka xiro diyaaradaha Ruushka sida dalalka kale ee ka mid ka ah gaashaanbuurta NATO.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hakisay marinkii maraakiibta dagaalka ee Ruushka ee marayay marinnada Turkiga ee isku xira badda madow iyo Mediterranean-ka, iyadoo ay soo rogtay qodobbada heshiiskii 1936-dii ee Montreux Convention ee xakameynaya isu-socodka badda ee marin-biyoodka Turkiga.

Xukuumadda Erdogan, Ukraine waxay juqraafiyad ahaan u tahay muhiim sababtoo ah sannado badan waxay u shaqaynaysay sida "Barkin" u dhaxaysa Ruushka iyo Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, Turkigu wuu ogyahay in Kiev ay tahay xulafada muhiimka ah ee ka hortagga Ruushka ee gobolka," Bechev, oo ah khabiir ka tirsan Jaamacadda Oxford ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

Erdogan iyo Putin waxay muujiyeen hal waji oo ay ku taageerayaan Nicolás Maduro intii lagu jiray qalalaasaha siyaasadeed ee Venezuela la kulmay 2019.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Erdogan iyo Putin waxay muujiyeen hal waji oo ay ku taageerayaan Nicolás Maduro intii lagu jiray qalalaasaha siyaasadeed ee Venezuela la kulmay 2019.

Bechev waxa uu ku tilmaamay xiriirka ka dhexeeya Erdogan iyo Putin inuu la mid yahay sida "guur raaxo keliya laga rabo".

Siyaabo badan ayay isugu baahan yihiin, kuwa kalena way ku tartamaan, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado inay si wadajir ah ganacsigooda u fahmeen," ayuu yidhi.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa shaki galiyay in isbahaysigii xoogganaa ee Erdogan iyo Putin ay horay u soo bandhigeen uu maalin uun dib u bilaaban doono ka dib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

"Marka laga soo tago saaxiibtinimada la filayo ee ka dhexeeya Erdogan iyo Putin waa danaha labada waddan," Bechev ayaa sidaasi ku adkaystay.

Bechev waxa uu aaminsan yahay in Moscow iyo Ankara ay sii wadi doonaan in ay ka wada hadlaan danahahooda qabyada ah , balse "cabsida" dowladda Turkiga ee Kremlin-ka ayaa sii jiri doonta.

"Mar dambe ma noqon doonaan saaxiibo dhab ah, laakiin Ankara ma awoodo inay gubto dhammaan buundooyinka Ruushka, taasina waa sababta aysan ugu biirin cunaqabateynta," ayuu yiri.

Dhanka kale, Turkiga ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay hooy u noqotay kumannaan reer Ruush ah oo diidan dagaalka kuwaas oo doonayana inay dal kale dib ugu dhistaan ​​noloshooda.

Sida laga soo xigtay wargeyska caanka ah ee Turkiga ee Hürriyet, ku dhawaad ​​14,000 oo reer Ruush ah ayaa tan iyo markii uu bilaabmay waxa loogu yeero "dagaalka Putin". u qaxay Turkiga, halkaas oo aan looga baahnayn dal ku gal.

Jahwareer soo noqnoqda

Xukuumadda Erdogan ayaa ka aamustay inay ka soo horjeedsato ama taageerto in la laalo kursiga Ruushka ee Golaha Yurub, laakiin isla markaana waxay taageertay qaraar ka soo baxay golaha guud ee Qaramada Midoobay oo lagu cambaareeyay "gardarrada ka dhanka ah Ukraine".

Recep Tayyip Erdogan, Volodymyr Zelensky iyo lammaane-yaashooda: Emine Erdogan iyo Olena Zelenska.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan, Volodymyr Zelensky iyo lammaane-yaashooda: Emine Erdogan iyo Olena Zelenska.

In ka badan nus qarni ka hor, ka dib dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, hogaamiyayaasha Turkiga waxay go'aansadeen inay ku biiraan reer galbeedka sababtoo ah waxay ka baqayeen hogaamiyihii Ruushka ee Stalin.

Sababtaas awgeed, madaxweynihii hore Mustafa İsmet İnönü wuxuu horseeday in Turkiga uu ku hay'adaha isbahaysiga, sida NATO.

Maanta, Recep Tayyip Erdogan wuxuu u muuqdaa inuu wajahayo xaalad taa la mid ah iyo, qaar badan oo kale waxayna, "madmadowga ku aaddan arrinta Ruushka ay muujinaysaa inuu doortay Galbeedka mar kale.