Bulli Bai app: Ninkii sameeyay app lagu xaraasho haween Muslim ah oo la qabtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska dalka India ayaa xiray ninka looga shakisan yahay inuu sameeyay app lasoo geliyay sawirrada in ka badan 100 dumar Muslimiin ah oo la sheegay inay "iib" ahaayeen.
Neeraj Bishnoi, oo 20 sano jir ah ayaa noqday qofkii afaraad ee loo qabto kiiska dadka lala xiriirinayo App-kaasi.
App-ka oo la yirahdo "Bulli Bai" ayaa hawada laga saaray inkastoo ay weli cirka isku sii shareerayso carada uu horseeday.
Arrintani ayaa noqoneysa isku daygii labaad ee lagu dhibaataynayo dumarka Muslimiinta ahi ee Hindiya, oo sawirradooda lagu faafiyay internet-ka iyada oo la sheegaya in la xaraashayo.
Bishii Luuliyo ee sanadkii tegay, app iyo website lagu magacaabo "Sulli Deals" ayaa abuuray cinwaannada in ka badan 80 gabdhood oo Muslimiin ah - iyaga oo la isticmaalayo sawiro la soo galiyay intarneedka isla markaana la beecinayo- waxayna la sheegay in ay yihiin kuwo lagu xaraashayo qiimo aad u jaban.
Ujeeddada arrintan ayaa ah in la bahdilo haweenka Muslimiinta ahi - arrimahaasi oo intooda badan si weyn u soo batay tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay xisbiga ay Hinduunimada ku weynt ahay ee uu hoggaamiyo ra'iisalwasaare Narendra Modi.
Liiska dumarka ku jira App-ka ayaa waxaa ka mid ah wariyeyaal dhowr ah, jilaa Bollywoodka ka tirsan iyo hooyo 65-jirka ah ee dhashay arday Hindi ah oo la waayay.
Xaraashkan been abuurka ah ayaa dadka ka caraysiisay kadib markii sawirrada dhowr haween ah lagu soo bandhigay baraha bulshada.
Quratulain Rehbar, oo ah saxafi Kashmiri, oo sanadkii hore wax ka qortay bogga "Sulli Deals", ayaa sheegtay in ay aad u fool xun tahay in markaan magaceeda lagu daabaco app-ka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Laba Maaliood ka hor ayaa booliska laba gobal oo ka mid ah goballada dalka Indiya waxay diiwaan galiyeen kiisaska in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo sawirradooda lagu sheegay in ay iib yihiin oo lagu faafiyay intarneedka.
Waxyaabaha lagu eedeyay dadka arrimahaan loo haysto waxaa ka mid iibinta haweenka, sameyaynta barnaamij ama "Application-ka" loo isticmaalayay faafinta sawirradaasi bahdilka ah, daabacaadda xayeysii iyo sawirro lagu bahdilayo gabdhahaasi.
Olalahaan loogu gafayo gabdhaha Muslimiinta ah ee dalka Hindiya, ayaa loogu magac daray "Bulli Bai" oo ah eray luuqadda Bengaliga ah oo micnihiisu noqonayo amba loola jeedo aflagaado. Mid ka mid ah haweenka magacooda lagu isticmaalay olalahaan ayaa sheegtay in ay dareentahay wax ay ku tilmaantay yaxyax. Muddo lix bilood ah ayaa ka soo wareegtay markii kiiskaan ay booliska soo fara galiyeen haseyeeshee ilaa iyo hadda wixii ka horreeyay cidna umaysan qaban.
Suxufiyad lagu magacaabo Ismat Ara, oo magaceeda iyo sawirkeeda la isticmaalay, ayaa dacwo u gudbisay booliiska Delhi dhammaadkii isbuucii hore. Eedeymaha ku jira cabashada waxaa ka mid ahaa aflagaado, galmo iyo gaf loo gaystay diinta.

Xigashada Sawirka, AFP
Booliska Bombay ayaa iyagana la gaarsiiyay dacwdo kale oo ka yimid dad kala duwan kuwaas oo warbixinadooda lagu baahiyayTwitter-ka. Liiskaan waxaa ku jira gabdho suxufiyiin ah iyo jilayaal ku guulaystay abaalmarinno kala duwan.
Dhowr haween ah oo sawirradooda iyo magacyadooda lagu soo bandhigay baraha bulshada iyaga oo la beecinayo ayaa sheegay in falkaasi uu ku noqday argagax iyo yaab. Asra ayaa Websitka Al Jazeera qaybta English-ka u sheegtay in gaabiska ka muuqda baaritaannada booliska ee falalkan guracn laguna ceebaynayo gabdhaha Muslimiinta ah uu u muuqdo mid kalsooni darro ku abuuraya dadka dhibanayaasha ah.
Warbixin ay Amnesty Internationa soo saartay sanadkii2018-kii oo ay kaga hadashay dhibaatooyinka ka jira Hindiya ayaa muujisay in mar kasta oo ay bataan fikradaha dumarka, ay sii kordhaan dhibaatooyinka loo geysto, waxaana arrintaasi ay sii badisay kiisaska dumarka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badanyahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Weeraradan la qorsheeyey, ee lagu bartilmaameedsanayo haweenka waa isku day lagu doonayo in lagu aamusiyo haweenka Muslimiinta ah, loogana hortago inay sheegaan fikradahooda iyo ka hadalka Islaam nacaybka," Nazia Erum, oo ah qoraa iyo afhayeen hore ayaa sidaa u sheegtay BBC-da.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dalka Hindiya ay kor u kaceen weerarada iyo aflagaadada loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah.












