Iran oo markale ku dhawaaqdy in ay xirtay marinka Hormuz iyada oo ka jawaabaysa 'xadgudub'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in ay mar kale xireen marinka Hormuz ee isu socodka badda ka dib markii dib loo furay heshiis is afgarad ah oo ay la galeen Mareykanka, iyadoo ay sii socdaan weerarada Israel ay ku heyso Lubnaan.
Xarunta Khatam al-Anbiyaa, oo ah qolka dhexe ee hawlgallada ciidamada Iran, ayaa bayaan ku sheegtay in "marka la eego jebinta cad ee Mareykanka ee ballanqaadyadiisa iyo jebinta heshiiska iyada oo aan la fulin qodobka ugu horreeya ee is fahamka si loo soo afjaro dagaalka, iyo iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee xabbad-joojinta ee hay'adda Sahyuuniyadda ee koonfurta Lubnaan.
Warku wuxuu intaa ku daray in tallaabadan ay tahay tillaabadii ugu horreysay ee looga jawaabayo jabinta ballan-qaadka cadowga, haddii uu sii socdo duullaanka gardarrada ah, la qaadi doono tallaabooyin kale oo dhinacyada ka soo horjeeda lagu qasbayo inay gutaan waajibaadkooda.
Socodka marin biyoodka ayaa dib u bilowday ka dib markii la joojiyay marinkan istiraatiijiga ah ee sahayda tamarta caalamiga ah tan iyo bilowgii dagaalka, iyadoo Tehran ay si ficil ah u xirtay gabi ahaanba, halka Washington ay kaga jawaabtay inay xayiraad ku soo rogto dekedaha Iran.
Shan iyo labaatan markab oo ganacsi ayaa ka gudbay marin biyoodka Hormuz Khamiistii, waana tiradii ugu badneyd ee maraakiib tan iyo bartamihii bishii April, sida lagu sheegay xogta ay daabacday Jimcihii kooxda dabagalka badaha ee AXS Marine.
Dhanka kale, Pakistan ayaa sheegtay in wadahadallo farsamo oo u dhexeeya Washington iyo Tehran uu Axadda ku qabsoomi doono Switzerland.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo warbaahinta Maraykanku ay sheegtay in ergayga Maraykanka Steve Wittkopf uu ku wajahan yahay dalka Switzerland, uuna Jared Kushner imaan doono halkaas si uu uga qayb-galo wadahadallo uu la yeelanayo Iran, kaddib markii uu dib u dhigay wadahadalladii Washington iyo Tehran.
Axios ayaa sheegay Jimcihii, iyagoo soo xiganaya sarkaal Mareykan ah oo aan la magacaabin, in Witkopf uu ku sii jeeday Switzerland.
Booqashada Wittkopf ayaa ku soo beegantay xilli "Mareykanka iyo Iran ay doonayaan inay dib u billaabaan wadahadallada farsamada" ka dib markii ay saxiixeen heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya labada waddan Arbacadii, sida uu sheegay CNN.
dadaallada diblomaasiyadeed ayaa socda ka dib markii uu dib loo dhigay wadahadalladii u socday labada dhinac, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay ISNA, wasiirka arrimaha gudaha Pakistan ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Iran, Eskandar Momeni, iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Abbas Arakchi.
Wadahadalladan oo lagu doonayay in lagu gaaro nabad waarta oo lagu waday in maalinkii Jimcaha ah lagu qabto dalka Switzerland, ayaa mugdi badan ku jiraa, iyadoo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Jay D. Vance oo qorsheynayay inuu u safro Switzerland, uu baajiyay booqashadiisa.
Heshiiska is-afgaradka ah ee ay toddobaadkan kala saxiixdeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka billowday 28-kii February 2016-ka, kaddib duqeyntii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku dileen hoggaamiyaha sare ee dalkaas Ayatullah Ali Khamenei.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mojtaba Khamenei, ayaa ku dhawaaqay Khamiista, dhambaal qoraal ah, inuu ansixiyay heshiiska inkastoo uu ka walaacsan yahay.
Khamenei, oo aan ka soo muuqan fagaare tan iyo markii loo doortay March 2016 si uu u baddalo aabihiis, ayaa yiri, "Dabcan, fikrad ka duwan ayaan qabay, laakiin waxaan fasaxay inaan saxiixo heshiiska isfahamka," isagoo raaciyay "wada xaajoodka tooska ah ee mustaqbalka dhici doona macnaheedu maahan in loo hoggaansamo ra'yiga cadowga."
Wareysi muuqaal ah oo uu siiyay Axios Jimcihii, Trump wuxuu ku sheegay in Mojtaba Khamenei uu "aad u dhaawacmay".
War qoraal ah oo uu Sabtidii soo dhigay Truth Social, Trump waxa uu sidoo kale sheegay in " xagjiriinta bidixda iyo Dimuqraadiyiintu ay garwaaqsadaan sida aan ugu guulaysanay dagaalka aan kula jirno Iran, halkaas oo waddankooda uu la kulmay guul-darro militari oo daran...."
Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca ee Iran ayaa sheegtay inay sii wadayaan dadaallada lagu xoojinayo diyaargarowga milatari iyo xoojinta awoodda difaaca, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.













