Gabar quraanka oo idil ku qortay gacanteeda oo leh farshaxan cajiib ah

Gabadha
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dhinac ka mid ah Arg ama Ikhtiaruddin Qala ee magaalada taariikhiga ah ee Herat, ayaa waxaa lagu arkay koox gabdho ah oo ku mashquulsan howlo farshaxan. Hareerahooda waxaa yiil qaar kamid ah farshaxankooda, oo ah dhoobo si qurux badan loo sameeyay oo alaab laga sameeyay. Waxa kale oo dheryahaas dushooda ku dheggan boor ay ku qoran tahay "Khatin Zar Gallery".

Magaca goobta farshaxankan ayaa muujinaya in inkasta oo dowladda Taliban ay xaddidday, haddana gabdhahani ay boorka iyo ciid ka sameysanayaan fatshaxan qaali ah iyagoo faqri ah.

Gabadhii madaxa u ahayd hablahan ayaa u ekayd mid ka duwan kuwa kale oo weliba aad ugu mashquulsan. Hareerteeda waxaa yaalay aayado quraanka kariimka ah oo bogag ku qoran. Daraasiin bogag waaweyn ah iyo qalab wax lagu qoro oo gacanteeda ku jira oo miiska dul hugan.

Nagita

Nagita Durrani waxay ku dhalatay kuna baratay Herat. "Anigu waxaan ahay farsgaxaniiste, waxaan gacanta ku qoraa Qur'aanka Kariimka oo ku qoran tarjumaad Pashto ah," ayay u sheegtay BBC-da.

Durrani waxa ay ku sawirtay waraaqo waaweyn qaybo kala duwan oo ka mid ah qur'aanka kariimka ah, waxayna maalintii dhawr saacadood ku qaadataa qoraalkan.

"Hadda ka hor, dhowr gabdhood oo naga mid ah ayaa quraanka kariimka ah gacanta ku qori jiray koox koox, laakiin hadda kaligey ayaan ku sameeyaa tarjumaad Pashto ah, tanina waa riyaddii ugu waynayd ee nolosheyda," ayay tiri.

Sida ay sheegtay iyada, farshaxanimada ayaa si weyn looga isticmaalaa Herat, taasina waa tan ku dhiirigelisay inay barato farshaxanka farta quruxda badan.

"Waxaan bartay inaan gacanta ku qoro Qur'aanka Kariimka toban sano ka hor anoo 15 jir ah oo keliya," ayay tiri. "Macallimkaygu waa Mir Wali Axmad, oo ah qoraaga caanka ah ee Herat, kaas oo i baray farshaxankan."

In kasta oo inta badan dugsiyada magaalada Herat ay wax ku bartaan manhajka Dari, haddana Durrani waxa ay sidoo kale wakhti gelisey barashada suugaanta Pashto, waana sababta ay hadda uga caawinasyo qorista tarjumaada Pashto ee Qur'aanka Kariimka.

Farshaxan-yaqaanku wuxuu leeyahay taariikh in ka badan kun sano magaaladan. Tan iyo boqortooyadii Timurid, farshaxanka far-qoritaan ee quruxda badan ayaa caan ahaa, ilaa maantadan la joogo, waxaa magaaladan ku sugan fannaaniin badan oo waayo-arag u ahaa fankan.

Ururka Herat Calligraphers' Association waa goob ay isugu yimaadaan fanaaniintan sidoo kale waxay noqon kartaa madal lagu dhiirigaliyo kuwa kale.

Nagita
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nagita Durrani oo 25 jir ah, waxay nasiib u ah in fursad loo siiyay inay u rumowdo riyadeeda xaalad aysan haysan gabdho badan oo dalka ku nool. Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa u xiran gabdhaha ka sareeya fasalka lixaad waxayna la kulmaan caqabado badan oo dhanka shaqada ah.

Durani ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in mashruucan oo kale ay fursad u hesho, faa'iidadiisana ay sidoo kale gaari doonto gabdhaha kale.

Waxay hadda in ka badan 20 gabdhood ku tababartaa istuudiyeheeda farshaxanka, waxayna rajaynaysaa inay fankan gaarsiiso hablaha ku nool gobollada kale ee Afgaanistaan, laakiin waxay tiri, "Wax walba waa suurtogal, haddii ay suurtogal tahay, rabitaankayga ugu weyn ayaa rumoobaya."

Durani waxa ay u aragtaa in ay muhiim tahay in taageero iyo gacan laga siiyo horumarinta fankeeda, sababtoo ah qalab la'aanta awgeed, waxa laga yaabaa in aan si fiican loo barbaarin fankooda.

Nagita waxa ay sheegtay in gabdhihii ay tababartay "hadda ay gaareen heer macalimiin ay noqdaan oo xitaa ay ka qeybgaleen bandhigyo lagu soo bandhigay Sacuudiga".

"Digsiyadaan waxaan u dirnaa Ameerika, Yurub iyo adduunka intiisa kale," ayay tiri, iyada oo tixraacaysa ururinta dhoobada midabka leh ee quruxda badan ee Khatin Zar gallery.

"Ma ahan kaliya ganacsi, waxay sidoo kale ka dhigan tahay in tani ay tahay wax ay sameeyeen haweenka Afgaanistaan."