TOOS, Iiraan iyo Mareykanka oo saxiixay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka

Weli lagama heshiin arinta nukliyeerka Iiraan oo muddo uu muran ka taagnaa, dibna u dhigeysay heshiisyo hor leh

Tebin toos ah

  1. 'Somaliland waxay ogolaatay 3 shuruudood oo ay Israa'iil aqoonsi uga beddelatay' - Xassan Sheekh

    .

    Xigashada Sawirka, getty

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Aljasiira ayaa ka warbixiyey heshiiska dhex maray Soomaaliland iyo Israaiil, kaas oo ay Israa'iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax bannaan Soomaaliya.

    Madaxweynaha oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go'aanka dalkiisa ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, isaga oo hore usoo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxayay, isagoo sheegay in Somaliland ay ogolaatay saddex shuruudood oo ay Israa'iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay "ku beddelatay aqoonsi" ay ka hesho Israa'iil iyo xulufadeeda.

    "Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta loo soo raro Somaaliland, laba - in Israa'iil saldhig militari ka sameysto gacanka cadmeed, qorshaha sadexaadna waa in Somaaliland qeyb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham, kuwani waa sadexda dalab ee Israa'iil ee Somaliland aqbshay" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TVga Al Jazeera.

    Waxa uu intaas ku daray haddii ay dhaqan galaan qodobadaan in ay noqonayaan "halis amni oo caalamka kaga imaan doontaa geeska".

    Haddii sadexdaas qodob dhaqan galaan Somaaliya waxa ay ku furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxa ayna horseedi doonaan xasillooni darro", ayuu yiri Madaxweynaha.

  2. Masjidka Al-Aqsa oo halis wajahaya

    al aqsa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, al aqsa

    Muran ayaa ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib markii dadka ay wadaniyadda madax martay ee Israa’iil ay ka soo horjeesteen xeerar horey uga jiray masjidka.

    Dadkan ayaa doonaya inay macbad weyn oo yuhuuduu leedahay ka dhisaan masjidka oo 1400 oo sano oo la soo dhaafay ay ku cibaadeysanayeen dadka Muslimiinta ah.

    Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

    Wuxuu masjidku gaar u yahay dadka muslimiinta ah, balse taasi ayay doonayaan inay wax ka bedelaan, oo hadii ay dhacdo lagu soo warramayo, inay dhalin karto dagaal diimeed oo ka qarxa gobolka oo dhan.

    Dadka aan Muslimiinta ahayn waa loo ogol yahay inay booqdaan al-Aqsa laakiin looma ogola inay halkaas ku tukadaan ama ay sameeyaan cibaado diimeed.

    Wargayska Middle East Eye, ayaa ilo wareedyo badan u sheegeen in hay'ad cusub oo ay samaysay dowladda Israa'iil ay dooneyso in masjidka al-Aqsa ku dhawaaqdo in laga dhiagyo "goob diimeed badan".

    Dalalka khaliijka ayaa dhamaantood cambaareeyay markii uu soo baxay warkan halka dowladda Ingiriiskana, ay ku baaqday in la ixtiraamo goobaha taariikha ah gaar ahaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa si isdaba joog ah u sheegay, in wax isbeddel ah uusan ku imaan xaaladda hadda jirta.

    Waxaa masjidka Al-Aqsa haatan gacanta ku haya oo maamula wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dalka Jordan.

    Dadka Musliminta ah wuxuu Misaajidka Al-Aaqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta saddexaad ee barakeysan.

    Masjidka Al-Aqsa wuxuu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Makah.

    Sidoo kale akhriso

  3. Ma dhab baa in Israa’iil ay saldhig ka furaneyso Somaliland?

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Warbixin uu wargeyska Maraykanka ee Bloomberg daabacay bishii Maarso ee sanadkan, ayaa lagu sheegay in Israel ay wada-hadallo la yeelatay Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kuwaas oo khuseeya iskaashi amni, si gaar ah in saldhig ay ka helaan gobolkaas, ay suurtagalnimada ka mid tahay.

    Hadalkan ayaa ahaa mid la hadal hayay.

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga Israa’iil, ayaa wareysi gaar ah siiyay warbaahinta i24, kuwaas oo weydiiyay waxa ka jira in Somaliland ay saldhig siisay Israa’iil.

    “Hadda ma aha”, ayuu yiri madaxweynuhu.

    Markii la weydiiyay in mustaqbalka laga yaabo inay saldhigga furato Israa’iil, waxaa uu yiri “hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas”.

    Waxaa arrntan sidoo kale horey u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo BBC-du horaantii sanadkan wareysi gaar ah la yeelatay.

    Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xidhiidh ku dhisan aqoonsi is-dhaafsi ah. Wuxuu yidhi "labada dal" si rasmi ah ayay isu aqoonsadeen 'midba midka kale', taas oo u oggolaanaysa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aysan ku jirin wax heshiisyo militari ah.

    Markii la weydiiyay wararka sheegaya in Israel loo oggolaaday saldhig ciidan oo ku yaal Somaliland, wasiir Cabdiraxmaan ayaa si cad u beeniyay.

    Sidoo kale akhri

  4. Arrimaha muhiimka ah ee ku jira heshiiska ay saxiixeen Mareykanka iyo Iiraan

    Donald Trump ayaa tan ka dhigay shuruuddiisa koowaad tan iyo bilowgii dagaalka bishii Febraayo. Waxay sidoo kale sheegeen in uranium-ka la kobciyey ee Iiraan “la khafiifin doono” isla gudaha dalka, iyadoo kormeer ay sameynayso Hay’adda Caalamiga ah ee atoomikada iyo Nukliyeerka ee .

    Markii hore, Maraykanku wuxuu dalbanayay in gebi ahaanba dalka laga saaro, taasoo ah isbeddel cusub.

    Arrinta dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, saraakiishu waxay sheegeen in 60 maalmood aan wax lacag ah laga qaadi doonin maraakiibta maraysa.

    Ka dib muddadaas, Iiraan iyo dalalka dariska ah ayaa ka wada xaajoon doona waxa dhici doona. Taasi waxay furaysaa suurtagalnimada in mustaqbalka lacago la saaro, halka markii hore dagaalka ka hor aysan wax lacag ah jirin.

    Kadib waxaa jira muranka ku saabsan sanduuqa dib-u-dhiska ee $300 bilyan. Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay “war been ah”, balse wuxuu ku jiraa dukumentiga.

    Saraakiisha Maraykanku waxay ku adkaysteen in Maraykanku uusan bixin doonin “hal senti”, isla markaana uu ku xirnaan doono Iiraan “inay si wanaagsan u dhaqanto,” sida ay hadalka u dhigeen.

    Heshiiskan ayaa la filayaa in si faahfaahsan loo baaro maalinba qodobkiisa. Su’aasha weyn ee taaganna waa: maxay dhab ahaan Maraykanku ka helay dagaalka uu la galay Iiraan?