TOOS, Shan qof oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Lubnaan

Wararka ka imaanaya koonfurta Lubnaan ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen duqeymo cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha Israel, inkastoo Israa’iil ay Jimcihii ku dhawaaqday xabbad joojin ay la gashay Xisbullah ee Lubnaan.

Kooban

  • Esmail Baghaei, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, ayaa ka fal celiyay hadalkii shalay ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noël Barrot.
  • Axios: Araqchi oo ay u badan tahay inuu u safro Switzerland maanta
  • Shan qof ayaa ku dhintay weerarrada joogtada ah ee Israa'iil ay ku hayso Lubnaan inkastoo heshiis xabbad joojin ah la gaaray

Tebin toos ah

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan oo gaaray magaalada Mashhad ee Iran

    .

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa saaka gaaray magaalada Mashhad.

    IRNA oo soo xiganaysa ilo-wareedka gobolka Khrasan Razavi ayaa sheegtay in uu marka hore booqan doono goobta Imaam Reza ka dibna uu u dhoofi doono magaalada Tehran si uu ula hadlo mas’uuliyiinta.

    Sida ay sheegayaan wararka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa lagu wadaa in inta uu safarkan ku jiro uu madaxda Iran kala hadlo dib u soo celinta wadahadalka tooska ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran ee ka dhacaya Switzerland.

    Esmail Baghaei, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, ayaa sidoo kale sheegay in booqashada wasiirka arrimaha gudaha Pakistan ay tahay sii wadida dadaallada uu waddanku ka wado wadahadallada Iran iyo Mareykanka.

  2. Afhayeenka Wasiirada Arrimaha Dibadda Iran oo ka falceliyay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska

    Baghaei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Esmail Baghaei, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, ayaa ka fal celiyay hadalkii shalay ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noël Barrot.

    Qoraal uu ku daabacay barta X, Mr. Baghaei wuxuu u arkay "munafaqnimo" inay tahay mid ka mid ah astaamaha caanka ah ee dhaqanka siyaasadeed ee Faransiiska.

    Isaga oo tixraacaya qoraalka munaafaqiinta (Tartuffe) ee uu qoray qoraagii caanka ahaa ee Faransiiska ahaa Moliere, waxa uu qoray, “Munaafiqnimadu waa wax wanaagsan oo curfi noqotay”.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa aamusnaanta Faransiiska ku tilmaamay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran “mid ay doorteen”.

    Shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegay in dunidu aysan hilmaamin "xasuuqii" dibad baxayaasha Iran bishii Janaayo, wuxuuna sheegay in dadka Iran ay yihiin " khasaarihii ugu weynaa ee dagaalka iyo cawaaqibkiisa."

  3. Laba qarax oo dilay todoba qof oo shacab ah

    .

    Xigashada Sawirka, Al-Alam

    Labo qarax oo ka dhacay wadada dhinaceeda waqooyi galbeed ee Pakistan ayaa waxaa ku dhintay 7 qof oo rayid ah.

    Booliska gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa sheegay in qaraxa koowaad lala beegsaday gaari, waxaana qaraxa labaad uu burburiyay gaari kale iyada oo dhaawacyada loo qaaday isbitaalka.

    Kooxda xagjirka ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa dhaqdhaqaaq ka wada gobolka, balse ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarradan.

    Pakistan ayaa marar badan ku eedaysay Afgaanistaan ​​in ay gabaad siiso dagaalyahanada ka faa’iidaysta xuduudka labada dal si ay weeraro uga geystaan.

  4. Axios: Araqchi oo la filayo inuu u safro Switzerland maanta

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Shabakadda Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah, in wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi uu qorsheynayo inuu u safro dalka Switzerland maalinta Sabtida, inkastoo aan weli la dhameystirin jadwalka oo laga yaabo inuu isbedelo.

    Axios ayaa hore u sheegtay in ergeyga Aqalka Cad Steve Whittaker uu ku sii jeedo Switzerland, iyo in sarkaal kale oo ka tirsan maamulka Mareykanka, Jared Kushner, uu isna dalkaas ku sugan yahay.

    Waxaa la filayaa in wareegii koowaad ee wadahadalka heshiiska suurtagalka ah ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka uu ka dhici doono magaalada Bürgenstock ee dalka Switzerland, balse taariikhda rasmiga ah weli lama shaacin.

    Axios ayaa wariyay, isagoo soo xiganaya ilo ku sugan mid ka mid ah dalalka dhexdhexaadinta ah, in Cabbaas Araqchi uu u sheegay dhowr ka mid ah raga dhiggiisa Jimcihii in xabbad joojinta Lubnaan ay tahay "arrin go'aamineysa" mowqifka Iran iyo mid go'aamindoonta wadahadalka Iran iyo Mareykanka.

    Ilaha kale ee ka socda wadamada dhexdhexaadinta ayaa sidoo kale Axios u sheegay in saraakiisha Iran ay ku nuuxnuuxsadeen inay doonayaan inay hubiyaan in xabad joojin u dhaxaysa Israel iyo Xisbullah ee Lubnaan la sameeyo ka hor intaysan u safrin Switzerland.

  5. Shan qof ayaa ku dhintay weerarrada joogtada ah ee Israa'iil ay ku hayso Lubnaan inkastoo heshiis xabbad joojin ah la gaaray

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wararka ka imaanaya koonfurta Lubnaan ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen duqeymo cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha Israel, inkastoo Israa’iil ay Jimcihii ku dhawaaqday xabbad joojin ay la gashay Xisbullahda Lubnaan.

    Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ay weerarro is-xig-xiga ka fuliyeen deegaanka Nabatieh, oo ay ku burburiyeen dhismayaal la deggan yahay iyo guryo. Isla markaana ay madaafiicda ciidamada Israa’iil ku garaaceen goobtaasi.

    Joojinta rasaasta ay isweydaarsanayeen Israa’iil iyo Xisbullah ayaa qayb muhiim ah ka ahayd heshiiskii Iran iyo Mareykanka ee lagu soo afjarayay dagaalka.

    Shalay, wasiirka amniga qaranka Israa’iil Itamar Ben-Giver waxa uu yiri, “Dhammaan Lubnaan waa in ay gubataa,” ka dib markii ciidammada Israa’iil ay ku dhawaaqeen in afar ka mid ah askartooda ay ku dileen Lubnaan.

    Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo lagu soo waramayo in ergayga Maraykanka Steve Whittaker uu ku wajahan yahay dalka Switzerland si uu uga qayb galo wada-hadallada ugu horreeya ee uu la yeelanayo Iran si heshiis looga gaadho barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.